HomeItoobiya iyo Cumaan oo ku loolamaya Suuqyada Sibidhka Somaliland iyo Buuraha Sibidhka...

Itoobiya iyo Cumaan oo ku loolamaya Suuqyada Sibidhka Somaliland iyo Buuraha Sibidhka Berbera oo ka arradan manafacaadsiga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Dalka Somaliland oo ka mid ah waddamada Allah ku mannaystay Buuraha sida sahlan Sibidhka iyo noocyada Istanbarka ama Rijinka looga samayn karo, keliyana u baahan Wershad Farsamaysa, ayaa ka arradan Nimcada Allaah siiyey ee ay hodanka ku tahay, isla markaana ah dal waddammo dibedeed ay sannad walba ka macaashaan Malaayiin Doollar oo lagaga qaado soo iibsiga iyo u soo dhoofinta Sibidhka.

Dawladda Itoobiya, ayaa shaaca ka qaadday in Ganacsi ay u dhoofiyaan waddamada jaarkooda ah uu ka soo galay dakhli gaadhaya 9.5 (Sagaal iyo Malyan iyo Badh) Lacagta Maraykanka ah sannadkii hore.

berbera cementDakhligan oo ka sarreeyey kii sannadkii ka horreeyey, ayaa lagu sheegay inuu ka soo baxay dhoofinta Badeecadaha Sibidhka iyo qalabka Wershaddu ku jiraan sida Solomon Yohannes oo Agaasime ka ah Machadka Dhismaha iyo Kiimikada uu u sheegay Wargeyska Waltainfo.

Sibidhka ayaa lagu sheegay in waddamadda ay Itoobiya u dhoofiyaan ka mid yihiin dalalka jaarkooda sida Djibouti, Kenya, Somaliland iyo Koonfurta Sudan, siduu sheegay Agaasimuhu. Sida laga soo xigtay Solomon, qorshaha waxa ugu jira inay ka helaan dakhli gaadhaya 15 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah dhoofka Sibidhka Miisaaniyad-sannadeedkan. Waxaanay dawladda Itoobiya shaacin Dakhli Malaayiini Doollar ah oo ay ka hesho Qaadka ay u soo dhoofiso Somaliland oo isagu ah ka ay lacagta ugu badan ee Somaliland ku baxdo, una xerooto Itoobiya.

Inkasta oo dhinaca Somaliland aan weli macluumaad laga hayn xaddiga Sibidhka Itoobiya ee dalka soo gala iyo dakhliga cashuurta ka soo xeroota, haddana waxay nasiib-darro ku tahay in dalka oo qaniimado Sibidhku ka mid yahay Illaahay ku mannaystay, lagu guul-darraysto in la helo Wershad lagu farsameeyo oo dakhli iyo fursado shaqo-abuur sameeya.

Geesta kale, Shirkadda ugu weyn dalka Cumaan ee soo saarta Sibidhka, ayaa maal-geshi ku kacaya Malaayiin Doollar ku samaynaysa Dekedda magaalada Berbera ee Somaliland.

Shirkaddan oo lagu magacaabo Raysut Cement, ayaa Axaddii todobaadkan Heshiis Terminal Cusub lagu kordhinayo Dekedda Berbera iyo Bakhaaro lagu keydiyo Sibidh dalkaas laga soo waarido la saxeexatay shirkad lagu magacaabo Barwaaqo Cement oo Somaliland laga leeyahay, kaasoo loogu talo-galay inuu gaar u noqdo soo-dejinta Sibidhka ay soo saarto Shirkadda reer Cumaan oo marka Somaliland laga yimaaddo loogu talo-galay inay noqoto xarunta Keyd u ah Ganacsiga Sibidhka waddamada Geeska Afrika.

Heshiiskan oo ka dhacay Caasimadda dalka Cumaan ee Muscat, waxa goob-joog ka ahaa, isla markaana labada dhinac u saxeexay Guddoomiyaha Shirkadda Raysut Cement Eng. Salid Bin Alawi Bin Mohammed Baabood iyo Guddoomiyaha Shirkadda Barwaaqo Cement Ismaaciil Siciid Xuseen, sida ay baahisay Jariiradda Muscat Daily.

“Sida heshiisku yahay, qayb cusub oo laga dejiso Sibidhka, isla markaana lagu qaybiyo lagu kordhin doonaa Dekedda Berbera, iyada oo la isticmaalayo farsamadii ugu dambeysay ee keydinta Sibidhka oo loo samayn doono goob lagu keydiyo 12,000 Tan.” sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Shirkadda reer Cuman oo Wargeyska u warramay. Guddoomiyaha Shirkadda Raysut Cement, waxa uu sheegay in maal-gashiga mashruucan ay ku kici doonto lacag dhan 7.5 Milyan oo Dollarka Maraykanka ah.

Hase-yeeshee, ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dawladda Somaliland, gaar ahaan Maamulka Dekedda Berbera iyo Shirkadda Barwaaqo Cement, oo ka hadlaya heshiiska lala galay Shirkaddan laga leeyahay waddanka Cuman.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Md Muuse Qaasim aanu xalay khadka telefonka kula xidhiidhnay si aanu wax uga weydiinno heshiiska dhexmaray labada shirkadood iyo doorka ay xukuumad ahaan ku leeyihiin, ayaan noo suurta-gelin inaanu helo, ka dib markiii uu naga qaban-waayey telefonkiisa gacanta oo tiraba dhowr jeer ka garaacnay.

Inkasta oo magaalada Berbera ee Xarunta gobolka Saaxil ay ka samaysnaan jirtay Wershaddii Sibidhka ee Soomaaliya, haddana tan iyo markii ay Somaliland la soo noqotay madax-bannaanideeda sannadkii 1991-kii, may shaqaynaynin Wershaddaas oo qalabkeedii la furfurtay, isla markaana marar kala duwan oo ay Ganacsato kala geddisani isku dayeen inay Maalgeshi ku sameeyaan si looga shaqaysiiyo Wershaddaas balse aan lagu guulaysan, ka dib markii ay la kulmeen Caqabado xooggan oo kaga imanayey dhinacyo kala duwan oo Ganacsato kale iyo Deegaanku-ba ka mid yihiin.

@HIMILO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories