HomeIstixgelin Laba Dhinac ah: Hoggaamiye iyo La-hoggaamiye

Istixgelin Laba Dhinac ah: Hoggaamiye iyo La-hoggaamiye

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Muuqaalka jeldiga buugga Powell

Muuqaalka jeldiga buugga Powell

Colin Powell oo ahaa xoghayihii arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka xilligii madaxweyne George Bush, ayaa waxa uu leeyahay buug la yidhaahdo “It Worked for Me: In Life And Leadership,” cutub ka mid ah ayuu kaga hadlay qiimaha ay leedahay in hoggaamiyaha iyo inta la shaqaysa ka  dhexayso istixgelin iyo is-ixtiraam, taas oo mihim u ah wada-shaqaynta iyo horumarka la gaadhi karo. Waynu ognahay in dhanka awoodda iyo helitaanka hoggaamiyaha iyo bulshadu ayna sinnayn, sidaa awgeed waxa uu leeyahay, “Hoggaamiyayaashu waxa ay haystaan awood sharci oo ayna haysan raacsanayaashu, way awoodaan in ay dalbadaan (in ay wax walba doonaan), wayna helaan kuwo ku addeecsan shaqada, waxa ayna haystaan awood ay tallaabo kaga qaadi karaan raacsanayaasha aan u hoggaansamin ama heerka laga filayey wax-qabad oo ayna buuxin, way eryi karaan, waxa ay siinayaan ayey ku xidhi karaan,  wayna ruqsayn karaan.”

 

 

Powell, sida oo kale waxa uu yidhi, “Ciidan ahaan, waxa ciqaab adag la mariyaa kuwa aan amarka u hoggaansamin, addeecsanaan keliya ayaa laga yaabaa in shaqada lagu qabto, balse ma dhiirrigeliso joogtaynta shaqada, lagama maarmaan maaha sharafta dhiirrigelintu shaqada ku leedahay ama waxsoosaarka ama rabitaanka heerka sare ah. Tani waxa ay iman kartaa marka ay dareemaan raacsanayaashu in ay qayb ka yihiin hoggaaminta fiican, sida oo kale waxa la helaa marka ay tixgeliyaan hoggaamiyayaashooda iyo sida oo kale marka ay hoggaamiyayaashoodu ixtiraamaan iyaga laftooda.  Waxa ay timaaddaa marka ay aamminaan hoggaamiyayaashooda iyo sida oo kale marka ay gar-waaqsadaan in hoggaamiyayaashoodu iyaga aamminsan yihiin, waa in ay ogaadaan in iyaga la qiimaynayo. Waad awooddaa in aad shir guddoomiso adiga oo aan haysan tixgelinta shaqaalaha, way heli karaan xadka loo oggal yahay, waxa kale oo ay helaan wixii saacad lagu siiyo ama isku shaandhayn ah, taasina waa gorgotanka ama heshiiska ay hoggaamiyayaashooda ka heli karaan.”

 

 

Colin waxa uu aad ugu nuuxnuuxsanayaa in istixgelinta hoggaamiyaha iyo kooxda la shaqaynaysa ka dhaxeysaa ay aad u wanaajinayso niyadsamaanta, wada jirka iyo in ku-talo-galkii hore ee wax-qabad laga badinayo, waxa kale oo uu leeyahay waa in gacanyarayaasha hoggaamiyuhu u arkaan in ay qayb ka yihiin howsha hoggaamiyuhu u xilsaaran yahay, taasna waa in ay keensataa in wax la isdhaafsado,  “Isku-beddalashada waxa ay ku bixinayaan in la isku raaco ka mid ahaanshaha wareegga shaqada, xitaa shirguddoominta oo ay tahay in tixgelin dhexdooda ka jirto madaxda iyo la-hoggaamiyaha iyada oo dhiirrigelinaysa shaqaalaha si ay uga badiyaan ku-talo-galkii hore una helaan ama ay u noqoto rejo iyo yiddidiilo.”

 

 

Powell sida uu sheegayo waa mihim in labada dhinac ee shaqadu ka dhaxayso ay iskasbadaan, lana joogteeyo is-aaminaadda dhexdooda taalla, balse waa in ayna noqon col wada yaal oo haddana kala guurayn, hoggaamiyahana waxa looga baahan yahay go’aan iyo caddaalad in uu ku socdo,  waxa uu leeyahay, “Tixgelinta madaxda ay raacsanayaashu ixtiraamaan laguma waajibin karo, balse waa wax la kasbado, taas oo ah mid madaxda la siiyo kana timaadda bulshada, tixgelintooda waad heli kartaa iyada oo la garanayo lana ixtiraamayo, iyada oo ay tahay in la joogteeyo ilaa masaafada u gaarka ah, se ilaa xad ma aha in lagu dhawaanayo. La-hoggaamiyuhu waxa uu rabaa hoggaamiye aan ahayn anaani, waxa kale oo ay rabaan hoggaamiye niyad haya oo sida oo kalena leh dhiirranaan macnawi ah, kaas oo sida saxda ah wax u qabanaya weliba isaga oo aan khatar gelinayn, waxa ay u baahan yihiin hoggaamiye adag se caddaalad sameeya aanan marnaba xadgudub samaynayn.”

 

 

Hoggaamiyaha maaha oo qudha in la raaco ama lagu daydo, se waa in ay jirto wax lagu raaci karo iyo karti iyo awood ku duugan oo lagaga dayan karo, taasna waa in laga dheehan karaa ixtiraamka uu u hayo shaqaalihiisa, sidaa awgeed ayuu Colin buuggiisa ku leeyahay, “ Madaxdu maaha oo keliya kuwo lagu daydo, balse waa kuwo dhiirrigeliya kuwa ay hoggaamiyaan, sida oo kale waxa ay ku dhiirrigeliyaan in lagaga daydo waxyaabaha u gaarka ah. Marka ay xaalad sidan oo kale ahi ka jirto ururka, mid baa la noqonayaa waana dareemaysaa, shaqaaluhu way ku tixgelin doonaan markaa, waanad arki kartaa in adiga iyo ururkuba guulaysataan, iyaguna ka mid noqoshadooda ururka iyo hammigoodu waxa uu noqon doonaa mid guulaysta.”

 

Aqoonta iyo garashadu waa mid ka mid ah waxyaabaha la isku-tixgeliyo, in qofku yeesho aragti fog sida oo kalena fayow waa mid u sahlaysa in lagu dabo socdo oo lagu tixgeliyo, waana sida uu Powell laftiisu u leeyahay, “Waxyaabaha lagama-maarmaanka u ah in la istixgeliyo ayaa aqoonta; haddii aanad garanayn shaqadaada iyo doorkaaga oo aanad sida oo kale si fiican u gudan karin, sabab ay kuu tixgeliyaan ama ay kuu ixtiraamaan dadkaagu ma jiraan. Inkasta oo hoggaamiye kastaa doonayo in la jeclaado oo dadkiisu jeclaadaan, sida oo kalena la-hoggaamiyayaashu ay doonayaan in ay jeclaadaan hoggaamiyayaashooda, haddana isjeclaantu ma aha mid lagama maarmaan ah, taasi waa mid ka yeelaysa nidaamka urur mid si toos ah u shaqeeya, balse haddii istixgelin ayna jirin, ururka ama nidaamka shaqadu waxa uu noqonayaa mid si xun u shaqeeya, waa in isjacaylku uu ka yimaaddaa istixgelinta ama is-ixtiraamka.”

 

W/Q: Xuseen-Mahdi Xasan Xuseen
Email: asalraac@yahoo.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories