HomeItoobiya oo Axadda Maanta looga dareerayo Doorashadeedii 5aad, tirada Xisbiyada ku loolamaya...

Itoobiya oo Axadda Maanta looga dareerayo Doorashadeedii 5aad, tirada Xisbiyada ku loolamaya iyo Saadaasha laga bixiyey natiijadeeda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

ADDIS ABABA (SLpost)- Maanta oo Axad ah, waxa dalka Itoobiya looga dareerayaa doorashadii Saddexaad ee Shacabku hab-dimuqraaddi ah wax ku doortaan, muddada 20-ka sanno ee uu dalkaas hoggaamineyey Xisbiga EPRDF, haseyeeshee xisbiyada mucaaradka, ayaa rejo xumo ka muujiyey natiijada ay ka filayaan doorashada oo ay ku tilmaameen inay natiijadeedu isugu biyo-shubaynayso inuu ku guulaysan doono Xisbiga talada haya ee EPRDF.

In ka badan 36 Milyan oo qof oo ka mid ah 90 Milyan ee shacabka Itoobiya, ayaa isu diiwaangeliyey inay codkooda ka dhiibtaan doorashada Baarlamaanka dalkaas, waxaana ka qayb-qaadanaya in tiro ku dhow 47 Xisbi mucaarad iyo 6,000 oo murashaxiin u tartamaysa 547 kursi, in kasta oo natiijada doorashada loo badinayo inuu ku guulaysto Isbahaysiga talada dalka haya ee EPRDF.

doorashada itoobiyaDoorashadii Baarlamaanka ee dalka Itoobiya ka dhacday sannadkii 2010-kii, waxa ay xisbiyada mucaaradku ku guulaysteen hal kursi oo kaliya, taas oo loo nisbeeyey in Isbahaysiga EPRDF ku guulaysan doono doorashadan, iyada oo Natiijada doorashada la filayo in lagu dhawaaqo dhammaadka bisha June ee soo socota.

“EPRDF waligii kamuu qayb-qaadan doorashada natiijadeeda aan la sii qorshaynin. Waxay mucaaradka ku dhaleeceeyaan inaanay lahayn siyaasi u qalma hoggaaminta dalka. Natiijada doorashada oo laysku ogyahayna waxa sabab u ah laba qodob; isbahaysiga EPRDF wuxuu haystaa lacag, waana xisbi abaabulan, halka mucaaradka ay la hadhay caga-juglayn, markaa waxaan filayaa in EPRDF talada hayaa ku guualysan doono,” Sidaa waxa yidhi guddoomiyaha xisbiga Oromo Democratic Front Group, Leenco Lata, oo mastaafuris kaga maqan dalkiisa.

Haseyeeshee, afhayeen u hadlay Xisiga talada haya, ayaa beeniyey cambaareynta mucaaradka ee la xidhiidha natiijada doorashooyinka iyo xad-gudubyo ka dhan ah saxaafadda iyo xorriyatul qawlka oo dowladda Itoobiya lagu eedeeyey.

“Mucaaradku waxay keenaan cabashooyin, taasina waxay beenowday markii aanu samaynay guddi qaabilsan cabashada, laakiin, waxa ay sheeganayaan oo dhan waxa suurto-gal ah waxyari inay ka rumoobaan,” Sidaas waxa yidhi Desta Tesfaw oo ah madaxa xidhiidha bulshada iyo arrimaha dibadda ee Xisbiga EPRDF.

Doorashadan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee Baarlamaanka ah ee dalkaas ka dhacda tan iyo wixii ka dambaysay markii uu talada la wareegay Raysalwasaare Hailemarim Desalegn sannadkii 2012 kaddib markii uu geeriyooday raysalwasaarihii hore Meles Zenawi.

Is-bahaysiga talada dalka haya ee EPRDF oo ay ku midoobeen Afar Xisbi-siyaasi oo ka ugu muhiimsani yahay Tigrayan People’s Liberation Front (TPLF), ayaa talada dalka Itoobiya soo hoggaaminayey ilaa sannadkii 1991 wakhtigaas oo xukunka laga tuurtay dowladii Kali-taliska ahayd ee Mengistu Haile Mariam.

Waddanka Itoobiya oo nidaamka dowladnimadu ku dhisan tahay Baarlamaanka, waxa hoggaanka madaxnimo ee dalkaas soo magacaaba Xisbiga ku guulaystay tirada ugu badan ee xildhibaannada baarlamaanka.

In kasta oo dalka Itoobiya muhiimad xagga ammaanka ah u leeyahay waddamada Reer Galbeedka, gaar ahaan Maraykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub, haddana waxa lagu dhaliilaa inuu yahay waddan kaalinta hore kaga jira liiska dalalka tacaddiyada loo geysto Saxaafadda iyo ku-tumashada xuquuqal-iinsaanka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories