HomeIsrael vs Palestine: Askari Yuhuudi ah oo lagu beddelay 1000 maxaabiis Falastiiniyiin...

Israel vs Palestine: Askari Yuhuudi ah oo lagu beddelay 1000 maxaabiis Falastiiniyiin ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qaahira, (SLpost)- Kooxda Xamaas ee u dagaalanta xornimada dhulweynaha Falastiin ayaa maanta sii daayey askari ka tirsan ciidamada Yuhuudda oo muddo shan sanno ka badan ay haysteen, halka Israa’iil ay sii daysay 1000 ka mid ah falastiiniyiinta xabsiyada ugu jiray oo ay ka mid ahaayeen saraakiil ka tirsan ururka Xamaas.

blankAskariga Yuhuudiga ah oo lagu magacaabo Gilad Shalid isla markaana markii ay Xamaas qabsatay da’diisu ahayd 20-sanno jir ayaa markii la sii daayey waxa uu ka hadlay telefishan Afka Yuhuudda ku hadla oo laga leeyahay dalka Masar, waxa uu sheegay inuu sii dayntiisa ka war helay todobaad ka hor.

blank
Askariga Yuhuudiga ah oo salaamaya Raysalwasaarahiisa

Shacbiga Israa’iil ayaa mar kaliya farxad ku damaashaaday markii ay ka war heleen sii-daynta Askariga. Laakiin waxay ka xumaadeen sii daynta boqolaal maxaabiis Falastiiniyiin ah oo lagu beddeshay.

Raysalwasaaraha Yuhuudda Benjamin Netanyahu oo soo dhaweeyey askariga la sii daayay ayaa Falastiiniyiinta la siidaayey uga digay inay mar kale ku soo noqdaan xabsida dalkaas isla markaana la ciqaabi doono.

blank
Hoggaamiyaha Xamaas, Ismaaciil Haniya

Dadka siyaasadda ka faallooda qaarkood ayaa sheegaya in heshiiskan ay gaadheen labadan dhinac ee isku cadawga ahi uu saamayn deg-deg ah ku yeelan doono Israa’iil.

Askariga Yuhuudiga ah ayaa markii la sii daynayey waxa laga soo qaaday Marinka Gaza iyada oo loo tallaabiyey dhinaca gacanka Sinai halkaas oo lagu wareejiyey saraakiil Masaari ah. Isla markiiba waxa lagu wareejiyey saldhig Milatari oo ku yaala xudduudka labada dal halkaas oo lagu baadhay caafimaadkiisa.

blank
Baabuurta lagu siday Maxaabiista Falastiiniyiinta ah

Boqolaal qof ayaa isku diyaariyey magaalada dhinaca Woqooyi ee Israa’iil ku taala oo uu askarigan qoyskiisu deggen yahay kuwaas oo soo dhawaynayey, halka basas lagu sido maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee la sii daayey, ayaa lagu soo dhaweeyey isla markii ay yimaaddeen marinka Gaza.

blankMaxaabiista Falastiiniyiinta ah oo qaarkood lagu sido dhabarka waxa si weyn u soo dhaweeyey hoggaamiyeyaasha Xamaas oo gacan qaaday maxaabiista.

Dhinaca Daanta Galbeed ee maamulka Falastiiniyiintu ka taliyo, waxa soo dhaweeyey maxaabiista madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas, halkaas oo maxaabiista loo qaaday qabriga halyeygii Falastiin Yaasir Carrafaat.

blank
Askariga Yuhuudiga ah oo la siidaayey

“Waxaanu Illaahay uga mahad-celinaynaa inaad soo laabataan idinka oo bad qaba. Waxaad tihiin halgameyaal xornimada u dagaalamaya, mujaahidiin barakaysan oo u dagaalamaya Illaahay iyo dhulkiina dartii,” ayuu yidhi madaxweynaha Falastiin oo soo dhawaynaya maxaabiista.

Haseyeeshee, waxa isku dhac iyo mudaharaad ka dhacay xadka u dhexeeya Israa’iil iyo Daanta Galbeed ka dib markii dib-u-dhac ku yimi sii daynta maxaabiista isla markii uu Askariga Israa’iil dhulkiisa ka dagay.

Heshiiskan hirgalay oo weli qabyo ah, Israa’iil iyo Xamaas oo dhowr jeer wada-hadallo ka yeeshay iyada oo ay dhex-dhexaadinayaan ergo ka socota Jarmalka iyo Masar, Israa’iil waxay ku ogolaatay inay sii dayso 1000 ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta in kasta oo hadda ay sii daayeen 477 maxbuus oo qaarkood xabsi-daa’in ku xukunnaayeen.

Maxaabiista sii dayntooda lagu heshiiyay inta hadhsan oo lagu qiyaasay 550, waxa loo qoondeeyey wejiga labaad ee heshiiska ay gadhwadeenka ka tahay dawladda Masar, kuwaas la filayo in lagu dhammaystiro muddo laba bilood ah.

Askariga Yuhuudiga ah ee Shalit waxa la qabsaday bishii June 2006 wakhtigaas oo mintidiin Falastiiniyiin ahi dhanka Marinka Gaza, iyagoo marinno dhulka hoostiisa maraya, uga tallaabeen Israa’iil, dabadeedna weerareen Taangi uu saarnaa oo ka hor intii aanay isaga qafaalan, qudha ka jaray laba ka mid ah asxaabtiisa.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories