HomeIsbeddel Geeska Afrika Ka Dhacaa Waa Lama Huraan. Maxaa Uga Meel Yaal...

Isbeddel Geeska Afrika Ka Dhacaa Waa Lama Huraan. Maxaa Uga Meel Yaal Somaliland?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Waa marag-ma-doon in dhibaatooyin aad u culculus ay soo gaadheen dadka iyo dalka Somaliland xilligii taliskii keligii taliye Maxamed Siyaad Barre. Dhibaatooyinkaasi keliya kuma koobna xasuuq ama dad iyaga oo nool raabo-raabo la iskugu xidhay oo la laayay, laakiin, waxa la hilmaamay oo aan inta badan qorshaha lagu darsan riiqda iyo saamaynta taban ee ay dagaaladaasi reebeen. Dhaawacyada illaa hadda aan laga bogsan waxa ugu weyn kuwo DHAQAALE iyo MASKAXEED (trauma). Waa arrimaha keenay in bulshadu ay ku noolaato kalsooni-darro xad-dhaaf ah iyo kala shaki iyo waliba colaad loo qabo dawladnimada iyo hay’adaha dawladda. Taasna waxa tusaale kuugu filan in badan oo ka mid ah dadka xil-dawladeed loo dhiibo sida ay doonaan ayay ugu takri falaan, qabyaaladduna waa tiirka keliya ee ay cuskadaan. Guud ahaan bulshaduna danta guud waxa ay u arkaan timir xabaal-taal oo ninkii doonaaba xantoobsado.

blankNasiib-wanaag, Somaliland muddo rubuc qarni ka badan ayay dawlad dhammaystiran leedahay, laakiin, ilaa hadda shakhsiyan maan arag meel lagaga hadlayo ama hay’ado gaar ah oo si dhammaystiran cilmi-baadhis ugu sameeyaan labadaas dhibaato iyo habkii lagu dawayn lahaa – waa dhibaatada dhaqaale iyo ta maskaxdeed.

Anniga oo isku xidhaya dhacdooyinkan naadirka ah ee maalmahan soo waajahay Somaliland iyo Soomaaliya, gaar ahaan kulankii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo xalka dhibaatooynkaas aan soo sheegay waxa aan ku talinayaa saddex qodob:

Qodobka 1aad: Waa xaqiiq in waayaha iyo dadkuba ay isbeddelayaan, maantu la mid maaha dhawr iyo labaatan sanno kahor ama waagii Somaliland la aasaasayay; madaxda Somaliland iyo raggii halganka la galay taliskii Siyaad Barre barri ma joogayaan. Jiil cusub oo waayihiisa wata ayaa hadda jooga, mustaqbalkana qaar ka sii duwan ayaa imanaya. Sidaas daraadeed, dawladda hadda joogta iyo guud ahaan haldoorka Somaliland waxa looga baahan yahay in da’yarta beddeli doonta maskax ahaan iyo aqoon ahaan la diyaariyo. In loo diyaariyo in ay si aan caadifadi ku jirin u iibgeyn karaan qadiyaddooda ama u gar-naqsadaan, sababta oo ah da’yarta hadda joogta badankoodu goob-joog uma ay ahayn ama da’ ahaan aad ayay u yaraayeen xilligii dhibaatadu dalka ka dhacday. Laakiin, saamayntii waxa ay ku keentay niyad-jab iyo kalsooni darro. Waxa intaas dheer ololayaashii doorashooyinkii kala danbeeyay ee dalka ka dhacay dhallinyarta qaar ayay ku keentay in ay aamiinaan in dalka la kala leeyahay.

Qodobka 2aad: Isbedelo waaweyn oo aan la dafiri karin ayaa ka socda gobolka, gaar ahaan dalalka Geeska Afrika (regional integration). Isbedeladaas waxa ‘bud-dhig u ah’ loollan DHAQAALE oo ka dhexeeya quwadaha waaweyn ee adduunka oo adeegsanaya dalalka ay gacan-saarka la leeyihiin oo saamayn ku leh dalalka bariga Afrika. Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay ka mid yihiin meelaha isha gaar ah lagu hayo ee dihin, waanay muuqataa, oo maalgelinta uu Imaaraadku ku sameeyay dekedda Berbera iyo maalgelinta uu Turkey-gu ku sameeyay kaabayaasha dhaqaale ee Muqdisho ayaa tusaale cad inoogu filan. Somaliland waxa la gudboon in ay diyaariso khubaro waayo-aragnimo iyo aqoon xeel-dheer u leh arrimaha dhaqaalaha, ganacsiga, amniga; iskaashiga, heshiisyada iyo xidhiidhada caalamiga ah (think-tank), si ay uga talo-bixiyeen gadgadoonka siyaasadeed ee adduunka iyo gobolka ka socda iyo iswaafajinta danaha dalka.

Qodobka 3aad: Marka si qoto-dheer loo fiiriyo isbedeladaas hadda socda ee gobolka, arrinta Somaliland iyo Soomaaliya haddii aan degdeg loo xallin waxa ay ku noqonaysaa cid kasta oo ay dani kaga jirto istiraatijiyadda iyo khayraadka labada dal ‘laf-dhuun-gashay’. Sidaas awgeed, waxa ay ku khasban yihiin in ay haddba xalka ay dantoodu ku jirto u maareeyaan. Iyada oo arrintaas laga shidaal-qaadanayo mas’uuliyiinta Somaliland iyo Soomaaliya waa in ay ka faa’iidaystaan dadaallada uu hadda bilaabay ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, oo hormuud u ah isbedelada ka socda gobolka. Dalalka danaha dhaw ka leh Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay aaminsan yihiin in aanay suurtogal ahayn horumar iyo isbedel la taaban karo in lagu sameeyo geeska, illaa la xalliyo dalalka ay xurguftu ka dhaxayso. Hore waxa loo xalliyay colaaddi muddada dheer qaatay ee Itoobiya iyo Ereteriya. Waxa hadhay oo qorshaha dhaw ku jira xallinta khilaafaadka ka dhexeeya dalalka Jabuuti iyo Eriteriya; Somaliland iyo Soomaaliya; Itoobiya, Suudaan iyo Masar. Masar kama tirsana gobolka, laakiin, saamayn toos ah ayay ku leedahay geeska oo dalal ka mid ah geeska ayay gacan-saar la leedahay, iyada oo ilaashanaysa danahooda biyaha Webiga Nile-ka.

Gobogabadii marka laga yimaado labada waydiimood ee isbarkan oo uu ku xidhan yahay masiirka Somaliland iyo Soomaaliya oo ah: (1) Soomaaliya ma ogoshahay in Somaliland u aqoonsato dal ka madax-bannaan? Somalilandna ma ogoshahay in ay ka tanaasusho go’aanka in ay tahay dal madax-bannaan? (2) Madax-bannaanida Hargeysa ma waxa ay ku xidhan tahay ogolaanshaha Muqdisho? Ilaa hadda Hargeysa iyo Muqdisho waxa ay kala joogaan meelo aad u kala fog. Haddaba, marka jawaabaha iyo xalka waydiimahaas oo wakhti u baahan laga yimaado, labada dhinac waxa la gudboon in ay garwaaqsadaan isbedeladda xawliga ah ee ka socda gobolka iyo danaha isdiidan ee daneeyeyaasha caalamiga ahi ka leeyihiin. Si gaar ah xukuumadda Soomaaliya waxa looga baahan yahay in ay cadaadiska diblomaasiyadeed iyo midka dhaqaale ee ay ku hayso Somaliland ka joojiso, si loo xoojiyo walaalnimada iyo wada-jirka shucuubta Soomaaliyeed, taas oo ibo-fur u noqonaysa in wada-hadalada la sii ambaqaado.

Mustafe Adam

Bare Jaamacadeed, Culuunta saxaafadda iyo xidhiidhka Caalamig ah.

Kibaaro@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories