HomeIsraa’iil oo Diiday in Man-hajka Dugsiyadeeda Lagu Daro Buug ka Hadlaya Jacayl...

Israa’iil oo Diiday in Man-hajka Dugsiyadeeda Lagu Daro Buug ka Hadlaya Jacayl Dhexmaray Carab iyo Yuhuud

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Tel Aviv (SLpost)- Wasaaradda Tacliinta ee dalka Israa’iil, ayaa diiday codsi lagu dalbaday in dugsiyada man-hajkooda waxbarasho lagu daro buug ka waramay qiso jacayl ah oo dhexmartay wiil reer Falastiin ah iyo gabadh Yuhuudiyad ah, kadib markii ay ka cabsatay wasaaradu in ardaydu is dhex gasho, isna dhaqan fahmaan.

df1edad5ea9e4750858947070cf02afe_18

Wargeyska maalinlaha ah ee Haaretz oo ugu caansan dalka Israa’iil oo Mankaab soo xigtay, ayaa soo daabacay warqad ay Wasaaraddu ku diiday dalabkaas, kuna sheegtay in aan buuggaagta noocan ah ardayda la bari karin, maskaxdoodana lagu beddeli karin.

Buugga sida gaarka ah loo dalbaday oo la yidhaa Dorit Rabinya “Gader Haya”, caankana ku ah magaca “Hedgegrow, balse Luuqadda English lagu yidhaa “Borderlive” oo noqonaysa “Noloshii Xuduuda”, balse Wasaaraddu ka saartay man-hajka waxbarashada, iyadoo ka cabsi qabta in Carabta iyo Yuhuudu isu soo dhawaato oo ardaydoodu ogolaadaan dadka Carabta ah.

Wasaaraddu ma ay caddayn in ay ka cabsi qabto in jinsiyada amma dhaladnimada ardaydooda iyo aaminsanaanta Yuhuudinimada in arrintan khatargelinayso oo ay ka cabsi qabaan in Carabtu si toos ah ay isu dhexgalaan, balse macalllimiinta ayaa buuggan codsaday in lagu daro buuggaagta Wasaaradda ee ardaydu akhrisanayaan.

Buuggan la yidhaa “Borderlife” ee Noloshii Xuduuda oo ku qoran luqadda Yuhuudda ee Hebrew oo uu turjumay nin Israa’iili ah, kaasoo ka sheekaynaya farshaxan reer Falastiin ah oo jeclaaday gabadh Yuhuudiyad ah oo ku nool magaalada New York ee dalka Maraykanka, jacaylkooduna socday ilaa intii ay Tel Aviv ku soo noqonaysay, halka uu isaguna ku noolaa daanta galbeed ee magaalada Ramallah.

Buuggan waxa uu sannadkan ku guulaystay abaalmarinta la yidhaa Bernstein Prize ee lagu maamuuso qorayaasha da’da yar.

Xigasho Maankaab

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories