Home“Iskaashatada Nafaqo ma meteli karaan Xubno cid gaar ahi wadato” - Guddida...

“Iskaashatada Nafaqo ma meteli karaan Xubno cid gaar ahi wadato” – Guddida NAFAQO

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa (SLpostl)-Xubno ka mid ah Guddida Fulinta ee Iskaashada Hilibleyaasha Hargeysa, ayaa xukuumadda iyo xubno ka tirsan goleyaasha Sharci-dejinta ku eedeyey inay faro-gelin ku sameeyeen nidaamka maamul ee ururkooda ka dib markii dhawaan magaalada Hargeysa lagu doortay Guddi cusub oo ururkaas u talinaysa iyada oo guddidii hore ee hoggaaminaysay aan xilka laga qaadin.

Xubnahani waxa ay xukuumadda uga cawdeen masuuliyiin ay tilmaameen inay ku lug lahaayeen af-gembi lagu sameeyey ururkoodii isla markaana iska horimaad iyo khilaaf hor laga dhex abuuray hilibleyda Hargeysa oo ay sheegeen inay markii horreysay ee ay ku midoobaan danta ururkooda, lana xaliyo khilaafkii jiray ay ahayd markii ay Xukuumadda haatan talada dalka ku guulaysatay, sidaa awgeedna aanay garaneyn sababta wakhtigan keentay in la kala jabiyo ururkooda.

Naasir Muxumed Cabdilahai oo ka tirsan Guddida fulinta Iskaashada Nafaqo ayaa sheegay in wakhtigii khilaafkooda la soo gabo-gabeeyey ay xukuumaddu qayb weyn ku lahayd, dhammaan hay’adaha ay khusaysaana wada ogaayeen Guddidii loo sameeyey, “Halkan waxaan kaga hadalay arrimo aan muddooyinkii u dambeeyey laga sheegayay telefishinadda oo la leeyahay iskaashatadii nafaqo ayaa loo samaynay guddi, iskaashadda nafaqan ay lahay guddi oo ay dawladda oo dhami ogayd, maxkamadda , arrimaha gudaha, dawladda hoose, bilayska, cid walba oo xukuumadda ka tirsanayd.

Waxa uu sheegay in iskaashatada Nafaqo ka kooban tahay 71 xubnood oo dhammaantood hilibka ka ganacsada kuwaas oo laga soo doortay 27 qof oo guddida fulinta ah taas awgeedna aanay aqbalayn in Koox yar oo Sariibad gaar ku kooban inay metelaan umadda ka ganacsata hilibka. “Muhiimadu waxay tahay in iskaashatadda Nafaqo ka duwan tahay sidaa ay nimankaasi sheegeen ee ay yidhaahdeen guddibaanu ugu samaynaynaa, sababta aan ku caddeynayaan waxa weeye. Iskaashatadda nafaqo waxay ka koobantahay 71 qof ayaa laga dhaariyey oo  ah xaqlayaasha dadka wax qala ah. Kow iyo toddobaatan waxa lagu dhaariyey inay samaystaan guddi ummada ka masuuliyiin, markii uu khilaafkii soo jiitamay ayaa la isla gartay in la isugu yeedho hilliblayaasha oo la dhaariyo 71 qof oo ka tirsan hiliblayaasha 71-kaasi way iska soo dhexdoorteen guddigii fulinta oo ka kooban 27 qof oo ka shaqaysa arrimahayga oo wax dhibaato ah oo ka jirtaan ma jirto,” ayuu yidhi.

Dhinaca Kale Siciid Cabdi oo Guddida ka tirsan, ayaa xildhibaan Nacnac iyo Maamulka Gobolka ku eedeeyey inay ka dambeeyaan hawsha lagu magacaabay guddida cusub, waxaanu sheegay in tallaabadaasi aanay waxba ka beddeli doonin qaab-dhismeedka ururkooda iyo rabitaanka dadkii hawlaha iskaashatada u wakiishay, “Xidhibaan Nacnac, Badhasaabka iyo xogahayihiisa, La-taliyaha dhalinyaradda ee Madaxweynaha, hawsha ay wateen anigu waxa raad ah oo ay nugu leedahay ma jirto. Aniga iyo toddoba kale guddigu waxay noo doortay guddiga khilaafaddka ee ka ilaalinta guddiga Nafaqo wixii dhib soo gaadha ka ilaaliya aniga dhib nalama soo gaadhsiin guddiga dhib lama soo gaadhsiin. Waxa nalagu yidhi guddi baa la doortay oo guddiga halka laga soo abaabulay iyo halka lagu doortay,” ayuu yidhi, isaga oo intaas ku daray, “Arrimahaas anagu shaqo kuma lihiin guddigaygu way nidaamsantahay, “Iskaashatada Nafaqo ma meteli karaan Xubno cid gaar ahi wadato.”

Xisbiggii KULMIYE goob-joog buu ka ahaa oo shalay waanu u tagay oo arrimahayga wuu  la socdaa oo arrimaha gudaha waanu u sheeganay, madaxtooyadda waanu u sheegnay, dawlada hoosana waanu u tagnay.Guddigayagu arrimaha wuxuu ka ogtahay ma jirta.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories