HomeItoobiya oo dusha u saartay Dalka Sudan mas'uuliyadda diyaarad ay leedahay oo...

Itoobiya oo dusha u saartay Dalka Sudan mas’uuliyadda diyaarad ay leedahay oo shalay la Afduubay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

afduubaDiyaarad_Geneva1-300x168Geneva (SLpost)- Dawladda Itoobiya, ayaa masuuliyadda afduub loo geystay diyaarad ay leedahay ku eedaysay dalka Sudan oo magaalo-madaxdiisa Khardoum ay sii fadhiisatay diyaaraddani, iyaga oo ku dooday in dadka diyaaradda aftuubay ay ka sii raaceen garoonka diyaaradaha ee magaaladaas.

Diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines oo ka duushay garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa kuna sii jeedday waddamada qaaradda Yurub, ayaa shalay si khasab looga dejiyey magaalada Geneva ee xarunta dalka Switzerland, iyada oo cidda falkaas afduubka fulisay lagu sheegay kaaliyihii duuliyaha diyaaradda oo markii uu ka degay diyaaradda magan-gelyo weydiistay dawladda dalkaas.

Haseyeeshee, dawladda Itoobiya ayaa falkaas ku tilmaantay mid ay fuliyeen argagixiso diyaaraddooda ka sii raacday dalka Suudaan.

Afhayeen u hadlay xukuumada Itoobiya oo lagu magacaabo Redwan Hussein, ayaa u sheegay Wakaaladda wararka ee Reuters in duulimaadka diyaaradda oo ku sii hakaday caasimada Sudan ee  Khartoum uu filayo in afduubaha ama afduubayaal ka sii raaceen.

“Ma garanayno halka ay ka yimaadeen iyo caddadka tiradooda, laakiin, waxay u muuqataa in afduubahu ama afduubayaashu ka fuuleen diyaarada magaalada Khartuum,” ayuu Redwan u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, markii booliisku sheegay inay xidheen afduubihii.

Booliiska magaalada Geneva ayaa la sheegay inay xidheen kaaliyaha duuliyaha diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya, taas oo shalay afduub khasab lagu fadhiisiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Geneva.

Sida laga soo xigtay afhayeen u hadlay booliska, kaaliye-duuliye aan magaciisa la shaacin, una dhashay dalka Itoobiya, ayaa soo xidhay qolkii hagidda diyaarada xilli duuliyahii diyaaraddu xamaamka galay, isla markaana afduubay diyaarada, isaga oo markii uu fadhiisiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Geneva magangelyo qaxootinimo ka dalbaday dalkaasi  Switzerland.

Ninkan oo la sheegay in ciidamada booliisku su’aalo weydiinayaan ayaa markuu fadhiisiyey diyaardada ku soo degay xadhig, ka dibna isku dhiibay booliiska.

Shirkadda diyaaradaha Itoobiya ayaa xaqiijisay in duulimaadka diyaaradahooda midkood si khasab ah loogu leexiyey magaalada Geneva, isla markaana dhamaan rakaabkii nabadqabaan.

Duulimaadka diyaaradan oo aroornimadii shalay ka soo duushay caasimada Itoobiya ayaa qorshaheedu ahaa inay fadhiisato garoonka magaalada Roma, ee Talyaaniga, balse loo leexiyey magaalada Geneva, sida uu sheegay afhayeenka booliisku.

Xeer-ilaaliye magaalada Geneva Olivier Jornot ayaa cadeeyey in xukuumada Switzerland baadhitaan ku samaysanso sababaha afduubkan, isla markaana la filayo in lagu rido xukun xabsi gaadhaya ilaa labaatan sannadood.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories