HomeIsmaaciil Cumar Geelle oo markii Shanaad loo doortay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle oo markii Shanaad loo doortay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Djibouti (SLpost)- Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad loo doortay madaxweynaha dalka Jabuuti, kaddib markii uu guul ballaadhan ka gaadhay doorashadii maalintii Jimcaha ka dhacday dalkaas.

blankWasiirka arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Jabuuti Muumim Axmed Sheekh, ayaa xalay saqdii dhexe shaaciyay natiijada hordhaca ah ee doorashada oo uu sheegay in Ismaaciil uu helay in ka badan 98% codadka la tiriyey.

Murashaxa kaliya ee la tartamayey oo lagu magacaabo Sakariya Ismaaciil Faarax oo saaxadda siyaasadda ku cusub, ayaa la sheegay inuu helay wax ka yar boqolkiiba 2 codadkii la dhiibtay.

Murashaxani waxa uu shalay diiday inuu codkiis dhiibto, isagoo ku eedeeyay dowladda inay horjoogsatay kor-joogayaashiisa tegi lahaa goobaha codbixinta, haseyeeshee dowladda Jabuuti ayaa beenisay warkaas.

Xisbiyada mucaaradka ayaa hore u qaaddacay inay ka qayb-galaan doorashada oo ay ku tilmaameen mid aan ku dhacayn jawi xor iyo xalaal ah.

Madaxweyne Geelle ayaa markii u horeysay talada dalkaas qabtay sannadkii 1999-kii, xilligaas oo uu xilka kala wareegay Xasan Guuleed Abtidoon oo ay qaraabo yihiin, kaas oo dalka xukumayay laga soo bilaabo xilligii ay Jabuuti xornimada qaadatay sanadkii 1977-kii.

Waxa uu si weyn ugu guulaystay doorashadii dalkaas laga qabtay sannadkii 2005-kii, isagoo Intii uu kursiga ku fadhiyey  muddo-xileedkaas wax-ka-beddel ku sameeyey dastuurka si uu mar saddexaad ugu tartamo xilka, isagoo ku guulaystay doorashadii 2011-kii. Waxa uu mar kale isu-taagay Doorashadii 2016-kii isagoo ku guulaystay boqolkiiba 87 codadkii la dhiibtay.

Muddo-xileedka cusub ee Shanta sanno ee soo socda loo doortay madaxweyne Geelle oo ku eg sannadka 2026-ka, ayaa haddii uu nolol ku dhammaysto ka dhigaysa hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa dalka Jabuuti, waxaanu Shan sannadood oo u dhiganta hal muddo xileed ka badan yahay madaxweynihii isaga ka horreeyey Xasan Guuleed Abtidoon oo  dalka Jabuuti xukumayey muddo 22 sanno ah.

Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu sannadkii 1948-kii ku dhashay magaalada Diridhaba ee Dowlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories