HomeIsraa’iil oo Shuruud nacayb Falastiiniyiinta u hayso ka tarjumaya ku xidhay Safiir...

Israa’iil oo Shuruud nacayb Falastiiniyiinta u hayso ka tarjumaya ku xidhay Safiir Cusub oo Dawladda New Zealand u magacowda dalkaas

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

new zeaWellington (SLpost)- Dawladda Israa’iil, ayaa ku gacan saydhay Safiir cusub oo waddan New Zealand u magacaabay inuu u qaabilsanaado waddankaas, ka dib Markii ay dawladda Yuhuuddu ku sababaysay inuu yahay ergay dalkaas u qaabilsan maamulka Falastiiniyiinta.

Safiirka Cusub ee New Zealand u magacowday Israa’iil todobaadkan oo magaciisa la yidhaahdo Jonathan Curr, ayaa laga beddelay safiirka Turkiga u qaabilsan oo tan iyo 2008-dii uu hayay xilkaas, waxaanu sidoo kale arrimaha Falastiiniyiinta u qaabilsanaa dawladda New Zealand.

Wasaaradda Arrimaha dibadda New Zealand, ayaa shaacisay go’aanka Israa’iil ku qaaddacday dibloomasiga oo u diyaar-garoobayey inuu waraaqihiisa magacaabista u gudbiyey madaxweynaha dalka Israa’iil.

“Dhowr maalmood ka hor, Israa’iil waxa ay u soo jeedisay New Zealand inaanay safiir ahaan u aqbalay qof sidoo kale ah wakiil dawladdiisa u qaabilsan maamulka Falastiiniyiin,” sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Murray McCully.

Dhinaca kale, afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha dibadda Isra’iil ayaa go’aan ku tilmaamay mid ka tarjumaya qorshaha siyaasadeed ee ah inaanay wasaarad ahaan dalkooda u ogolaanin dibloomasiyiinta dalalkooda ugu magacaaban maamulka Falastiiniyiinta.

“Waxaanu leenahay siyaasad la wada-ogyahay. Tani maaha mid loola jeedo New Zealand,” sidaa waxa yidhi Emmaneul Nahshon, afhayeenka u hadlay wasaaradda Arrimaha dibadda Israa’iil.

Tallaabadan dawladda Israa’iil go’aan ku qaadatay, ayaa noqonaysay markii u horeysay ee qaaddacdo dibloomaasi waddankaasi u magacaabay, iyada oo ay hore u jireen laba safiir oo ka horeeyey Jonathan Curr, kuwaas oo sidoo kale u qaabilsanaa dawladda New Zealand arrimaha maamulka Falastiiniyiinta, waxaana sababta lagu sheegay dawladda Israa’iil oo aan ka war-haynin

Safaaradda Israa’iil ku leedahay caasimadda dalka New Zealand ee Wellington, ayaa arrintan ku tilmaantay inaanay wax xidhiidh ah la lahayn xidhiidhka ka dhexeeya labada waddan.

Raysal-wasaaraha New Zealand, John Key oo la weydiiyey inay tallaabadani ka tarjumayso farriin dawladda Israa’iil arrimo siyaasadeed uga jeeddo, ayaa sheegay inuu ku hawlan yahay ururinta macluumaadka la xidhiidha qadiyadda si baadhis loogu sameeyo ujeeddooyinka dibloomasiyadeed ee israa’iil uga dan leedahay. Raysalwasaare Key waxa uu qirtay in dawladdiisa loo arkay mid taageersan qadiyadda Falastiin wixii ka horeeyey sannadkii 2012-kii, xilligaas oo ay ku jirtay 138 waddan oo ogolaaday in maamulka Falastiin xubin Kor-joogto ah ku yeeshay Qaramada Midoobay.

Waddanka New Zealand oo ku yaala Bariga Adduunka, waxa ay xuduud xagga badda ah wadaagaan dalka Australia.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories