HomeItoobiya oo shaacisay inay bilaabayso dhoofinta Gaaska Dabiiciga ah oo laga helay...

Itoobiya oo shaacisay inay bilaabayso dhoofinta Gaaska Dabiiciga ah oo laga helay dhulka dowlad-deegaanka Soomaalida

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay inuu Saddexda illaa Shanta sano ee soo socota Waddankoodu billaabayo dhoofinta Gaaska dabiiciga ah, kaddib markii deegaanka Soomaalidu degto ee dalkaaslaga helay keyd ballaadhan oo Gaaska Dabiiciga ahi ka buuxo.

Wasiirka macdanta Itoobiya, Tolossa Shagi ayaa sheegay jimcihii shalay inay rajeynayaan dhoofinta gaaska dabiiciga ah ay ka heli doonaan sannad walba lacag dhan hal bilyan oo doollarka Mareykanka.

Sidoo kale, Tolossa ayaa intaas raaciyay in shirkad laga leeyahay dalka China ay ka heshay deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya cel uu ku jirto gaas dabiici ah oo lagu qiyaasay 4.7 Tirilyan.

“Dalku wuxuu billaabi doonaa dhoofinta shidaalka marka la haqab-tiro baahida gaaska ee Gudaha dalka Itoobiya,” ayuu Wasiirka Macdanta dalka Itoobiya hadalkiisa ku daray, mar uu warfidiyeenka kula hadlayay Xarunta Itoobiya ee Addis Ababa.

Ugu dabeyn, Wasiirka ayaa xusay in ammaanka halka laga qodayo ceelka aad loo adkeeyay, si looga hortago weerarkii dhacay sannadkii 2007-dii mid la mid ah, kaasoo lagu lagu dilay 65 Askari oo Itoobiyaan ah iyo sagaal shaqaale ah oo u dhashay dalka Shiinaha. Kuwaasoo u shaqeynayay shirkad shidaalka baadha oo laga leeyahay Shiinaha.

Si kasta ha ahaatee, Weerarka lagu dilay 74-kan qof ee isugu jiray Shiine iyo Itoobiyaanka ayaa waxaa Mas’uuliyaddiisa Sheegatay Ururka ONLF ee kula jira Dagaalka Xukuumadda Itoobiya.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories