HomeIS-XANBAARKA IS-XANBAARTAY MA XANBAARI KARNAA? (Xukuumadda iyo xeer-dejinta) – ~ Qalinka:...

IS-XANBAARKA IS-XANBAARTAY MA XANBAARI KARNAA? (Xukuumadda iyo xeer-dejinta) – [Q.2aad] ~ Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

boobe-21960kii markii la is-raacay, woqooyi iyo koonfur, waxa loo yaqaannay ‘Dibitaatiyaasha’ iyo ‘Anuun baa nool.’Magac iska baxay ma ahayn, bal se wuxu ahaa mid loo xiddigiyay. Lixadannadii waxay wadan jireen nimankaasi baabuur yar yar oo u badnayd Fiat, 1,100 (millecente D ama R) ah. Waxa baabuurtaa yar yar ugu oolli jiray lambar laga horreysiiyay AN.Labadan xaraf waxay u taagnaayeen ‘Assemblea Nazionaleoo af Talyaani ahayd una dhigmaysay ‘National Assembly’oo loo tarjumi karo ‘Golaha Shacabka’.Shacbigu markii ay arkeen dhaqankoodii dad-nacaybka ahaa iyo sidii aanay ummaddii soo dooratay dan uga lahayn, waxay shacbigii ku suntadeen: ‘Anuun baa Nool.’ Sidaas ayay dadku isku waafajiyeen lambarkii ay siteen iyo dhaqankoodii danayn la’aanta, dillaalnimada iyo dadnimo-ka-baxa ahaa. Sida raha loo arko xilli-roobaadka, ayaa iyagana loo arki jiray marka ay doorasho jirto oo keliya, sida immikaba mararka qaarkood dhacda. Markaana hadhuudh cas-casaa oo kii fardaha la siin jiray ahaa ayay dadka ula iman jireen.

Intaas kuma ay koobnayn e’, maansooyinkii iyo heesihii halkudhegyada noqday ayaa raacay. Sow tii Cabdillaahi Suldaan, Timacadde lahaa:

“Dan Soomaaliyeed lama hayee, waa dabbaal kale e’,

Shacbigii dagaalka u gala, daadsan suuqyada e’,

Danbarkeedi Maandeeq nimaan, doonin baa dhamaye,

Dastuur iyo qawaaniin ayaan, cidina doon-doonin,

Ninnaan dawlad baa Xamar fadhida, haw dabbaal-degine,

Dawarsadaha qaawani kuwuu, daasaddaw madhiyay,

Ee daasaskeennii wixii, yaallay lagu doortay,

Dikhsi lama xisaabsanid haddaad, daw ku kulantaane,

Dibjirkiyo haddaan lala hadlayn, dumarka gaajaysan,

Goortaan horoo loo durkiyo, derejo eegaayay,

Hadduun baa sidii Buul Duqeed, daaha loo rogaye,”

 

Wuxu maansadan tirinayaa 1961kii oo ahayd markii ugu horreysay ee Muqdisho tago. Intii hore oo dhan maqal ayay ku ahayd.

 

Axmed Ismaaciil oo Qaasin, loo yaqaannay markii uu ka yaabay arxan-darradoodii iyo dareen-la’aantoodii sow kii laha:

 

“Dayaxaa la kala boobayaa, Dirirkii cawleede,

Xiddigtii Dagaar iyo la dhaaf, Diillintii Guray e’,

Dib baa Laxaha loo eegayaa, sacana waa daafe,

Duqii samada lagu sheegayiyo, dide Cir-jiidhiiye,

Dabaylaha rag baa kala yaqaan, dawga loo maro e’,

Hadba waqalka dihin Ruushku waw, doogsin-cararaaye,

 

Daruuraha la weeraray nin ogi, dib uga faallooye,

Nin da’dii halkaa gaadhay oo, daallan baan ahaye,

Hayeeshee dabkeedu ha ba’ee, doqoni waa mooge,

Daab gudimo weli sooma jarin, wiilashaan diraye,

Halka dunida lagu geeddi yahay, deyiba maayaane,

Umaddii daryeel weli ma helin, daacadda ahayde,

Sidii bay u dooyeysan tahay, damashii weyneyde,

Sidii bay duleedadda dhar-li’I, ugu dab-jeexaane,

Sidii baa du’ddada aar dhiciyo, dacaw u joogaaye,

Sidii baa dugaag uga gurtaa, daaqa xoolaha’e,

Sidii bay docii aqalladii, uga daloolaane,

Sidii baa darroorimada iyo, daad u gelayaaye,

Sidii baa degmadu ceelashii, ugu dar-leeftaaye,

Sidii baa Dagaalow biyaha, loo dawariyaaye,

Sidii bay u daba goosi tahay, haradii Doolloode,

Oo weliba dibindaabyo-iyo, diriri joogtaaye,

Waa kaa dareersaday Axmaar, dayr-cadkii dhalaye,

Denbi ku hadli mayo e’ ma arag, dawladdaan rabaye,

Is-ma doorin gaalkaan diriyo, daarta kii galaye,

Dusha midabka Soomaali baad, dugulka mooddaaye,

Misna laguma diirsade qalbigu, waadirkii Karal e’,

Meeshaan dad aan urursho iyo, darar ka eegaayey,

Iyaba waa darxumo ii hadhaye, dacar miyaan leefay,

Ma dorraato raadkaan dhigaan, dib ugu soo laabtay,

Sidii aan deyeys nahay miyaan, dawgii ka habaabay,”

 

Axmed Ismaaciil Diiriye oo Qaasin loo yaqaannay wuxu sawirkan bixinayaa waa 1964kii. Bal hadda isu eega xaaladda aynu maanta ku sugan nahay, iyo xaaladdaa murugada leh ee uu Qaasin xilligaa fog sawirayay. Miyaanay maansooyinkani noolayn!

 

Haddii aynu godollo ka soo qaadanno Xaaji Aadan Af-qallooc, sow kii isaguna lahaa:

 

“Tallaabada mid gaalkii shabbaha, tegay ma-liibaane,

Adigoo wuxuun tabanayoo, tegay halkuu joogo,

Kolkuu sida libaax raqi u taal, qoorta kor u taago,

Oo uu ‘tayga’ luquntiisa sidhan, taabto faraqiisa,

Oo in aad addoonkiisa tahay, taana la ahaatay,

Oo aan dadkana taakulayn, calanna taageerin,

Oo in uu adduun badan tabcado, taa qudhaw jeeda,

Iyana waa tabaalaha waqtiga, taynu aragnaaye,

Tu’ kaloo ka daran baa jirtee, taana bal an sheego,”

 

Sawirkaasi waa kii taagnaa 1960kii ilaa 1969kii, intii aanay ciidammadu taladii dalka qoriga ku maroorsan.

 

Nidaamkii Maxamed Siyaad malaha qiyaastii markii uu 10 sannadood xilka hayay, ayaa wax doorasho-ku-sheeg ahaa lagu soo dhisay wax markaa la odhan jiray Golaha Shacabka oo dhoob-dhoob ahaa. Berigaana dadweynuhu ma ay mahadin oo waxay ku suntadeen oo ay ula baxeen ‘Darka Sacabka’.Haddii aanan qaldanayn ama aanay xusuustayduba I dagayn, waxa kale oo ay beryahaa dadweynuhu ula baxeen oo ay Golahaa ma-dhalayska ahaa u qarin jireen ‘Shinbirayahow heesa.’Hees ay Xaliimo Khaliif (Magool) qaadi jirtay oo aan u malaynayo in uu Xasan Sheekh Muumin lahaa ayaa halkudheggaa hadaaqa dadweynaha noqday laga soo qaatay.

 

Sow tii uu Muuse Cali Faruur, maansadiisii Deelleeyda ee ‘Deelleey markhaati leh’ku lahaa:

“Ummad uma danaynin e’,

Waa darajo-siin iyo,

Dibitaatiyaashaan,

 Darka Sacabka geynnee,

Doorashada ku sheegnee,

Ma mid aan dareen iyo,

Dar Ilaah ku keennoo,

Danta hoos u eegnaa,

Nagamana dahsoonee,

Dadku waxay ogsoon yiin,

In ay tahay duruuftani,

Dalka maanta taallaa,

Mid la sii diyaarshoo,

Dan-yar lagaga xoogsado,”

 

Beryahaa uu macallinkii Maxamed Siyaad Barre dalka ka talinayay, sidaas ayaa loo yaqaannay Baarlamaan-ku-sheeggii dalka ka jiray.

 

Intii aynu la soo noqonnay madax-bannaanideenna ee aynu samaynay Jamhuuriyadda Somaliland, naanaysaha u baxay Golaheenna Wakiillada waxa ugu mudnaa ama ugu magac-dheeraa, sida aad ka wada dheregsan tihiin magaca ‘Dhaameel’. Waa intii aanay xukuumadda maanta dalka ka talisaa kursiga ku fadhiisan.

 

(La osoco…………………………………………….)

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories