HomeIsku-shaandheyn lagu Sameeyay Saraakiisha Ciidamada Uganda Ee Ka Hawlgala Soomaaliya

Isku-shaandheyn lagu Sameeyay Saraakiisha Ciidamada Uganda Ee Ka Hawlgala Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Kampala, (SLP)- Afhayeenka ciidamada dalka Uganda, Paddy Akunda ayaa sheegay in madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni uu isku-shaandeyn ku sameeyay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya.Yoweri_Museveni_of_Uganda

Paddy Akunda ayaa intaas ku daray in Museveni uu taliye ku-xigeenkii hore ee ciidamada Uganda ee Soomaaliya, Nakibus Lakara u magacaabay taliyaha ciidankaas, kaasoo bedeli doona, Col. Dick Olum oo ahaa taliyihii ciidamada Uganda ee qaybta ka ah AMISOM.

“Taliyaha la magacaabay waa shaqsi shaqo adag oo loo tabobaray sida loola dagaalamo argagixisada, hawl culus ayaana hortaalla,” ayuu yidhi Paddy Akunda oo la hadlay warbaahinta dalka Uganda.

Sidoo kale, Yoweri Museveni ayaa u magacaabay Col. John Nsubuga taliyaha guutada 17-aad ee ciidamada Uganda ka hawlgala Soomaaliya, isagoo maanta laga billaabo hawsha la wareegaya, sida uu sheegay Ankunda.

Maaha markii ugu horreysay ee uu madaxweynaha dalka Uganda is-bedel kan oo kale ah ku sameeyo saraakiisha hoggaaminaya ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya, isagoo afhayeenno iyo taliyeyaal ciidan hore iskugu bedelay.

Uganda ayaa waxa Soomaaliya ka jooga kumannaan askari oo qayb ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo Uganda ay ahayd dalkii ugu horreeyay ee ciidammo u soo dira Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa waqti ay qaybo ka mid ah dalka ka socdaan hawlgallo ay ciidamada AMSIOM iyo kuwa dawladda Soomaaliya iska kaashanayaan, kuwaasoo la dagaalamaya Al-shabaab.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories