HomeIsbedelka xadaraada iyo Xuquuqda Dumarka (1aad)- W/Q: Naciimada Cabdi Galiixe

Isbedelka xadaraada iyo Xuquuqda Dumarka (1aad)- W/Q: Naciimada Cabdi Galiixe

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Naciima Cabdi GaliixeXilligii samaan jaahiliga (Islaamka ka hor) ruuxa dumarka ah qabaa’ilka Carbeed waxay u arkayeen waxaan qiimo lahayn oo way quudhsan jireen, haddii qofka yar ee reerka u dhashaa uu noqdo gabadh waxay Aasi jireen iyadoo nool) !!
Sidoo kalena qofka dumara ee gabawday ama islaantuba wax sharaf ah kumay lahayn bulshada dhexdeeda, waxa kale oo caado iska ahayd inay inanta gashaantida ah ku qasbi jireen in ay jidhkeeda ka ganacsato, si ay reerka xoolo ugu soo shaqayso.

Dhinaca dhaxalka xaq uma lahayn qofka dumri in wax laga siiyo dhaxalka, ninkeeda wax xuquuq iyo tix gelin ah kumay lahayn,inta goor ee ay gabadhu furmaysaana ma lahayn tiro go’an iyo xad lagu yaqano.

Sidoo kale Dumarka guursi-gooduna ma lahayn tiro iyo xad go’an oo uu ku joogsado , ninkuna inta kolba uu dono ayuu guursan jiray, inay doorato ninka ay guursanaysona wax xaq iyo xuquuq ah umay lahayn gabadhu.

Marka Aaabuhu geeriyodo Haddii uu ka tago gabadh iyo carruur bah kale ah oo aanay dhalin gabadhaas uu ka dhintay waxa dhici jirtay in wiilka ugu weyn ee bahdaas kale uu guursan jiray hooyadood oo ah gabadha aabihii ka dhintay ee aan isaga dhalin, isagoo u arkayay inay tahay dhaxalkii aabihii oo ay la mid tahay xoolaha iyo hantida kale ee aabihii ka tegay.

Reer Galbeedku xorriyadda dumarka ee manta ay ku faanayaana waagii hore doodoodu waxay ahayd qofka dumari ruux bay leedahay sida raga iyo ma laha.!!

Waxay taariikhdu inoo sheegaysaa in dawladihii hore ee Giriigu ay gabadha xaqiri jireen waxaanay ruuxa dumara u arkayeen wax hoose oo aan qiimo lahayn, waxaanay xaaladdu gaadhay heer gabadha la qabo iyo ta inanta ahba loo iib geeyo suuqa oo la weydaarsado lacago yar oo aan macno wayn lahayn.

Waxay ahayd gabadhu mid laga xayuubiyay xuquuqdeeda madaniga ah iyo ta dhaqaaleba.

Waxay ahaayeen qaar u diiday inay wax dhaxasho, haddii la guursadana ninkeeda ayaa geli jiray halkii aabbaaheed oo may lahayn masuuliyad iyo go’aan qaadasho madax banaan, Sidoo kale xaq umay lahayn inay ku tasarrufto xoolaheeda amaba ay gasho heshiisyo baayacmushtari oo aanu ninkeedu ogolayn.

Sidaasi ayuu ninku u ahaa mid si toos ah oo buuxda gacanta ugu haya gabadha. Sidaas-sayna ahayd xaaladda qofka dumara ilaa ALLAAH (swt) uu dawladoodii, xorriyaddoodii iyo dhaqankoodiiba ku burburiyay gacmaha, ninkii la odhan jiray Filib iyo inankiisii Askandar Almaqdooni.

Waxa iyana taariikhdu inooga warrantay in boqortooyadii reer Ruum la mid ahayd ta Giriiga halka ay gabadhaha ka taagnayeen.

Wadaaddada masiixiyiinta reer Yurub qudhooda ayaa waxay gabadha u arkayeen wax xun oo ah tiirka sharku cuskado, waxay la ahayd inay tahay isha ay xumaanta iyo macsida oo dhami ka soo burqanayso iyo inay tahay albaab ka mida albaada jahannama. (Subxanalllah.)

Waxyaabaha kale ee ay gabadha ka aaminsanaayeen waxaa ka mid ahaa in ay iyadu sabab u tahay dhaq-dhaqaajinta dareenka ninka, iyo in quruxda gabadhu tahay hubka ibleyska oo aanu jirin hub kale oo u dhigma oo shaydaanku adeegsan karo.!

Xaaladdaasi foosha xun ee murugada leh iyagoo haweenku ku jira ayuu Islaamku soo baxay wuxuuna ku dhawaaqayay:

“ Xorriyada haweenka, hadday tahay dhinaca cibaadada, guurka, dhaxalka, waxbarshada, shaqada iyo dhawrsnaanta gabadha.”

Hadaba Inta aynaan u gelin sida uu Islaamku sharaf iyo qiimo wayn ugu yeelayo gabadha, taariikhda cusub ee Reer Galbeedka aan wax yar ka soo qadano:

Sida uu ku qoray ninka la yiraado Herberat Sbenser kitaabkiisa la yidhaahdo cilmiga bulshada Masaaridii hore waxay gabadha u arkayeen inay tahay saldhiga sharka iyo ta sababta masaa’ibta iyo balaayooyinka ka dhacaya Dunida.!

Sanadkii 1805, oo ah wakhti aan siiba fogayn Dastuurka Ingriisku wuxu ninka u ogolaanayay inuu Xaskiisa ka iibin karo nin kale haddii uu naco ama dhibaato dhaqaale la soo daristo, Mar danbe ayaa la soo saaray Sharci xaarantinimeeyay qodobkaasi.

Waxaana dhacday in nin Ingiriisi ku iibiyay xaaskiisii shan boqol oo gini sanaddii 1930kii, looyaradii difaacayay ayaa waxay ku doodeen in qaanuunka Ingiriisku boqol sano ka hor uu ninka u ogolaanayay in uu iibin karo Xaskiisa haday iyadu ogolaato, sidaas darteedna ay iyadu ogolaatay oo aanay denbi ahayn.

Maxkamadii ayaa iyana waxay ugu jawaabtay qaanuunkaas waxa la baabiiyay sanaddii 1805tii, waxaana lagu beddelay qaanuun kale oo xaaraantinimeeyay falkaas ah iibinta gabadha, markii muddo la isku haystay fal denbiyeedkan, mar danbe ayay Maxakamadu ku dhowaaqday xukunkiisii oo noqday toban bilood oo xadhig ah.

Sida uu qoray wargeyska qadiimiga ah ee Xadaaradda Islaamka sanadkeedii 2aad Xaashidda 1078, in nin Faransiis ahi Xaskiisii ka iibiyay nin kale isagoo kula heshiiyay inuu hafto ku bixiyo lacagta (Installment), waxayna sheekadu ku soo xidhnatay markii ninkii daynta lagu lahaa bixin waayay lacagtii inuu dilo ninkii uu Xaskiisa ka iibiyay.

Nolosha fiican ee gabadha wanaagsan ee soo saaraysa faca tarbiyada iyo akhlaaqda leh oo waxtarka u leh bulshada mustaqbalka dhow, kuma imanayso iyadoo la raac raaco tilaamaha ay bixinayaan kuwo iyaba ay burburtay qoysaskoodi iyo dareenkii ruuxiga ahaa ee hablihii ay la dhasheen kuwii ay dhaleen kuwii dhalay iyo kuwii iyaga u dhaxayba. Kuwaasi oo dhamaantood hortooda ku niyad jabay, oo aan helin dariiqa badbaadada iyo xuquuqda raaxada nolosha.

La soco Qaybaha Kale..

 

W/Q Naciima Cabdi Galiixe

Kuliyada barashada siyaasada iyo xidhiidhka Caalamiga ah ee Jamacada New Generation University

Email: naciimagaliixe@gmail.com

ALLAA MAHAD LEH

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories