HomeIsku-daygii Afgembi ee Turkiga oo Fashilmay iyo Xaaladihii u dambeeyey (SAWIRRO)

Isku-daygii Afgembi ee Turkiga oo Fashilmay iyo Xaaladihii u dambeeyey (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ankara (SLpost)- Isku-day Afgembi oo ay ku kaceen Koox ka tirsan Saraakiisha sar-sare ee Milatariga dalka Turkiga, ayaa dhicisoobay kaddib markii ay muddo dhowr saacadood ah khalkhal iyo jaah-wareer siyaasadeed gil-gilay dalkaas.

Kooxdan ka tirsan Milatariga dalka Turkiga ayaa sheegtay inay la wareegeen gacan ku-haynta talada dalkaasi, iyadoo ay jiraan Askar la dhoobay Jidadka muhiimka ah ee Istanbul iyo Diyaarado joog hoose ku dul-haadaya hawada Caasimadda.

Turkiga (3)Wareegto laga baahiyey telefishanka, ayaa lagu sheegay in Golaha Nabadda (Peace Council) uu hadda gacanta ku hayo talada dalkaas, isla markaana ay jirtay cuno-qabatayn iyo Xukun deg-deg ah.

Haseyeeshee, xarbi badan oo Shacabka iyo Ciidamada dalkaasi kaga hortageen afgembiga kaddib, Raysalwasaaraha Turkiga Binali Yildirim ayaa sheegay in la fashiliyey isku-dayga Af-gembi ee ay ku kaceen saraakiisha qaarkood, isla markaana awoodda hoggaamineed ee Ciidamada Qalab-sida uu la wareegay taliyaha Guud ee Milatariga dalkaas Hulusi Akar oo muddadii uu Isku-dayga Afgembi socday Maxbuus ku ahaa Taliska Guud ee Milatariga Turkiga.

Turkiga (4)Waxa uu sheegay in dhamaan taliyeyaasha sar-sare ee Milatarigu gacanta ku hayaan maamulka kala-dambaynta Ciidamada.

Taliyaha Ciidamada Booliska magaalada Istanbul, ayaa sheegay in 104 ka mid ah Askartiisu ku jiraan Ciidamada ka qayb-qaatay Inqilaabka dhicisoobay.

Turkiga (1)Muuqaallo ay baahisay Wakaaladda wararka ee Turkiga, ayaa muujinaya qaar ka mid ah ciidamadii ka qayb-qaatay Isku-dayga Afgembi oo gacanta lagu dhigay. Sidoo kale, Askarta inqilaabka ka qayb-qaadatay qaarkood ayaa Isku dhiibay ciidamada sida gaarka ah u tabobaran ee Milatariga oo Isku xeeray goobtii ay ku sugnaayeen badhtamaha magaalada Istanbul.

Turkiga (2)Dalka Turkiga waxa sidan oo kale tiraba dhowr jeer uga dhacay Afgembi Milatari oo talada lagaga tuuray dowlado doorasho ku yimi talada dalkaas. Afgembiyo Milatari ayaa ka dhacay dalka Turkiga sannadihii 1960-kii, 1971-kii, 1980-kii iyo 1993-kii.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories