HomeItoobiya iyo Hindiya Oo Kala Saxeexanaya Heshiis Dhanka Difaaca ah

Itoobiya iyo Hindiya Oo Kala Saxeexanaya Heshiis Dhanka Difaaca ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Hindiya iyo Itoobiya, ayaa qarka u saran dhammeystirka heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah, kaasoo looga ujeeddadiisu tahay in kor loogu qaado awoodda ciidamada Itoobiya iyadoo loo marayo tababar iyo taageero dhaqaale labadaba.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Hindiya, Demeke Atnafu, ayaa xaqiijiyay in dhammeystirka heshiiskan la filayo kaddib doorashooyinka guud ee Hindiya oo la filayo inay dalkaas ka qabsoomaan dhammaadka bisha April iyo horaanta bisha May ee Sannadkan.

Sida aanu ka soo xigannay warbaahinta Ethiopia, Danjire Demeke Atnafu waxa uu sheegay in heshiiskani ka dhashay wadahadallo u socday labada waddan iyo xoojinta qorsheyaal lagaga dhawaaqay shirwaynihii isbahaysiga BRICS ee Sannadkii hore.

Waxa uu sheegay in Heshiiskani ku dhisan yahay iskaashiga taariikhiga ah ee u dhexeeya labada waddan, iyadoo dalka Hindiya door muhiim ah ku lahaa aasaasida Akademiyada Ciidamada ee Harar 1950-meeyadii.

Hindisahan ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay istaraatiijiyad ballaadhan oo Hindiya ku doonayso inay ku xoojiso iskaashiga difaaca ee guud ahaan Afrika, iyadoo u maraysa Maalgelin dhinaca gaashaan-dhigga ah, waxaanay Hindiya hiigsanaysaa inay sare u qaaddo ammaanka gobolka iyo xidhiidh adag oo dhexmara waddamada Afrika.

Marka laga yimaaddo  iskaashiga difaaca, Dalalka Hindiya iyo Itoobiya, ayaa sidoo kale ku hawlan sahaminta fursadaha iskaashiga kaabayaasha dhinaca tiknoolajiyada, kuwaas oo ay ku jiraan samaynta nidaam maaliyadeed oo lagu midaysan yahay, kaas oo la tartamaya nidaamka maaliyadda ee reer Galbeedka.

Waddamo ay ka mid yihiin Ethiopia, Masar iyo Sucuudiga, ayaa dhawaan ku biiray Xubnaha dalalka ku midoobay isbahaysiga BRICS oo Markii hore ka koobnaa dalalka Braziil, Russia, India, China iyo South Africa.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories