HomeIska hor-imaad sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo laba Beelood ku dhexmaray Killalka...

Iska hor-imaad sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo laba Beelood ku dhexmaray Killalka Shanaad ee Itoobiya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Balli-Gubadle (SLpost)- Laba  Ruux  ayaa ku dhintay  mid kalena waxa soo gaadhay dhaawac, ka dib markii sida la sheegay Duhurnimadii  shalay  ay niman hubaysani rasaas ku fureen  Xaafado Xoolo-dhaqato ah meesha la yidhaahdo Dacawalay oo ka tirsan deegaanka Abbokor Axmed ee killalka shanaad ee Itoobiya.

Sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah Odayaasha deegaanka gobolka Hawd, iska hor imaadka ayaa ka dhacay Tuulada Dacawalay  oo  dhinaca Galbeed kaga beegan Degmadda Abbokor Axmed oo ka tirsan deegaanka Ismaamulka Soomaalida Killalka Shanaad ee dalka Itoobiya..

Wararka laga helayno deegaankaasi waxa kale oo ay sheegayaan in is rasaasayntaasi ay ku dhinteen laba nin oo magacyadoodu kala ahaayeen Marxuum Yuusuf Axmed (Jees) iyo marxuum Axmed Muxumed Sheekh Xuseen, waxaana la caddeeyay in ay dhinteen, halka uu  dhaawac halis ahi soo gaadhay Yuusuf Qodax oo labadaasi marxuum la joogay. Meydka Labada marxuum iyo dhaawaca ninkaasi ayaa la sheegay in la soo gaadhsiiyay xalay ahaan degmadda Laanqayta oo ka tirsan killalka shanaad ee Itoobiya, halkaas oo Meydka labadaasi nin  lagu aasi doono.

Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka  deeegaanka uu dilku ka dhacay iyo beelaha  uu dilkani dhex maray toona.

Bilihii ugu dambeeyay ayaa waxa degaankaasi  ka taagnaa cabsi iyada oo ay labada beelood ee ay ka soo jeedaan nimanka la dilay iyo kuwa dilka geystay,  uu  dhawaan dhex maray  dagaal fool ka fool ah. Dagaalkaasi oo ku dhex maray  deegaanka Abbokor Axmed,   waxaana  dagaalkaasi labada beelood ka soo gaadhay khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jira.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.et

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories