HomeItoobiya oo soo bandhigtay Siday ugu heellan tahay Isticmaalka Dekedda Berbera iyo...

Itoobiya oo soo bandhigtay Siday ugu heellan tahay Isticmaalka Dekedda Berbera iyo Hirgelinta Mashruuca Berbera Corridor

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

dedDowladda Federaalka Itoobiya oo Khubaro Qiimayn ku samaysa u soo diratay Xaddiga iyo Qiimaha Isticmaalka Korontada Magaalooyinka waaweyn ee dalka  

Addis Ababa (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland Dr Maxamed Biixi Yoonis oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa Axaddii maanta kulan la qaatay Wasiirka iyo Wasiirul-dowlaha Maaliyadda ee dowladda Federaalka Itoobiya, waxaanay ka wada-hadleen sidii loo dar-dargelin lahaa xidhiidhka ganacsi ee labada waddan.

Wasiir Biixi oo uu weheliyo ku-simaha Safiirka Somaliland ee Safaaradda Addis Ababa Ayanle Salaad Diiriye, waxa ay la kulmeen Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Axmed Sufiyan iyo wasiirul-dowlaha Wasaaraddaas  Axmed Shide, waxaanay labada dhinac ka wada-hadleen sidii loo hirgelin lahaa maalgeshiga waddo laami ah oo isku Xidhaysa magaalada Berbera iyo magaalo-xuduudeedda Tog-wajaale (Berbera Corridor), taas oo qayb weyn ka qaadanaysa qorshe dowladda Itoobiya ku danaynayso isticmaalka Dekedda Berbera.

Sida lagu sheegay war-murtiyeed kooban oo caawa ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, waxa uu Md Biixi ku dhiirri-geliyey dowladda Itoobiya inay si buuxda u isticmaasho dekedda Berbera, isagoo u ballan-qaaday inay Somaliland dhinaceeda ka soo baxayso heshiis laba geesood ah oo laba waddan kala saxeexdeen dhowaan, kaas oo ku saabsan Iskaashiga Dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, ayaa kulankaas ka sheegay in dalkiisu u darbahan yahay isticmaalka dekedda Berbera, “Itoobiya waxay aad u danaynaysaa inay si buuxda u isticmaasho dekedda Berbera,” sidaas ayuu Wasiir Ahmed Sufiyan ka sheegay kulanka dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.

Sida war-murtiyeedka lagu sheegay, wasiirul-dowlaha Maaliyadda Itoobiya Ahmed Shide, ayaa daboolka ka qaaday in dowladdiisu khubaro soo qiimaysa u soo dirtay isla markaana la dhammaystiray Qiimayn lagu sameeyey isticmaalka Qiimaha Korontada magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, taas oo qayb ka ah qorshe qayb ka ah heshiiska is-kaashi ee labada dowladood dhexmaray, kaas oo suurta-galinaya in Korontada laga dhaliyo awoodda Biyo-xidheennada Itoobiya loo soo gudbiyo dhinaca Somaliland.

“Waxa kale oo jira khubaro ay Itoobiya u soo dirtsatay qiimaynta waddada isku xidhaysa Somaliland iyo Itoobiya oo ah Jid laami ah oo ka imanaya Berbera ilaa Tog-Wajaale,” sidaas ayaa war-saxaafadeedka lagu sheegay.

Kulanka labada dhinaca oo ku soo gebo-gaboobay jewi is-faham, ayaa lagu go’aamiyey in magaalada Addis Ababa uu ka dhici doono wejiga labaad ee Kulan magaalada Hargeysa ugu qabsoomay sannadkii hore dabayaaqadiisii Wasiiro ka tirsan Somaliland iyo kuwo dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ka socday oo booqasho ku yimi dalka, kaas oo lagaga wada-hadlay hirgelinta mashruuca Berbera Corridor iyo Mashruuca Korontada Dowladda Itoobiya loogu iib-keenayo Somaliland.

qaqWasiirka Maaliyadda Itoobiya, ayaa kulanka ka sheegay inay Guddiyada Wasiiirrada labada waddan dhowaan isugu iman doonaan kulankooda labaad magaalada Addis Ababa.

Wasiirrada labada xukuumadood ayaa ah guddi dowladaha Itoobiya iyo Somaliland u metalaya jaan-goynta xidhiidh ganacsi iyo dhaqaale oo dhexmara labada waddan, taas oo ay saldhig u tahay dowladda Itoobiya oo si xooggan u danaynaysa Isticmaalka Dekedda Berbera.

Waddanka Itoobiya oo aan lahayn wax deked ah, ayaa ganacsigooda ugu weyni u soo maraa dekedda magaalada Jabuuti oo adeegyadeedu ka xoog badan yihiin dekedda Berbera, kaddib markii ay la wareegtay shirkadda DP World oo laga leeyahay waddanka UAE ay maalgashi ballaadhan ku samaysay.

Haseyeeshee, qorshaha dowladda Itoobiya ee Isticmaalka Dekedda Berbera oo dhowrkii sanno ee u dambeeyey sii xoogaysanayey, waxa hortaagaan Qorsheyaal aan weli hirgelin oo Xukuumadda Siilaanyo maalgeshi dibadeed ugu raadinayso horumarinta iyo ballaadhin dekedda Berbera.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories