HomeIska soo tukada! - W/Q: Cali Cabdi Coomay

Iska soo tukada! – W/Q: Cali Cabdi Coomay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Meel cidhif kaga taala maskhink uu jiifo ayuu ka soo jeedaa, waxa xaga dambe ka soo taageeraya laba barkimo oo aad moodo in laba bilood aan la maydhin. Waxa hareerihiisa daadsan khashin badan, oo isugu jira baco, xashiish iyo baakidho. Markii uu makhsin soo galay cumar ayuu indhaha ku dhuftay meeshan nadaafad daradu ka muuqato. Ka dib waxa maankiisa ku soo dhacaysay, tolow maxaad odaygan meesha looga hagaajin waayey? Waa cid baanu lahayn? May saga diiday? IWM.

Waa oday da’ahaan dhawr iyo lixdan ah, balse muuq ahaan ka weyn, da’daasi. Waxa isugu biirsantay da, dayac, daryeel la’aan, duqnimo, dad la’aan, dawo la’aan, dugsi la’aan iyo dabiib la’aan. Markaad albaabka ka gasho makhsin uu jiifo, waxa markaba ku qaadaysa nadaafad darada, sigaarka ka soo kamkamaya iyo suyuc aan loo adkaysan Karin. Markii u galay ayuu ku yidhi” salaama calaykum adeer”. Ka dib intuu dirqi ku soo sare fadhiistay oo soo saaray indho gudhay gudhay oo god ka soo muuqda, ayuu ugu af-celiyey” maxaa kuu diiday inaad, salaanta soomaalida nagu salaanto”.

Cali Coomay
Cali Coomay

Cumar intuu yaabay ayuu yidhi” adeer waa salaantii islaamka”. Ka dib wuxuu yidhi” ninyahow  carabta hoosta ha naga soo galin”. Cumar weli muu aqoonsan odaygu inaanu soon, salaad, sadaqo, sako iyo samafalba shuqul ku lahayn. Waana ta keentay inuu kala garan waayo salaana islaamka iyo carabnimada. Odaygii ayaa bilaabay dood uu la galo wiilkan uu adeerka u yahay ee soo booqday inuu ogaado caafimaadkiisa. Isago hadalka ka soo qaadaya meel fog, oo aad moodo inuu dirqi iyo tux un ku soo marayo dhuunta ayuu yidhi” ma af-carbeed ayaad wax ku barataa, mise af-faranji”.

Cumar ayaa ku yidhi” af-carbeed”. Markaasuu dirqi ku yidhi” alla ku doori, maxaad af-faranii kuu diiday”. Cumar ayey talo ku ciirtay. Wuxuu maskaxdiisa iska weydiiyey, bal odaygan aan caafimaadiisa soo eegay ee ilaa daarada i-socday eega. Odaygii ayaa in muddo ah qufac ku maqnaa, markaasuu soo miyirsaday. Ka dib wuxuu yidhi” miyaanad ogayn, in dadka af-carbeedka wax ku barta ay maskaxdu taagan tahay”. Subxaan ma luuqada ilaahay qur’aanka kariimka ku soo dejiyey.

 Ilaahay ayaa wax kaa yidhaa. Cumar fajax iyo yaab ayuu madaxa la haystaa. Wuxuu is-weydiinayaa maxaa ku dhacay adeerka oo sidan ka dhigay mise sidanuu iska ahaa. Muddo ka dib wuu ka soo baxay, oo wuxuu ku yidhi waan soo tukanayaa. Ka dib odaygii ayaa ugu jawaabay “ iska soo tukada”.

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in Journalism

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories