HomeItoobiya oo la Wareegtay Hoggaanka Midowga Afrika iyo Qodobbada Horyaala Shirka furmay

Itoobiya oo la Wareegtay Hoggaanka Midowga Afrika iyo Qodobbada Horyaala Shirka furmay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Shirkii Madaxweynayaasha QaaraddaAfrika oo maanta ka furmay magaaladda Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, ayaa qodobada ajandayaashiisa la filayaa inuu ugu weyn yahay ka hadalka dhibaatada dagaal ee ka taagan dalka Maali.

Dalalka Afrika qaarkood ayaa iyagu horeba ugu yabooheen inay ciidamo u dirayaan Dagaalka Faransiisku hogaaminayo ee la doonayo in kooxaha falaagada ah lagaga xoreeyo woqooyiga dalkaasi ee ay haystaan.

Haile Mariam Desalegn
Haile Mariam Desalegn

Shir-madaxeedka Afrika ayaa la filayaa in lagu gorfeeyo kharashka ku baxaya ciidamada ka howl-gelaya dalka maali iyo sida kharashkooda loo qaybsanayo, iyada oo ilaa hadda ay dalka Maali gaadheen ciidamo xadidani.

Wararka ka imanaya Xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa, waxa ay sheegeen in shir-madaxeedka lagu eegi doono sidii mowqif midaysan looga qaadan lahaa xaaladda dalka Mali, iyada oo lagu wado in laga hadlo oo kale xurgufta dhextaala labada Suudaan iyo guud ahaan xaaladaha waqtigan ee Qaarada ka jira.

Raysal wasaaraha Dalka Itoobiya Haile Mariam Desalegn ayaa shalay loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Ururka Midawga Afrika waxaana xilkaas si rasmi ah ugu wareejiyay Madaxweynaha dalka Benin, Yayi Boni oo xilka Guddoomiyaha Ururka loo doortay sannadkii hore.

Kulanka uu kula wareegay Guddoomiyanimada Ururka Midawga Afrika Raysal wasaaraha Dalka Itoobiya waxa ka hadlay Madaxweynaha Falastine Maxamud Cabaas, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Kimon, Guddoomiyaha Guddida joogtada ah ee Midawga Afrika Dr. Nkosazana Dlamini Zuma iyo madax kale oo uu ka mid yahay Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Ghana.

Kulanka Madaxweynayaasha Afrika iyo Dublamaasiyiinta kala duwan ee Dalalka Afrika waxa si qoto dheer ay madaxdu ugu xustay waxqabadkii kontonkii sano ee uu Ururka Midawga Afrika jiray, iyagoo si qoto dheer uga waramay Dibu-dhacyada iyo Horumarka ay Qaaradu gaadhay gaar ahaana Dhinacyada Horumarka iyo Dagaalada.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories