Home"Isma lihi Maxamuud Xaashi, Kulmiye dhexdiisa ayuu ka dagaalamayaaye, waa Hayaan oo...

“Isma lihi Maxamuud Xaashi, Kulmiye dhexdiisa ayuu ka dagaalamayaaye, waa Hayaan oo Madaar kale ayuu ka degayaa…” Wasiir Gaafaadhi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa ka hadlay eedaymo uu Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi u jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumaddiisa.

Siyaasi Maxamuud Xaashi oo ka mid ahaa Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ayaa Shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Hargeysa wuxuu ku sheegay in Madaxweyne Biixi uu ka baxay ballan-qaad ahaa in marka la doorto Madaxweynaha uu wareejinayo Guddoomiye-nimada Xisbiga Kulmiye, balse Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta oo hadalkaa Xaashi daba socda ayaa sheegay inaanu jirin Sharci u yaalla xisbiga uu dhigaya wax u eg doodda Maxamuud Xaashi, hadday jirtana looga baahan yahay inuu la yimaaddo Caddaymo.

blankWasiir Gaafaadhi oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Xisbigu xeer buu leeyahay, waxa lagu dhaqmaana waa xeerkiisa, haddii muran yimaaddo oo xaajo la isku qabto, waxa marjaca oo loo noqdaa waa xeerka, intaan ka ogahay xeerka Xisbigu meel ay kaga taalo marka Madaxweynuhu uu doorashada ku guulaysto uu wareejiyo ma ogi, hadday jirtana Maxamuud baa looga baahan yahay inuu yidhaahdo Qodobkaa iyo qodobkaasaa tilmaamaya inuu Madaxweynuhu wareejiyo (Guddoomiye-nimada Xisbiga), haddiiba ay tahay in Madaxweynuhu wareejiyo waa kee ka lagu wareejinyaaa? Iyada lafteedu waa su’aal, ma cid baa iska dooran, miyaa loo tartamayaa? Arrinkaasina caddaymihiisa ayuu u baahan yahay.”

Isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas raaciyey, “Haddii heshiis dhacay oo Madaxweynaha cid kula heshiisay in Guddoomiyaha Xisbiga la wareejiyo, goobta uu ka dhacay heshiisku iyo cidda uu ku wareejinayey (Guddoomiyenimada Xisbiga), Cidda uu ka maqan yahay ee uu baadida ka ahaa saddexdaa sanadood waxa loo baahan yahay inuu Maxamuud Caddeeyo, haddii loo ballan-qaaday annagu maanaan ogayn Cid gaar ah oo loo ballan-qaadaye, haddii Cid u ballan-qaadday waa inuu si fiican u muujiyaa oo uu yidhaahdaa halkaasi iyo halkaas bay ahayd ballantaana waan qabey, Ciddaasina way ii ballan-qaadday, laakiin waxaan ogahay Xisbigu waa dimuqraadi, Shacbiyad ballaadhana wuu leeyahay oo lixda Gobol oo waddanka ah, Xubintaa uu ka hadlayana waa loo tartamaa, Qofkii ay doortaan Goleyaasha u degsan Xisbiga ayuun baa Guddoomiyaha noqda, wax intaa dhaafsiisan Annagu ma ogin.”

Wasiir Gaafaadhi waxa uu eedaymo u jeediyey Siyaasi Maxamuud Xaashi, waxaanu yidhi, “Maxamuud, Xisbiga Kulmiye markii uu doorashadii hore ku dhacay wuxuu galay oo uu gacan-saar yeesheen xisbigii Guulaystay (UDUB), sidaana wuu ku dhoofay, 8 sanadood ee uu Xisbigu Mucaaradka ahaa ee uu dagaalka ku jirayna wuu maqnaa Maxamuud, wuxuu soo cag-dhigtay goortii guushuba ay Madaxa keentay, markaana raggii 8-daa sanadood shaqaynayey ayaa u tanaasulay Maxamuud, 7 sanadood buu Wasiir culus ahaa, sannad isagoon xilka ka sii maqnayn Maxamuud wuxuu bilaabay iyo xarakaad uu ku rabo kursigaa Guddoomiye-nimada Xisbiga. Anigu ma garanayo sida uu Maxamuud xaqa ugu helay sida uu Maalinta Kursiga meesha yaalla inuu isagu u boqranaado, hankaasi Rag badan buu ku jiraa, Nin walbana Wakhtigeeda ayuu eegayaa, anigu ismaba lahayn Maxamuud Guddoomiye ayuu doonayaa, Waayo? Raggii hore u doonay wixii uu ka yeelay baan ogaa.”

Waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Maxamuud codsi muu keenin, Lacagtii Shuruuddana ma bixin, Xisbigana ma imanin, isma sharraxin isagoo xaq u lahaa inuu is-sharraxo.”

Wasiirku wuxuu sheegay in Madaxweynuhu amray in Golaha dhexe kursi laga siiyo Maxamuud Xaashi, waxaanu yidhi, “Xubin Geeriyootay oo ka baxday Golaha dhexe, Madaxweynuhu wuxuu igu yidhi Xubintaa waxaad siinaysaa Maxamuud, Dad badan baa u taagnaa, Axmed Aadan Cali (Goodir) buu ahaa, Carruurtiisii ku jirtay (Dadka u taagnaa inay Golaha dhexe galaan), laakiin Madaxweynuhu wuxuu ku adkaystay in xubintaa Maxamuud Xaashi la siiyo, Madaxweynuhu wuxuu jeclaa in Maxamuud uu Golaha dhexe soo galo oo aanu xubin la’aan Maxamuud dibedda ku joogin, aniga waxay ila tahay inuu abaal-weyn fuliyey, mana ahayn Maanta kii ka caban lahaa.”

“Isma lihi Maxamuud wuu uga tacab badnaa Ragga kale Xisbiga soo bixistiisa iyo Madaxweynaha soo bixistiisa toona, intaan ka ogahay hal mar baanu is raacnay, xilligaasna waxaanu ahayn laba qaybood oo kala socda, Maxamuud isagaa ololihiisa gaarka ah ku jiray, Xisbiguna wuxuu waday Ololihii uu ku soo bixi lahaa, markaa inuu Xisbiga u shaqaynayey iyo inuu isagu gaar u shaqaysanayey anigu ma kala garanayn, laakiin waxay ahayd nin gaarkiisa u shaqaysanaya,” ayuu yidhi Wasiirku.

Ugu dambayn, Wasiirka qorshayntu wuxuu sheegay, “Dagaalka uu Maanta Maxamuud iclaamiyey, horta Shacab ayuu xoqayaa, Shacabka uu xoqayaa iyaguna meel bay fadhiyaan, hadduu Burco tago waxa sugaya Garoonka diyaaradaha ee uu isagu saxeexiisa ku xidhay. Isma lihi Maxamuud Kulmiye dhexdiisa ayuu ka dagaalamayaaye Maxamuud waa Hayaan oo Madaar kale ayuu ka degayaa, waxaynuna sugaynaa Madaarka uu ka dego.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Madaxweynihii hore laba goor ayuu isagoo Guddoomiye Xisbi ah uu doorashada galay cidna kulamay loolamin, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdina Sharci iyo xeer u diidaya jiro inuu laba jeer isagoo Guddoomiye ah inuu ku galo doorasho, arrinkaasina waa arrin Dastuuri ah oo Sharciga Xisbiga ku qoran,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Qorsheynta ee Somaliland.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa.Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories