HomeIsbar-bardhigga Labada Heesood ee Xildhibaan/Abwaan Jaamac Riyo u kala tiriyey Daahir Rayaale...

Isbar-bardhigga Labada Heesood ee Xildhibaan/Abwaan Jaamac Riyo u kala tiriyey Daahir Rayaale iyo Axmed-Siilaanyo

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

JAAMAC RIYOHargeysa (SLpost)- Xildhibaan Abwaan Jamaac Faarax Axmed (Jaamac Riyo), ayaa soo saaray Hees cusub oo sanado dhitaynayey oo uu la maaganaa Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo uu xiligii Rayaale u tiriyey Hees tan la mid ah oo waxtar u noqotay Kulmiye oo la odhan jiray Diilaal Noo dhuuntayo soo dhaadhac, taasoo wakhtigaas si weyn u hir gashay isla markaana mucaaradad xooggan ku kicisay UDUB.

Xildhibaan Jaamac Riyo Heesta cusub ee uu Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u tiriyey waxa uu Midhaheeda ku sifeeyey xaaladaha dalka ka taagan ee ay ku maamusho halka uu erayadii Rayaale dhibsan jiray Siilaanyo ugu bedelay.

Erayada Heestan, ayaa u dhigan:

Siyaasadii dibadiyo

Dalkiyo tii tiil gudaha

Dariiqeedii ka baydhay

Dagtoo wax isdaba maryaysay

Dil iyo dhagar noo horseeday

Tashiga duul kula wadaagay

*** **** ****

Soo doog baan lahaaye

Ka sii dar hadii ay ahaatay

Dan guud iyo boobisteeda

Duul ooman waraabintooda

Adoo duma-baa roone

Dilaalka badheedhayoow

**** ***

Dushiinay ceebi taale soo data

Kuwii idinkaa ka darane soo data

Diir iyo ayax oomanoow ka data

 

Xilkaanu kuu dooraniyo

Dantii Somaliland

Dayaysay daryeeli wayday

Qabyaaladii daaha qaaday

Doc iyo reer-reer istaagtay

Shir beeleed dib ugu guurnay

 

Danqaabadii aad abuurtay

Dix iyo ceel lama wadaago

Sidaad duulaan tihiin

Dalkiyo beeshaba qabsaday

Dagmadu tiinii ahayn

Hadhuubkiyo doobigii

Markaw darandoorideen

Dushiinay ceebi timide Soo data

Kuwii idinka ka daran soo data

Diir iyo ayax oomanoow ka data

Dir iyo daabaan gabaay ka daado

Waa erayadii Abwaan Jamaac Faarax Axmed (Jaamac Riyo

HEESTII ABWAAN JAAMAC RIYO U tiriyey Xukuumaddii Daahir Rayaale Sannadkii 2009-kii ayaa iyaduna u dhignayd Sidan:

Xilkaanu kuu dhiibanee,

Naf iyo dhimashaba lahaa

La dheeliday dhoon wareegtay,

Amaanadii dhawri weyday

Dhitiyo kaydkii Idlaysay,

Khayraadkii dhoobo qaaday

*** *** ***

Addoo dhagar-maal u muuqda,

Dhaliili dushaada taalo

Ku jira dhoobo iyo ceeb,

Ayaamihii kaa dhamaade

Mudiyo dheeraad ku siiyay,

Sidaadii dhaami weyday

Ka dhaadhac DhiishaaduMa buuxsantee Ka dhaadhac

Dilaal noo dhuuntayow, Ka dhaadhac

Dhalaan qadiyow ka dhaadhac

*** *** ***

Xilkaanu kuu dhaariniyo

Dhismahii Somaliland

Dhantaashay Dhaqaajin Weyday,

Dhaqmaati Adaa u diidey

Dhacdiyo Taariikh xun reebay,

Dhul iyo Daaraba Xaraashay

Dantaad Dhaawaca ku boobtay,

Anaa dhayi Nabaradeedee

Ninkaan Dhaanka u diree Isagu Soo dhaansadow

Mudiyo dheeraad ku siiyay,

Sidaadii dhaami weyday

Ka dhaadhac Dhiishaadu Ma buuxsantee Ka dhaadhac

Dilaal noo dhuuntayow, Ka dhaadhac

Dhalaan qadiyow ka dhaadhac.

—————————-

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories