HomeIskuduwaha Wasaarada Dib u Dajinta Somaliland ee Gobolada Awdal iyo Salal oo...

Iskuduwaha Wasaarada Dib u Dajinta Somaliland ee Gobolada Awdal iyo Salal oo Sheegay Inay Xaalad Ba’an Ku Sugan yihiin Dadka Abaaruhu Saameynta Kuyeesheen ee Labadaasi Gobol

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gabiley, 11 January, 2012 (SLpost)- Iskuduwaha Wasaarada Dib u Dejinta Somaliland ee Gobolada Awdal iyo Salal C/qaadir Muuse Warsame (Aw Farxaan) oo ku sugnaa magaalada Gabiley ayaa maanta warbaahinta ka hawl gasha gobolka Gabiley ku siiyay warbixin dheer oo uu kasoo ururiyay dadka Abaaraha ka barakacay ee gobolada Awdal iyo Salal.

blankIskuduwaha ayaa warbaahinta u sheegay inuu kormeer kusoo maray tuulooyinka hoos yimaada gobolada Awdal iyo Salal sida Cali Xaydh, Garba Dadar, Tuurka, Gargaara Bari, Lughaya, Saylac, Lawya Caddo, Caasha Caddo, Ceel Gaal, Gaarisa, Fardaha, Fadhi-xun, Weerar, Dhagax Madaw, Xaliimaale, Boon, Gargooray, Dacar-budhuq,  Ceel Baxay, Xariirad, Quljeed, Boorama iyo Dila.

C/qaadir Muuse ayaa sheegay tuulooyinka iyo magaalooyinka uu kor kusoo xusay inuu kusoo arkay xaalad aad iyo aad u ba,an una baahan in si deg deg ah wax looga qabto guud ahaan gaar ahaan magaalada Gargaara oo uu tilmaamay inuu kusoo arkay xaalad ay dadku ay gaajo u dhimanayaan, isagoo isku duwuhu arintaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Waxaan kusoo aragnay tuulooyinkaasi aan soo sheegay, oo aan kusoo aragnay xaalad aad iyo aad u ba’an, una baahan in si degdeg ah wax looga qabto, gaar ahaan magaalada Gargaara oo aanu ku aragnay xaalad ay dadku gaajo u dhimanayaan. Waxay noo sheegeen todobaad kasta inay u dhintaan hal ilaa iyo laba caruur ah, kuwaasi oo u dhinta gaajo iyo nafaqo darro. Boqolkiiba afartan dadka barakacayaasha ah ee magaalada Gargaara waxay qarka u saaran yihiin inay u dhintaan gaajo haddaanay helin gargaar bani’aadanimo oo la gaadhsiiyo bishan aynu ku jirno ee sanadkan 2012-ka.”

Iskuduwuhu waxaa kale oo uu ka dayriyay xaalada biyaha ee magaalada Gargaara isagoo sheegay inay ka jirto biyo yaraan halis galisay noloshii dadka magaaladaasi, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaa kale oo ka jirtay biyo la’aan xoog leh iyadoo dadku ay ka dhaansadaan Ceel kaliya oo afbanaan oo markii hore loogu talo galay 150- qoys oo magaalada ku noolaa. Imikana waxaa kusoo barakacay in ka badan 1000 (kun) qoys waxaanay sababtay inay biyo waayaan dadkii magaalada hore usii daganaa iyo barakacayaashiiba.

Iskusoo wada duuboo Iskuduwaha Wasaarada Dib u Dajinta Gobolada Awdal iyo Salal C/qaadir Muuse Warsame(Farxaan) Waxaa uu halkaasi baaq uga diray Xukuumada, Ha,yadaha Caalamiga, iyo Cidkasta oo bani’aadanimada ka hawl gasha inay  dadkaasi abaaruhu saameynta adag ku yeesheen Xeebta Galbeed  Gobolada Awdal iyo Salal  ku sugan yihiin xaalad u baahan in si degdeg ah gargaar loo gaadhsiiyo, Waxaanu Tilmaamay inay u baahan yihiin Raashin, iyo Guryaha kumeel gaadhka ah sida Bacaha iyo Bustayaal ay dhaxanta ka huwadaan.

SLpost News Desk

Kaafi20@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories