HomeIsha Qarsoon (IQ): Guushii labaad ee Sahra Halgan, gobannimo dheh - W/Q:...

Isha Qarsoon (IQ): Guushii labaad ee Sahra Halgan, gobannimo dheh – W/Q: Cabdillaahi Cawed Cige

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
Qoraaga Cabdilaahi Cawad Cige
Qoraaga Cabdilaahi Cawad Cige

Guushii koowaad ee Sahra:

Shan iyo labaatan sannadood muddo kor u dhaaftay, habeen gudcur ah, dhulku yahay qabow dhuuxa iyo lafaha burburinaya ayuu nin oday ah, geesi ah, hadal cad oo Axmed Baqardhe(AHN) la odhan jiray bakoorad uu sitay bartii uu fadhiyay ee jaadku u yiil horteedaas gawdaas kaga saaray oo qiiro la ilmeeyay. Ma aan ilmayn qiirada iyo murugada se waan la qabay. Cajelad aannu daawanaynay oo Sahra Halgan ka heesaysay ayaa na wada ruxday oo caloosha na maroojisay. Heesta xilligaas Axmed ka ilmaysiisay intayadii kale na ruxday waxa midhaheeda ka mid ahaa “Ha la galo dagaallada, ha la bixiyo duunyada, wax ba yaan dib loo dhigan”. Xilli cidhiidhi ah oo aad u adag ayaa lagu jiray, halgan qadhaadh ayaa degmada haystay. Qaxooti iyo habaqle aan gargaar badan haysan ayay bulshadu ku dhacday. Rasaasta iyo saadka kale ee xaq-u-dirirku wuxuu ku jiray suququl. Rajada iyo saadaasha wanaagsan ayaa sedbursiinyo laga dhiganayay.

Cawadarantaas ayaa gabadh da yar, shuban, jalaqsan oo quruxdii ay u dhalatay waayahaas la wada qabay mooyee aan dhibici ka dhinmin cod qiiro leh nagu harqisay. Hubka ugu weyn ee Sahra Halgan ku jeeniqaarrayd ma ahayn midhaha heesaheeda halganka iyo codkeeda midna ba, iyaga oo labadaasi ba mudnaantooda leh wax kale ayaa jiray.

Awoodda ah inay dareenkeeda hoose, shucuurta qalbigeedu xejin kariwaayay ee karisay dhiiggeeda raacayay halbowlayaasheeda iyo xididada qarsoon u soo saarto korka diirkeeda sare oo laga dareemo wejigeeda ayaa ahaa waranka fijaasay qalbiga Axmed Baqardhe iyo kuwa dadkii kale, keenay na in ilmadu hibitiqlayso. Uma aad baahnayn in aad fahamto erayada heesaha Sahra, Shiine haddii aad tahay aan weligii eray af Soomaali ah maqlin, keli ah waxa kugu fillaa inaad wiilasha indhaheeda qadder ilbidhiqsiyo ah fiirsato, muragadii geyiga Somaliland oo dhan dhex yuururtay, miciindarrada taagnayd dharaartaas iyo taageerada halganku u baahnaa oo dhan ayaad daawanaysay.

Rukun adag ayay Sahri halgankaas ka ahayd, kuwayagii qurbaha qaxootiga ku ahaa abaalweyn ayaannu ugu haynay, kollay anigu, inay dardaaranka heesaheeda nagu dhex geyso xaaladdii dalka iyo dadku ku sugnaa maalintaas.

Guushii koowaad ee Sahra Halgan taas baan anigu u aqoonsaday, waa garaadkay KOW.

Guushii labaad ee Sahra:

Geeddi xilli oo lix iyo labaatan sannadood ku siman haddii ba guushii koowaad ee Sahra laga soo guuray maxaa hadhay oo la sheegi ayaa dad is odhan. Laye, warku ma kuu war. Weli qaxootigii aniga oo ah waanigan Hargeysa, caasimaddii dalka iskaga soo dhex dhacay. Waayihii dalka iyo dadka soo maray ee qiiradii Sahra inaga soo samatabixisay ma geysan dhaawac iyo burbur naf iyo agab oo keli ah. Waa u mudnayd naftu wixii lumay, waxa se aan ka laddifnayn oo iya ba dab yar shidaynin burburka gaadhay duntii ilbaxnimo iyo reer magaalnimo ka falkisnayd. Farshaxankii iyo curintii halabuur lahaa oo dhan ayaa aabbihii kuday oo meel daran iyo meel daaddays ka dhacay.

In qofku halgan dan guud ah naftiisa u huro, u dibadbaxo, hiif iyo haaraanna u maraa waa arrin u baahan dhabaradayg iyo kal aan jixinjixin. In qofkaasi halgankii hore mid la mid ah kol labaad ku hammiyo, kiciyo, u hagarbaxo, ka na midho dhaliyaa waa arrin mudan in laga qoro bogag aad u badan, laga curiyo faallooyin iyo halabuur baaxaddiisa leh, una baahan in aan lagu masuugin ee bogaadinteeda oo saddex jibbaaran mar walba, meel walba la isla soo mutuxo.

Hidda-Dhawr(Hiddo-Dhowr) maaha hudheel, maqaaxi, gole lagu madadaasho ama fagaare cawayska lagu qaato. Waa midho halgan oo mudan in Sahra bogaadin kal iyo laab ah lagu siiyo. Uma jeedo billad naxaas, maar ama dahab ah in qoorta loo geliyo, kuwaasi waa abaalmarinta indha-ku-garaadlaha. Ina ga ma mudna Sahri xaashad cawlcawlan oo aynu soo daabacnay ama bir yar oo suuf ku xidhan yahay oo aynu qoorta u gelinno. Waxay inaga mudan tahay inaynu isku dayno bal inaynu dareenkeenna gaadhsiinno bartii ay gaadhsiisay keeda dharaartii ay ka ilmaysiisay Axmed Baqardhe, oo aynu si gacaltooyo leh oo dhiiggeenna xushan u dhuganno gobannimada ay inoo horseedday.

Dhici kartee in qaarkiin is tusaan in qoruhu yahay mid saammi ku leh Hidda-Dhawr ama ujeeddooyin kale hagayaan. Taasi haddii ay niyaddaada ku soo ogog yeelato waxa cad in farriintaydu walac kugu dhaaftay, waxay ii muujinaysaa in kolka aad qoraalkan akhriyaysay dhugmadaadu xidhnayd oo aan ruuxdii farriintaydu si wanaagsan kuugu duxin.

Guulaha Sahra ee halgankeedii koowaad iyo keeda labaad soo hooyeen maaha guulo dhul la kala qabsaday, hanti la kala furtay ama degaamo cayiman oo seero lagu kala wareejistay. Laga yaabee in intaas oo dhammi qayb ka ahaayeen halgammadeedaas, ma se ahayn udubdhexaadka guulaheedu ku qotomaan. Dunta laga falkiyo gobannimo xeerinaysa una dulqaadanaysa aragtidayda, filanaysana in aan taas celiskeed la imaaddo weeye udubdhexaadka guulaha Sahri gaadhay.

Sidii uu yidhi Shiikh caan ahi: “Haddii aad daawato dhul roobban, cagaarka doogga, xareedda jiifta, ubaxa iyo manka foodda isla galayna indhuhu ashqaraarayaan ama dhegahaagu maqlaan dananka cuud macaan oo sanqadhiisa lagu raaxaysto oo aad kolkaas naxariis la dhalaaliweydo naftaada ayaa wax weyni ka si yihiin”, taas dhiggeed haddii guulihii Sahra oo Hidda-Dhawr u dambeeyay qalbigaaga ka ilmaysiin waayaan bal ruxrux naftaada malaha aagaamihii naxariista ayaa gorof kaa noqday oo aan goror ku hadhine.

Cabdillaahi Cawed Cige, Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories