HomeIsbahaysi u dhexeeya KULMIYE iyo Garab UCID ah oo ku heshiiyey Murrashaxiinta...

Isbahaysi u dhexeeya KULMIYE iyo Garab UCID ah oo ku heshiiyey Murrashaxiinta ay u wadaan shirguddoonka Golaha Wakiillada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa maanta ku qabsoomay Kulan ay heshiis ku kula saxeexdeen Xisbiga Kulmiye iyo Garab ka mid ah Xisbiga UCID oo oo ka kooban siyaasiyiin iyo 11 ka mid ah xildhibaannada Golaha Wakiilla uga soo baxay Xisbigaas.

Garabka Xisbiga UCID oo uu hoggaaminayo Xog-haye ku-xigeenkii Xisbiga ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada ee dhawaan la doortay Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) isla markaana ay weheliyaan Siyaasi Maxamuud Saleebaan (Ramaax) iyo Prof Abyan, ayaa Xisbiga Kulmiye kula bahoobay Doorashada Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, waxaanay kulankaas ku doorteen saddex xubnood oo ay is-bahaysiga Kulmiye iyo UCID u xusheen Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland.

blankMunaasibadda lagu shaaciyey Isbahaysiga cusub waxa goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, hoggaanka sare ee Xisbiga Kulmiye, Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Murashax guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Kulmiye Prof Yaasiin Maxamuud Xiir iyo Kaadiriin Kulmiye ah.

Heshiiska labada dhinac ayaa laysku af-gartay in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada uu noqdo Prof Yaasiin Maxamuud Xiir oo Kulmiye ah, halka Guddoomiye ku-xigeenka 1aad iyo Labadaas oo Xisbiga UCID la siiyey ay kala qaateen Xildhibaan Siciid Faarax Mire (Giirre) iyo Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax).

Ugu horeyn, waxa munaasibadda ka hadlay Xildhibaan Maxamed Xasan Siciid oo katirsan garabka UCID ee maanta heshiiska saxeexay, siyaasi Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) iyo  Axmed Cabdi Muuse Abyan oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday ujeeddada heshiiska labada xisbi, waxana ay hoosta ka xarriiqeen  inay ka go’an tahay in wada-jir loo dhiso saddexda xildhibaan ee mudaneyaasha KULMIYE iyo UCID usoo sharraxeen shir-guddoonka golaha wakiillada.

blankXildhibaan Siciid Faarax Mire (Giirre) oo loo gartay inuu u tartamo jagada guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, ayaa isaguna dhankiisa xildhibaanada KULMIYE  iyo hoggaanka xisbigaba uga mahadnaqay inay soo dhaweeyeen rabitaankiisa shirguddoonka golaha, waxana uu caddeeyey inuu si buuxda ugu kalsoon yahay in heshiiska cusub ee maanta labada dhinac kala saxeexdeen uu horseedi doono gaadhitaanka yoolka shir-guddoonka.

Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo u sharraxan jagada guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee shirguddoonka wakiillada, ayaa shaaciyey in xisbiga UCID dhexdiisa lagu curdin-dhadhiyey hankiisii aan qarsoonayn ee la xidhiidhay shirguddoonka, balse uu hankaasi soo dhaweyn ka helay dhinaca xildhibaanada KULMIYE, taasina ay keentay inay labada dhinac ku heshiiyaan dhismaha shirguddoon labada xisbiba katirsan.

blankWasiirka Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed oo halkaas ka hadlay, ayaa  soo dhaweeyey heshiiska cusub ee labada dhinac kala saxeexdeen, waxana uu sheegay in saddexda xildhibaan ee loo xulay shirguddoonka wakiilladu yihiin rag shirraban, lagu kalsoon yahay, golahana hoggaamin kara.

Siyaasi Cali Xasan Maxamed (Cali-marreexaan) oo kamid ah saraakiisha xisbiga KULMIYE, ayaa si qoto dheer uga sheekeeyey muhiimadda ay leedahay in rag aqoontooda iyo kartidoodaba lagu kalsoon yahay loo xulo shirguddoonka wakiillada, waxana uu tilmaamay in xidhildhibaanada KULMIYE iyo garabka cusub ee xisbiga UCID kasocdaaba isla garteen in saddexdaas xidhibaan lagu taageero hammigooda la xidhiidha hoggaaminta golaha cusub ee wakiillada.

Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo isbahaysiga KULMIYE iyo garabka UCID u sharraxeen jagada guddoomiyaha golaha wakiillada oo halkaas ka hadlay, ayaa isaguna dhankiisa ka mahadnaqay taageerada labada xildhibaanada labada xisbi u muujiyeen, waxana uu xusay inuu si hufan qarankiisa ugu adeegi doono haddii uu hammigiisu guulaysto.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa guul siyaasadeed ku tilmaamay heshiiska cusub ee xisbiga KULMIYE iyo garabka UCID wada saxeexdeen, waxana uu xusay inay dhinacyadu ka wadashaqaynayaan sidii uu heshiiskaasi u guulaysan lahaa.

blankGuddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sharraxay shaqsiyadda xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, waxana uu shaaciyey inay xisbi ahaan hore isula garteen guddoomiyenimadiisa, labada ku-xigeen ee xisbiga UCID kasoo baxay iyo xildhibaannada ay wataanna ku dhisayaan hammigooda.

Ugu dambayntii waxa halkaas lagu kala saxeexday heshiis buuxa oo ay dhinacyadu iskula garteen wada-hir loogu codeeyo sidii ay xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), xildhibaan Siciid  Faarax Mire (Giirre) iyo xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) u noqon lahaayeen shirguddoonka golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories