HomeISBEDDELKU TAAGEERO DADWEYNE AYUU U BAAHANYAHAY

ISBEDDELKU TAAGEERO DADWEYNE AYUU U BAAHANYAHAY

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blank
Axmed Carwo

Alle mahaddii, kale hore dalkeena waxa ka dhacay doorasho xalaal oo xaq ah. Doorasho si nabad ah dadweynahu ugu muujiyeen hiyigooda siyaasadeed, hammigooda mustaqbal iyo hiigsigooda horumarineed. Waxa ay dhaliyeen isbedel wax weyn durtaba dalka ka qabtay. Waxay doorteen hoggaan u horseeda barwaaqo, cadaalad iyo dhisme bulsho. Waxa guulaystay Kulmiye iyo Madaxweyne Axmed Siilanyo. Waa guul iyo guul ay hanteen bulsho weynta Soomaliland.

Xiligan oo kale waxa yimaada daal kolka xawaare sanad iyo badh ah lagu jiray. Waa caadi oo siyaasaddu waa sida ciyaarta kubbadda oo mar walba ku jirimeysid duulaan. Daalkan waxuu ka dhashay KULMIYE iyo inta isbedelku ka dhabta ahaa oo ka gaabisay la socodka hoggaanka., iyagaa looga baahan yahay taageero, dheerigelin iyo inay ka ilaashaan kana daafacaan inta kolwalba u taagan dibu dhac iyo danno gaar ah.

Mid waan hubaa oo waa Madaxweyne Axmed inuu ka daacad yahay horumarinta iyo u hiilinta bulsho weynta Soomaliland. Waxa awood iyo xaraarad wax-qabad u noqonaysa inuu helo dareen dadweyne oo la raba isbedelka xaqqa ah, kagana dayrnaadaan duufaanada ay soo kicinayaan dibusocod iyo danayste jirjiroole ahi.

Marna ha joojin u darbanaanta ka midho-dhalinta guusha aynu kal hore gaadhnay. Waanu haynaa hoggaan u jeeda danta guud iyo dhismaha bulsho. Waxa jira duul ku mamay kharibaadda iyo majar-habaabinta masiirka ummadda. Ha ka daalin inaad kuwaas ka ilaaliso inay habaas iyo siigo indhaha kaga tuuraan hoggaanka dalka.

Guusha dadweynow adaa dhashay, waanad haysaa oo xilkaad u dhiibtay Madaxweyne Siilaanyo waa mid ay dhab ka tahay isbedel horusocod ee ha ka gabin, ha ka xidhiidh furan, u samir oo ogow inay kol walba jiraan cid diidan oo lid ku ah barnaamalka horumarineed eed doonayso. Ogow inayna dumida jirin meel banaani. Meeshaad banayso, waa  la buuxinayaa. Cilmiyan koobka aad biyaha ka madhisaa, ma banaana ee waxa buuxiya hawo. Sidoo kale ayeyna jirin siyaasadda meel madhani. Kooxaha ku tartamaaya hoggaanka dalku, waxay yihiin qaar kolba mid xagal daacaayo, waa kolka taageerayaashoodu gaabiyaan.

Waa hubaal inayu guul gaadhi doono Insha Allah, kolkaynu aynu si dhab ah taageeradeena ugu fidino Madaxweynaha, aynu noqono dar u taagan ka-midho-dhalinta guushii aynu gaadhan. Waana tan uu Madaxweyne Axmed u baahan yahay si aynu isu-hor-taagno kuwa jecel inaan hore loo socon.

Waa ruugcaddaagi soo rogaal celi. KULMIYE iyo Madaxweynahu waa ul iyo diirkeed. Kulmiye waa hooyadda xukuumadda. Fikir, taag iyo tamarba waa in la helaa isku-xidh iyo taageerada ay u baahan yihiin si ay u lisaan guushii aynu gaadhany.

Wax weyn  yaa la qabtay muddadan gaaban, waxa se jira dacaayado la buunbuuninaayo una baahan in nafsiyan dawladda laga daafaco, iyo in aan lagaga masuugin talo iyo fikir waxii wax dhisaaya.

Bulshow muuji in isbedelku kaa dhab yahay oo qof waliba ha la yimaado waajibkiisa. Ka guur danta gaarka ah ee gaaban, una guur danta guud iyo u hiilinta mustaqbal horumar dhaqaale, aqooneed iyo bulsho leh.

Mahad oo dhan Alle ayaa leh,

Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha
ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga

eci.advisor@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories