HomeIsuduwaha Caafimaadka Gobolka Maroodi-jeex oo beeniyey war lagu sheegay inuu horjoogsaday goob...

Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Maroodi-jeex oo beeniyey war lagu sheegay inuu horjoogsaday goob xannaanno laga dhisayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Isu-duwaha Caafimaadka Gobolka Maroodijeex Dr. Sayid Ismaaciil Xasan, ayaa sheegay inay wasaaradda caafimaadka ka go’antahay ballaadhinta dhismayaasha caafimaadka, gaar ahaan xannaannooyinka (MCH-yada), isagoo xusay inay wasaarad ahaan soo dhawaynayaan cid kasta oo arrintaas gacan ka gaysanaysa.

Dr. Sayid Ismaaciil Xasan oo soo saaray qoraal uu ku beeniyey war ku soo baxay wargeyska madaxbannaan ee Foore, waxa uu tilmaamay inuu maayarka caasimadda Hargeysa ka codsaday dhul laga dhiso ilaa 22 goobo caafimaad ah oo loogu tallogalay gobolka Maroodi-jeex, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya inuu hor joogsaday xannaanno la doonayo in laga dhiso xaafada Sheekh Cumar ee magaalada Hargeysa.

isu-duwaha Caafimaadka Gobolka Maroodijeex “Waxaan waxba kama jiraan iyo been abuur cad ku sheegayaa war maanta (shalay) oo bishu tahay 24/08/2013 ku soo baxay wargayska FOORE oo wargaysku ku qoray in Isuduwaha Caafimaadka ee Gobolka Maroodi-jeex is hor taagay xannaano loo dhisayay xaafada Sheekh Cumar ee magaalada Hargeysa oo yidhi ‘la dhisi maayo ilaa laaluush lacag ah la bixiyo mooyee.’ waa sida wargaysku u qoray.

Haddaba, arrintaas oo igu noqotay runtii mid ugub ah oo aan la yaabay ayaan jecelahay in aan ummadda u xaqiijiyo in aanay waxba ka jirin. Maxaa yeelay? Waa wax meesha ka fog. Haddaba, Wargayska Foore waxaan uga fadhiyaa inay iga daw-bixiyaan oo ii caddeeyaan cidda ii timi ee aan laaluushka waydiistay.

Hadaan u soo noqdo dulucda jawaabtayda, waxa Wasaarada Caafimaadka ka go’an inay ballaadhiso dhismayaasha caafimaadka oo ay soo dhawayso cid kasta oo wax u qabanaysa bulshada danyarta ah. Haddaba,  waxa maalintii  Khamiistii ee bisha August ahayd 22 waxa ii yimi odayaal muxtarim ah oo ka socday degmada Sheekh Cumar oo ka koobnaa 7 oday, waxayna ii sheegeen inay Hay’adda Caritus u soo ogolaatay dhismaha Xarunta Hooyada iyo Dhalaanka (MCH) ee waxaan kaa rabnaa inaad noo ogolaato ood noo saxeexdo. Waxaan ugu jawaabay; ‘waa arrin aad u muhiima oo anagaaba ka wasaarad ahaan dedaal ugu jirnay sidii Sheekh Cumar iyo meelo kale oo badan uga dhisi lahayn goobo caafimaad.’ Annigoo Isuduwaha Caafimaadka ee Gobolka Hargeysa ah ayaa muddo laga joogo laba bilood waxaan maayirka caasimada ka codsaday inuu noo ogolaado dhul laga dhiso 12 xannaanno (MCH-yo), arrintaasina waxay muujinaysaa sida  ay wasaarada caafimaadka Somaliland uga go’an tahay in la balaadhiyo oo gobol ilaa degmo kasta oo dalka ah la gaadhsiiyo adeegyada caafimaadka.

odayaashii ii yimi ee ka socday xaafadda Sheekh Cumar waxaan ku idhi; ‘si aynu u ilaalino anshaxa dawladnimo iyo masuuliyada wasaaradda caafimaadka, Hay’adda Caritus ee xannaannada idiin dhisaysaa ha soo marto sharciga wasaarada si la iskula meel dhigo nimaadka (Standard) u yaal dhismaha xannaanooyinka caafimaadka, kadibna ka gobal ahaan sida ugu dhakhsaha badan ayaanu uga hawlgalaynaa oo waan fulinaynaa dhismaha xannaannada xaafadda Sheekh Cumar, odayaashiina runtii waannu isla qaadanay arrintaas. Markaa waxaan leeyahay ma jirto wax aan horjoogsaday iyo cid aan laaluush waydiistayba. Wargeyska Foore-na waxaan leeyahay arrintaas caddaynteedii waan idiinka fadhiyaa, waxaana fiicnaan lahayd sida anshaxa saxaafadda iyo xeerarka warbaahintu dhigayaan in aan ila soo xidhiidhaan oo wax iga weydiisaan warka aad qorteen si aannu u noqon mid been abuur ah, bulshaduna idiin aaminto, laakiin hadda waxa aad samayseen arrin been abuur ah oo aanay waxba ka jirin,” ayuu Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Hargeysa ku soo gunnaanaday qoraalkiisa.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories