HomeIsii Tuur - W/Q: A/Fataax

Isii Tuur – W/Q: A/Fataax

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Marar badan Ayey qofka Noloshiisa Qabsataa in uu u gacan haadiyo ama isha la Raaco baabuurta wadada Mareysa,In la sii qaado ama la Dhaweeyo Ayaa dad badan Niyada kaga Jirta isha ku Haya baabuurta wadada Yaaceysa.Dad badan oo baabur wata Ayaa samafalayaal ah aan Dhaafin dadka Jidka taagan ama u gacan Haadiya.Wakhtigan waxaad Moodaa in aan qofna socon karin baabuur la,aan.Dadka oo dhan Ayaa baabuur wada saaran ama Rakaab u ah Gadiidka dadweynaha.Lugtii iyo Socodkii beryaha qaar lagu Raaxeysan Jirey Ayaa noqotey mid amintan la Karhey lana naco.Hamiga ugu weyn dad badan Ayaa ah sidii ay gaadhi u Yeelan lahaayeen Lugtana uga bixi lahaayeen.

15 sano ka hor Dugsiyada dawlada Ayaa keliya la dhigan Jirey,Ardeyduna inta badan waxa ay ahaayeen kuwo lugtooda ku gaadha dugsiga,Wakhtigaasi waxaan xasuustaa in dad badani ay sugi Jireen baabuurta Mareysa Wadooyinka dugsiga gala ama ka baxa.Inkasta oo wakhtigaasi dadka iyo Baabuurtuba ay intani ka Yareyd hadana waxa la Arki Jirey ardey badan oo Cadceeda iyo Kuleylka ka soo Qabsada baabuurta u istaagta ee Wadooyinka socda.16 sano Ka dib weli Dugsiyo badan oo Dawlada ah waxa lagu Dhigtaa lugta lagagana Soo Rawaxaa,Welina meelaha Qaar Ardey isha ku Heysa Baaburta wadada Mareysa Ayaan laga waayeynin.Waanad u Damqaneysaa Qof Meel fog ku socda,Wakhti kululna Wado Dalacaad ah Madaxa la sii Gelaya.

Mid ka mid ah Ah Ardeydii Wakhtiyadaasi Ayaan kala sheekeystey Waayihii Ardeynimo iyo Marar badan oo la Fuuli Jirey baaburta Jidadka socota,Wuxuuna ii sheegay in Dhowr Jeer uu soo Raacey Baabuur isku Mid ah oo Markaasi wadada ku soo beegmi Jirey.Dhinaca kalena wuxuu ii Cadeeyey in Maalin Baabuur soo qaadey Markuu soo Fuuley uu ku Dhex Arkey aabihii oo Saaran kuna Jira gaadhiga,Waa Naxdin iyo Qosol.Mararka Qaar Ayaana lagu dhex canaantaa ama lagula Hadlaa dadka la soo qaadey Baabuurta ay saaran yihiin,iyada oo loo Sheego in ay Lugeeyaan Madaama ay Yihiin dhalinyar xooga,Dhinaca kale waxa loo Heystaa in Qofkaasi Xishoodkii badnaa ka tagey oo Baryo iyo Gacan haadin uu Maalin oo dhan Meel la taagnaado wado ah,gaar ahaan kala goysyada wadooyinka.waadse arki kartaa qof leh lacag ma heysto ee ha la isii qaado ama dadka leh wax igaga dara.

Maalin aan kala sheekeystey nin Baabuur leh  wixii ugu layaabka badnaa ee uu arko intii uu baabuurka watey Ayaa ii xaqiijiyey in ay ugu La yaab badneyd Maalin uu qaadey dumar iyaga oo markii la soo Gaadhey Halkii ay ku degi lahaayen ku yidhi Degi Meyno.Maaha wax ku cusub Nolosheena in la arko Dumar ama Hablo baabuur u gacan haadinaya ama marka loo Joojiyo iska raaca kuna dhaca,Laakiin waa mid aan Badneyn marka loo eego sida wax u socdaan.Balwadaha iyo Shaxaad Lacageed Ayaana Jawaab u noqon kara marka laga Hadlaayo Dumar baabuurta u gacan Haadiya.

Socdaalada dhaadheer sida kuwa Galbeedka iyo Bariga ama magaalada dhexdeeda waxa Darawalo badan kula Kulma Arimo aaney ku talo galin oo ah Shil ama Dhaawacyo soo Gaadha baabuurkooda,Imisa Jeer ayey Dhacdey inta qof dhexda laga soo qaadey goor maalin ah ama habeen in baabuurkii dhexda ku gadoomey oo Qofkii la soo qaadey ku dhintey ama ku dhaawacmey.Qofkaasi Magtiisa ma waxa lagala Xisaabtamayaa Darawalka iyo reerkooda Mise isaga Ayaa iska Masuul ah oo cid looma Raaco.Inta Jeer ee aynu Maqalney Qof gaadhi soo qaadey ku dhintey darawalkiina Dusha loo Saarey,Arintana waa mida sababtey in dad badani ay go,aansadeen in aaney qofna meel dhow iyo meelfogba u qaadin,Kuwaasi oo muraayadaha ka dalacda ama aan laba Hadlinba Qofka wadada taagan ee u baahan in la sii Dhaweeyo.

Isku soo wada duub Baabuurta Asxaabta,Kuwa Shaqada iyo Kuwa dadka Bulshaduba in ay ku sii Qadaan ama marka ay ku Arkaan aaney ku Dhaafin waa wax Jira,Gacan haadinta iyo Dalabkuna weli wuu Jiraa,jirina doonaa.caruurta iyo Dhalinyarta baabuurta dhinaca danbe Qabsada kuna Dhaawacma ama ka dhaca ama marka Bireega la qabto Wax ku Noqdaana Weligeedba wey Jirtey.Waxaase su,aal Weyn ah in Darawalka dusha looga saaro Qof uu samafal u soo qaadey marka Shil baabuurka ku Yimaado. Wuu buuxaa,Walaal Halkaasi ma maraayo,Waad badan tihiin.Waar gaadhi Dawladeed Ayaad adiguba wadataaye Dadka sii qaad.Ma aasbaa Mise waa Aroos markaasi Ayuun baa gaadhigii aad doonto Dhinaca la iska qabsadaaye.

Abdifataah Mahamed Ahmed

ceelaabe_10@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories