HomeIsbarbardhigga Wasiirradii UDUB iyo kuwan Maanta ee Kulmiye! - W/Q: Cabdicasiis Yoonis

Isbarbardhigga Wasiirradii UDUB iyo kuwan Maanta ee Kulmiye! – W/Q: Cabdicasiis Yoonis

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Photo0100Maanta waxaynu doonaynaa in aynu isbarbardhigno wasiiradii hore xisbigii laga adkaaday doorashadii madaxtinimo ee Somaliland iyo kuwan haatan shaqada qaran haya ee xisbigan kulmiye ee hatan wadanka maamula:waxaynu isku dayeynaa in aad sameyno isbarbardhig kooban oo aad ku fahantid farqiga u dhaxeeya labadan gole wasiir kan cusub ee kulmiye iyo kuwii hore ee udub.

Wasiiradii hore ee Udub Astaamahoogii iyo Hab-dhaqankoodii.

  • Wasiir ina-Somaliland ah ama ina-Afrika ah!!!
  • Wasiir sii eegaya xaga madaxtooyada oo war ka sugaaya.!!
  • Wasiir aan dadka ka baqaneyn ee madaxweynaha uun ka baqanaaya.!!
  • Wasiir ku mashquulsan raali galinta Riyaale oo aan ku mashquulsaneyn dadka suuqa hadalada ka soo yeedha oo wax kasta oo ay yidhaahdaa dhag u dhigeyn!!
  • Wasiir ka war haya dadku waxa ay ka cabanayaan ama ay soo codsanayaan!!!
  • Wasiir hantida dadka leexsanaaya;laakiin ogol in wax lala cuno oo og in la ogyahay oo dadka wax uu tuuraaya!!!
  • Wasiir dalka inbadan joogay oo ka war haya xanta iyo baahida tolka!!!
  • Wasiir madaxweynaha iska dhaadhicinaaya ee aan dadka iska dhaadhicineyn!!
  • Wasiir og in uu madaxweynu keenay meesha ee uuna abaal uu xisbiga udub ku lahaa keenin!!!
  • Wasiir ka baqanaaya haddii uu beeshiisa u jilco ooyinteeda in xilka lagala noqonaayo oo iska ilaalinaaya in laga uriyo meelaha beeshiisu ku kulmeyso!
  • Wasiir garanaaya xafiiskiisa xafadda ku xigta cida leh ama dagan;( ma Mujaahid baa, ma nin qadarin mudan baa?ma nin mucaarid ah baa?………………….?
  • Wasiir garanaaaya beeshiisu siday u kala mudan tahay iyo cida ay tahay in loo yeedho si ay madaxweynaha ula kulmaan oo ay cabashadooda ama xildoonistooda ugu geeyaan!!
  • Wasiir Jaraaidka ka adag oo isla markaas ba qabanaaya shir jaraaid oo ku beeninaayo waxaas warbaahintu ka sheegtay ….
  • Wasiir jaraaidka laftiisu ka baqdo oo ayna eryankareyn.
  • Wasiir difaaca madaxweynihiisa xaq iyo xaq darro ba!!!
  • Wasiir shaqaalihiisa dhaqaaleeya oo inta uu xafiiska joogo la sheekaysta oo la kaftama…..!!
  • Wasiir aftahan ah oo af-soomaaliga ku wadhwadhay oo erayo cusub oo uu ku difaacayo madaxweynaha iyo udub isticmaala.
  • Wasiir cidna aan amaan iyo abaal ka dooneyn madaxweynaha uun mooyaane!!

 

Wasiirada maanta ee kulmiye Astaamahooga iyo Hab-dhaqankooda!

  • Wasiir ina-Yurub ah ama ina-Mareykan ah!!!
  • Wasiir fuqa taagaaya oo cawaandiya oo aan lala hadli kareyn!!
  • Wasiir abaal iyo dayn u sheeganaaya xisbiga  kulmiye oo aan ka baqaneyn in la casilo.
  • Wasiir xasaasi ka qaba waxa warbaahintu qorto oo maxkamadda uga sii horeynaaya si uu ula dacwoodo warbaahinta!!
  • Wasiir aan la arkayn waxa uu lunsanaayo iyo meel uu dhigaayo lacagta uu lunsanaayo!!!!
  • Wasiir qurxinaaya wasaaradda uu joogo si uu u helo deegaan u eeg meelihii uu ka yimid ee yurub iyo mareykan.
  • Wasiir aan garaneyn beesha uu ka tirsanyahay cabashadeeda iyo waxa ay dooneyso.!!
  • Wasiir marka uu doono xaaladkastaa ha jirtee tikidhka goosanaaya oo tagaaya dibadda.!!
  • Wasiir sii eegaaya yurub ama mareynkan caruurta iyo islaanta u joogta ee aan eegayn danyarta ku dhaqan dalka ama ay wasaaradiisu khuseyso!!
  • Wasiir labtop ku foorara oo aan la hadlayn shaqaalihiisa la fadhiya ama hawl wadeenadiisa ay wada shaqeeyaan!!
  • Wasiir aan dooneyn in talo ay siiso cid la shaqeysaa madaamuu sito shahaado master ama ph.d.!!
  • Wasiir af-ingiriisi ku hadlaaya ama caado ay u noqoto in uu erayo af-ingiriisi ah badanka ku jawaabo oo ay saxafiyiintu ama shaqaalu u turjumayaan si dadku u fahmaan.tusaale(waxa uu hal hays u leeyahay:It is good..shaking his head!!!!) halka wasiirkii udub  uu odhan jiray(waa arrin fiican….ama way fiicantahay)!!
  • Wasiir aan difaacayn madaxweynaha laakiin difaacanaaya wasaaradiisa!!
  • Wasiir jecel inta uu hawl halkan ka qaban lahaa in uu dibadda ka soo qabto!!
  • Wasiir jecel dhoofka iyo in xaflad ay isii diyaariyaan qurbo joogu!!
  • Wasiir hadalkiisii hore iyo hadalka maanta uu wareysiga ku bixinayaa ayna kala duwaneyn oo haddii 100 eray uu isticmaalay wareysigii hore uu boqolkii laftoodii uun ku hadlaaya imikana!!
  • Wasiir hadalkiisa ay ku soo noqnoneyso …waa markii ugu horeysay…..waa markii ugu horeysay ee sidaas la sameeyey…iyo intii yareyd ee xisbiga  kulmiye xukunka hayey……..!!!!!

 

Sheeko yar oo qosol leh: nin aanu saaxiib nahay oo reer burco ah oo imika hargeysa jooga oo magaciisa la yidhaahdo;Cismaan ku jare…ayaa waxa uu maalin nooga sheekeeyey in uu doonaayo in uu sameeyo riwaayad ka turjumaysa dawladdan qurbo joogu wasiirada u badan yihiin.waxa uu yidhi,waxa ka mid ah riwaayaddaas sheeko ah: odayaal ka cabanaaya abaar deegaankoodii ku dhacday ayaa wasiir qurbaha ku koray oo imika xil haya ayay u imanayaan markaas ayay ku odhanayaan: Wasiir abaar baas iyo omos ayaa nagu dhacay ee waxaan doonaynaa in aan wax nagala qabato:dabadeed labadii eray ee Abaar iyo omos….ayuu fahmi waayey markaas ayuu yidhi; inta uu madaxa luxay…Abaar …..abaar…abaar …..omos ……omos……wuu fahmiwaayey. Suga ayuu ku yidhi:Googlahaan ka eegayaaye ………!!KK

 

 

Qore:C/casiis maxamed yoonis(ansaari).

Macalin dhiga luuqadda ingiriisiga>

Email:ansaari25@hotmail.com/Tel:00 252 2 4175733.

Hargeysa,Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories