Home"Isma Lahayn Jawaabta Ku-xigeenka Garyaqaanka Guud Ka Bixiyay Tallaabada Xadhiga Xildhibaanada Gebilay...

“Isma Lahayn Jawaabta Ku-xigeenka Garyaqaanka Guud Ka Bixiyay Tallaabada Xadhiga Xildhibaanada Gebilay Iyo Halka Uu Isku Qaaday”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

By. Maxamuud Jawhar

Ku-xigeenka Garyaqaanka Guud ee dalka oo laga sugayey inuu dabaqo sharciga dalka ayaa isku qaaday arrin aan looga fadhiyin ,xeer jajab iyo in uu Tusaale usoo qaato waxa mar is qabtay, SOLTECO IYO DOGOX IYO AFAR-JEEBLEH IYO HEBEL.

 

Sharcigu wuxuu mihiim u yahay dhamaan qaybaha kala dawan ee bulshada sida, masuul ummadda xil u haya, qof shiciba iyo mid sharciga yaqaan, (marking law).
Waxan daawaday Ku-xigeenka Garyaqaanka Guud ee dalka oo warbaahinta la hadlaya.

blank

Masuulkaasi waxa uu aad ugu raftay, inuu Fasiraad sharci oo cad ka bixiyo Xudunta khilaafka u ah arrinta xadhiga xildhibanada golaha deegaanka Gabiley, bal inay sax ama qalad tahay.?

 

Garyaqaan ku-xigeenka somaliland, isaga oo la bidayey inuu yahay sharci yaqaan, ama marjac loo noqonayo marka uu yimaado khilaaf inuu xaliyo noqdo laakiin sidii loo baahnaa ugama hadal arrinta sababta loo xidhay xildhibaanada laga soo xidhay Gabiley,dhawr-sanaan, amma xasaanad ma leeyihiin mise malaha. Iyo nidaamka loo maray xadhiga xildhibaanada xidhin.

 

Sidoo kale marna muu adeegsan qodobo sharci oo Cayiman sida qodob hebel iyo xeer hebel.

 

Laakin masuulaka Afka xukuumadda ku hadlayaa waxa uu tusaale iyo daliil u soo qaadanayaa arrimo hore u dhacay isagoo leh arintan oo kale mar hore ayay dhacday waxa kale oo yaableh qof leh sharci yaqaan baan ahay in hadana uu meel ka dhac ku sameeyo dad aan iyagu ku lug lahayn arintan, amma mawduuca uu ka hadlayo, qaarkood masuuliyiin xilal haya yihiin, balse aanay khusayn sheekadan.

 

Waxa kasii daran Magacyada uu adeegsanyo iyo naanaysaha oo qaarkood aanay raaliba ka ahayn, amma aan ku haboonayn qof sharci yaqaan ah inuu sidan oo kale uu tusaale usoo qadanayo, taas oo meel ka dhac iyo sumcad dil ku ah, masuuliyiintaa, amma shaqsiyaadka uu ku faygaray warbaahinta magacyadooda ee uu waliba Naanaysyadoda isticmaalay, isagoo yidhi,. “mar hore waxa is qabsaday Solteco iyo dogox, mar kale na Afar jeeb leh iyo xildhibaan Boorame ah” dhacdooyinku ma xumayn hadduu hayay xal sahrci oo loo hayay amma lagu maareeyay inuu tusaale usoo qaato, laakiin ma ahayn qof sharci yaqaan Garyaqaan derejadaa sitaa uu tusaale ka dhigto masuuliyiin, amma shaqsiyaad oo sidaa warbaahinta ula soo fadhiisto, halkii laga sugayay inuu arrinta uu ka hadlayo sharcigu wuxuu ka qabo si cad u iftiimiyo, waxayse garyaqaanka arrinta siduu uga hadlay u muuqatay sida ay dadka suuqa ka sheekeeyaa uga hadlaan dhacdooyinka sidan oo kale iyo kuwo kale oo u muuqanaya mala awaal aan haysan qodobo sharci oo mucayin ah.

 

Arrinta iyana in la xuso muddan waxay ahayd maan arkayn wax su’aal ah oo laga weydiinayo hadday arrinta wax loo weydiiyay ahayd tallaabada xildhibaanada la xidhay ma sharci baa mise sharci maaha? masuuliyadaa waxa dayacay kuwa soo duubay muuqaalka aan daawaday.

 

Qalinkii Maxamuud Jawhar

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories