HomeISTANBUL: Ardayda iyo Jaaliyadda Somaliland ee Turkiga oo Wacdaro ku muujiyey Xuska...

ISTANBUL: Ardayda iyo Jaaliyadda Somaliland ee Turkiga oo Wacdaro ku muujiyey Xuska 22-guurada Maalinta Qaranimada (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

istanbul5

Istanbul (SLpost)- Munaasibad si ballaadhan loo soo agaasimay oo  ay soo qabanqaabayeen Ardayda wax ka barata iyo Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Turkiga, ayaa xalay ka dhacday magaaladda Istanbul ee dalkaas.

Munaasibadan oo lagu xusayay maalinta madaxbaanidda JSL oo ku beegnayd maalintii  18 May 2013, ayaa waxa ka soo qaybgalay dadwayne aad u badan oo iskugu jiray arday, jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalkaasi, ganacsato iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay gudd. Qabanqaabada xafladda ahna gudd. Ardayda  wax barata Turkeyga Maxamed Jaamac Cali, oo ka warramay qaban-qaabada munasibadda iyo muddada ay ku qaadatay qabsoomiddedu, waxaanu u mahadnaqay dhamaanba ciddii ka qaybqaadatay abaabulkii xaflada, Isaga oo sheegay inaanay haba yaraatee cidi ka caawin kana taakulayn marka laga reebo guddoomiyaha Garabka haweenka Xisbiga UCID ee UK Marwo Farduus Cige oo  ayadu uga timi ka-qayb qaadashada xafladda dalkaasi UK, si baaxad lehna uga qayb-qaadatay qabsoomidda munaasibaddan.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Turkey Siciid Aadan Daahir ayaa isna ka warbixiyay taariikhda maalintan iyo halgankii loo soo maray dib-u xoreyntii Somaliland, isaga oo sheegay inaanay dalku ahayn dal imika ku soo biiray caalamka balse yahay waddan hore u jiray isla markaana adduunku ogyahay.

Muj. Cabdilaahi Maxamuud Saleebaan oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay inaanay maalintani ku iman si fudud, Loona baahan yahay in sidan iyo si ka sii waynba loo xuso waajib inaga  saaran  yahay.

Waxa kale oo iyaguna goobta ka hadlay Sayid Saleebaan, Maxamed Muuse iyo Salma Cabdi oo ka mida arday Somaliland ee dalka Tukey wax ka barata.

Suleyman Akay oo ka mid ah gacasatada ugu waawayn dalka Turkey oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ka waramay xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee ka dhexeeyay Somaliland iyo dawladii Cusmaaniyiintii, ilaa maantana  uu jiro xidhiidhkaas iyo walaaltinimadii labada dal ka dhexeysay.

Gabagadii xafladda, waxa ka hadashay gudd. Garabka haweenka xisbiga UCID ee UK Farduus Cige Xassan, oo xafladan uga timi dalkaasi si ay uga qaybqaato, iyada oo ka warrantay maalintani qiimaha ay ugu fadhido shacabka reer Somaliland, sheegtana inay kumanaan halyey u nafwaayeen calankan ay shacabka Somaliland hoos hadhsanayaan, waxaanay ardayda ku boorisay inay dalkooda iyo dadkooda wax u soo bartaan.

Somalilandpost.net

Isntanbul/Turkey

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories