Isbadalku waa shay ku lamaan baahid rabitaan ee bulsho, waxaana sameeya sida caadiga ahdowlad ka wakiila mubaadiinta wadan. Haddaba isbadalka ugu way nee la sameeyo waxaa looyaqaana “public policy change” isbadal siyaasadeed kaasi oo saamayn toos ah la leh isbadalka
Dhaqaalah, Caafimaadka, Tacliinta, Xidhiidhka Caalamiga, Arrimaha Guddaha, KhayraadkaDabiiciga ah iyo dhamaan adeegayada kale ee ay qabato dowladu sida cadaalada iwm. Sidaas ooay tahay waxaa iswaydiin mudan xukumadan wakhtigeedii dhamaaday isbadal nooceya ayaysamaysay? Laakin isbad siyaasadeed oo dhamaystiran ma samaysay. Intayna nu ka jawaabin
waydiimahan aan xus inta qaab ee uu yeelan karo isbadlku, wuxuu noqankara labad midkoodisbadal tabane ah iyo mid togone ah “positivechange or negative”
Dhicayad kala duwan ee isbadallada siyaasadeed haddan eegno waxa xaqiiqa inaan dowladuisbadal dhaqaale samaynin, waxaana caddayn u ah, miciishad oo qaaliyoday, wixii la dhoofinayoo yar, wixii la soo dhoofsanayay oo badan, sixirbararkii oo kor u sii kacay, shaqo la’aantii oofarah ka baxaday cashuurihii oo la kordhiyay dhamaan arrimahani waxay sheegayan in loobaahanyahay isbadal dhaqaale oo dag dag ah. Isbadal caafimaadna la samayn, aan ka eegnodhanka dhakhatiirta iyo dhaktarad, tusaale aan u soo qaadano caasimada dalka oo ah Hargeisa,Hargeisa waxay leedah hal dhakhtar oo guud, dhakhtarkan markii la dhisay tirada dadkacaasimada ku nooli waxay ahaayen 50,000 maanta tirada dadka ku nooli waa 1.2 milyandhakhtarad gaarka loo leeyahayna maaha kuwa dabooli kara baahida caafimad ee bulshada,dhanka kale dhakhatiirta soo baxada iyaguna ma dhamayn karaan baahiyah yaala, teeda kaledawooyinka farmasiiyadu iibiyan maaha kuwa laab ka dowlada soo maray oo lagu kalsoonankaro isticmaalkooda iyo tayadooda toona, waxaana magaalad loogu kal iibsada sida nacnac ookale siyaasad caafimadka iyo dawooyinka la xidhiidha oo ilaa hadda xukuumadu dhaqangalisayna ma jirto.
Xagga tacliinta, hornaantii iyo olalihii xisbiga kulmiye waxay shacbiga u balanqaaden inayabuuri doonan waxbarasho tayo leh iyo tacliinta dugsiyada hoos dhexe oo bilaasha ah. Isbadalwaxbarasho xukuumadu way samaysay oo way ku guulasatay inay dugsiyada hoos dhexe lacag
la’aan wax lagu barto, nasiib daro isbadalkan ma noqon mid midho dhal leh oo tayadii dugsiyadadowlada ayaa hoos u dhacday, macalimiintii waayo aragnimada iyo aqoonta lahaana waxay udigo rogteen dugsiyada gaarka loo leeyahay, tacliintii tayada lahaydna waxay noqotay midagacanta mid ee dowlada ka baxda, oo ay hogaanka u qabteen dugsiyad gaarka loo leeyahay oo ayka dhigeen mid ganacsi Commercial Education.
Xagga Xidhiidhka caalimiga ah waxaa in hortaagan in caalamku inoo aqoonsado ingobanimadeeni aan dib u la soo noqonay oo aan nahay dal madaxbanaan, mana dhicin taasidowladuna dadalkeedi ma hayso, siyaasada dhamaystiran laga samayno meesha xalkeeda loomarayna maaha meel qayaxan.
Arrimah gudduhu waa qayb laxaad balaadhan ku leh jirtaanka dalinmadeena iyodowladnimadeenba, dowladeen waxa lagu dhisay saddex xoog siyasadeed oo ah qabiiladii kudhawaaqay gooni isku taaga Somaliland oo ah labad beelood ee daga daafa dalka iyo beeshadhexe waxan la yidhaa saddexa xoog siyasadeed “ three political forces” saddexdan midayntoodaiyo abuurida hal xoog siyasadeed oo ah “one political force” oo noqonay “citizens” mubaadin
waa shaqada laga rabo arrimah gudah, inkastoy waxayalo badan qabatay haddana waxa nasiibdaro ah wali in shabigu ku abtirsanay reer jaajuur iyo reer dhagax oo loo gudbi layahaymubaadin. Sidaas awgeed arrimah gudah lagama samayn isbadal wax ku ool ah.
Khayraadka dabiiciga ah waa wax rabi ku manaystay sida dhul beeredka, macadanta iyo badda,xagga beeraha ma jiraan mashaariic waawayn oo la maalgaliyay, wasaarada beerahan waxa laguxususta bariis tijaabo ah oo ay hal mar samaysay, wardanbena aan laga helin dowladu kamayfaa’iday dhul beereedkeen wanaagsan, macadanta dalka iyadan lama munaafacadsan ee waa sida
dameer malabsida, badwaynta qaaliga ihina maaha mid kaluunkeeda laga habaq belay ee kalluunla inoo soo dhoofiya ayay nu cuna. Gabi ahaanba isbadal muuqda kumaynan samaynkhayraadkii uu dalku lahaa.
Xagga dufaaca xukuumadu waxay hurumarisay darajad ciidamadda iyo kaladanbayn iyomaamul toosan laakin may hurumarin awooda dufaaca ciidamada sida ciidamad cirka iyo
ciidamad tignoolijiyada sidaa darteeda maaha mid dhamaystiran isbadalka xagga dufaacu.Gabogabaddii maqaalkan waxaa inoo cadaaday in isbadalka xukuumadu ahaa isbadalkakuraasida madaxda kala duwan ee waaxaha fulinta iyo garsoorka marka laga reebo dhimayaashaxafiisyada dowlad iyo iskaashiga shacab iyo xukuumada ee xagga wadooyinka, ugu danbayntiiwaxaa marlabaad iswaydiin mudan Kulmiye, Waddani iyo Ucid isbadalka ay rabaan ma midkuraasiba misa waa mid siyaasadeed “ public policy change” akhriste.
Mustafe Abdirahman Habane
Email: habanemah@gmail.com

