HomeIsku Beddelkii Madaxweyne Siilaanyo ku Sameeyey Badhasaabyada Dalka Gobolladee Ku Aflaxay? Qalinka...

Isku Beddelkii Madaxweyne Siilaanyo ku Sameeyey Badhasaabyada Dalka Gobolladee Ku Aflaxay? Qalinka Mawliid Aadan Cumar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Mawliid Aadan Cumar
Mawliid Aadan Cumar

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), wuxu isku beddel guud ku sameeyey Guddoomiyeyaasha gobollada dalka sannadkii 2013-kii. Isku beddelkaas oo Madaxweynaha dalku ku dardar-gelinayay dhaqaajinta Maamulka oo ku qotoma in Badhasaabka gobolku noqdo Masuul aan xilka loogu dhiibin hab qabiil ama gobolkaas ayuu u dhashay.

Hase-yeeshee, xilka loogu dhiibo inuu Bulshada gobolka u noqdo mid si sinnaan ah ugu wada adeega oo aan beelna lagu tirin inuu sadbursiin u samaynayo, ama kala jeclaysanayo Beelaha gobolka wada dega ama uu awooddiisa maamul midna culays ku saarayo midna ka khafiifinayo sidii hore uga dhacday gobollada dalka Somaliland oo nidaamku isku beddelkaas ka hor ahaa in gobol kasta Badhasaab looga dhigo nin gobolka u dhashay, taasina ay caqabad ku noqotay hagitaanka iyo hoggaaminta Maamul ee looga baahnaa inuu yeesho Guddoomiyaha gobol.

Haddaba, isku-beddelkaas Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey Guddoomiyeyaasha gobollada dalka oo markii hore magacaabistoodu ku salaysnayd hab-beeleed iyo mid deegaan, waxa is-beddelkoodu noqday mid dad badan soo jiitay. Sidaa daraaddeed, waxaynu samaynaynaa qiimayn ah; intee ama immisa gobol, ayaa ku aflaxay oo horumar Maamul ka muuqdaa? Intee-se ku hagaastay ama dib-u-dhac Maamul ka muuqdaa ama ka dhaxlay isku beddelkaas loo riyaaqay?

Sida xaqiiqadu tahay waa qodob muhiim u ah nidaamka dawladeed, maamul, Xukuumadda talada haysa iyo Shacabka ku dhaqan gobollada dalka-ba oo horumar u ah helitaanka Maamul hufan iyo hoggaaminta maamul-daadejinta dalkaba. Sidaas awgeed, saddexda gobo lee Saaxil, Togdheer iyo Sool, waxaan aragtidayda ku qiimeeyay in ay yihiin saddexda gobo lee ku aflaxay isku beddelkaas Badhasaabyada, saddexdaas gobol oo uu gobolka Saaxil Hormuud u yahay ama uu kaalinta koowaad ku hoggaaminayo.

Waxa isla jaan-qaaday Guddoomiyeyaasha gobolladaas Madaxweynuhu u magacaabay ee aan midna gobolka uu joogo u dhalan iyo Golayaasha deegaanka ama dawladaha hoose ee Magaalooyinka Laas-caanood, Burco iyo Berbera oo ah Xarumaha saddexda gobol ee Sool, Togdheer iyo Saaxil. Sida ay xaqiiqadu tahayna qof kasta oo qiimayn ku sameeyaa ama Warbaahinta la socdaa wuu arki karaa, waanu dareemayaa horumarka ay saddexaas gobol ka dhaxleen isku-beddelka Madaxweynuhu ku sameeyey Guddoomiyayaasha gobollada sannadkii hore oo aan odhan karo si fiican bay ugu Aflaxeen.

Haddaba, inta kale siday ugu soo xigaan saddexdaas gobol ee hormuudka ah ee sida fiican ugu Aflaxay is-beddelka Maamul? Haddaynu ka jawaabno su’aashan, aniga qiimayntayda waxa kaalinta afraad wakhtigan ku jira gobolka Daad-madheedh ee Xaruntiisu tahay Oodweyne, oo intan dambe loo magacaabay Badhasaab firfircoon oo khbrad u leh Maamulka.

Sidoo kale, Kaalinta Shanaad waxa ku jira gobolka Awdal, inkasta oo bishii u dambaysay aanu gobolka ka muuqan dhaqdhaqaaq Maamul, haddana waa gobolka shanaad dhinaca nidaamka Maamul ahaan uu uga hirgelay gobolkaas intii is-beddelka ka dib. Kaalinta Lixaad waxa ku jira gobolka Sanaag.

Haddaba, intaasi gobo loo lix gobol ah iyo gobolka Selel oo isaguna ka reebban isku-beddelka Guddoomiyeyaasha gobollada markaan toddoba kaga dhigno, waxay is-weydiintu tahay maxay toddobadaas gobol kaga duwan yihiin inta kale oo aan wax Maamul ah iyo dhaqdhaqaaq Horumarineed midna ka muuqan?

Waa su’aal u furan inay Bulshadu is-weydiiso, balse aragtidayda iyo qiimayntaydu waxay ku salansan yihiin tayada Aqooneed iyo Maamul ee Guddoomiyeyaasha Saaxil, Togdheer, Sool, Daad-madheedh, Sanaag, Awdal iyo Selel inay tahay aqoon Maamul iyo Hoggaamin Muddakar ah oo lagu daray ama lagu kaabay ka wada-shaqaynta Danta guud ee gobolka.

Qalinka Mawliid Aadan Cali

Tel: NO: 0634410898

Hargeysa/Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories