HomeIsu-duwaha Caafimaadka ee Gobolka Saaxil oo Naqdiyey Eedo laga faafiyey Arrimaha Caafimaadka...

Isu-duwaha Caafimaadka ee Gobolka Saaxil oo Naqdiyey Eedo laga faafiyey Arrimaha Caafimaadka ee gobolka

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Berbera (SLpost)- Isu-duwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Gobolka Saaxil, Dr. Bashiir Diiriye Jaamac ayaa ka hadlay Arrimo la xidhiidha Adeegga Caafimaadka ee gobolkaas oo lagu faafiyey baraha bulshada kuwaas oo uu tilmaamay in loo baahiyey qaab qaldan oo xaqiiqada ka durugsan.

blankIn kasta oo aanu isuduwuhu magac-dhabin shaqsiyaadkaas, haddana waxa uu qaab gar-naqsi iyo faaf-reeb ah ula hadlay shaqsi aanu magac-dhabin oo uu sheegay inuu warar aan jirin ka faafiyey wasaaradda caafimadka ee gobolka.

Isu-duwuhu waxa uu arrimahan kaga hadlay Qoraal uu Ciwaan uga dhigay “Waa Kuma Dambiiluhu?’, qoraalkaasina waxa uu u qornaa sidan:-

““Marka Hore illaahay Baa Mahad leh inna soo Gaadhsiiyay Bisha Ramadaan oo Tobankeedii Danbe lagu Jiro khayrkeeda alle hayna siiyo.

Marka labaad waxaan si kooban u dul marayaa qoraalka baraha bulshada lagu faafiyay ee ku saabsan Arrimaha caafimaadka gobolka SAAXIL.

Waxaan Ku soo koobayaa dhawr arrimood oo kala ah:

1.Ugu horrayn Dhalinyarta Gaar ahaan Wiilkaa Qoraalada baraha bulshada kusoo Faafiyay Shaqada ku meel gaadhka ah ee uu hayay Laguma qorin reernimo,laakiin waxaa Lagu Qoray Dhiirigelinta wiil dhalinyaro ah, reer Saaxil ah ardayna ah oo Mustaqbal doonaya.

2. Shaqada La qoray Waxa ay lahayd Kormeer joogto ah,dabogal,iyo warbixin ku qotonta shaqada,anshaxa iyo xilgudashada shaqaalaha iyadoo DP world haysa guud ahaan macluumaadka la xidhiidha arrinta wiilkan oo u badan mid taban.

3. Gunadda waxaa Laga Siinayey Dp world, waxaanay Shaqada Bilaabeen 7dii Bisha April,Waxaanu nidaam maaliyadeedka shirkadda ee bixinta lacagtu dib u dhacay Maalmo kooban.

Waxaa Jiray Hadalo badan oo gef ku ahaa maamulka gobolka ee caafimaadka iyo shirkadaba oo xogtoodu kaydsantahay kanasoo yeedhay wiilka Isla markaana aanan jeclayn inaan kaga aargoosto oo aan halkan keeno.

4.Ugu danbayn Lacagtii Gunadda oo dhamaystiran waxa La siiyay 4 cisho ka hor dhamaantood waana wax cad oo xataa isaga hadii la waydiiyo aanu dafiri karin.
Waxaa intaa dheer in wiilku uu farriinta canaanta ah ee la baahiyay uu bulshada usoo gudbiyay xilli uu xataa lacagtiisii haysto taasoo muujinaysa inuu marka horeba doonayay inuu igu sharaf dilo aniga gar iyo gardarroba.
Waxaan jeclaa in bulshadu dhex noo noqoto oo dhinacaygana wax lasoo weydiiyo hadii aan qalad toos ah ku jiro oo hunguri iga galay wiilkaa ama shaqaale kale gunadooda iyo wax la mida bulshada inaan xil u hayo uma qalmo hadii ay igu cadaato.

Waxase dhacaday in iyadoo aan waxba la i waydiin ay i qabsaday aflegaado,cay sharaf dil iyo hanjabaad aan is leeyahay maad mutaysan xaddiga intaas le,eg ilaa imikana ma jirto talaabo aan ahayn inaan bulshada qanciyo oo aan qaaday waxaanan ogahay in masuulka la xagxagan karo oo loo baahanyahay dulqaad dheeraada,anigoo bulshada aan jeclahay ka codsanaya inay hubiyaan wararka lala wadaagayo si aan qofna dulmi ugu dhicin.

Ugu danbayn waxaan saamaxay qof kasta oo si uun iigu gefay oo uu ugu horreeyo wiilka aan shaqada ku meelgaadhka ah anigu siiyay isagoo waliba ah ardaygaygii ilaa imikana aan ahay macalinkiisii isla markaana aan ballanqaadayo in aanu xaqa uu leeyahay ku waayin xanafta na dhex timid,marka aan shakhsi ahaan ka hadlayo iyadoo aanan damaanad qaadi karin wixii sharci ah ee la xidhiidha anshaxa iyo nidaamka shaqada iyo shaqaalaha.

Waxaan sidoo kale ogaysiinayaa bulshada in aanan ahayn qof lagu yaqaan saqajaanimo iyo hunguraynta xaqa shaqaalaha iyo eex midna ee aan ahay dhakhtar waqtigiisa iyo aqoontiisa halka uu geliyay laga marag yahay oo waxa uu qabtay ay ka muuqdo gobolka aan caafimaadkiisa masuulka ka ahay ee SAAXIL oo ka mida gobolada ugu roon adeegyada caafimaadka ee dalka.” Sidaas ayuu yidhi Dr Bashiir.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories