HomeIs-wEydaari Indhaha, Farmaajow! W/Q: Maxamed Gacayte

Is-wEydaari Indhaha, Farmaajow! W/Q: Maxamed Gacayte

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Haday bishu hortaada timaado ma beenin kartid, kolkaa siday doonto haw dhigtee Somalia way ku qasban tahay inay bogaadiso kulanka Madaxda labada Dal ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Ethiopia, kadib markii ay u cadaatay in Jam. Somaliland tahay qaran madaxbanaan oo jiritaankiisa la ixtiraamayo laguna soo dhoweeyay protocol ka ugu heer sareeyay ee laysku qaabilo. Waxaana cad in miisaanka uu kulankaasi mandaqada u leeyahay ay hayn kari waayeen oo intanbaa dirqi kaga soo baxday, guulbaan u arkaa. Waayo, Maamulka Farmaajo marnaba muu filayn Meeqaamka sare ee Ethiopia ku qaabishay waftigan Jamhuuriyada Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Kolkaa isdaad raacin ma maqli jirtay taas lee waaye….!
GACAYTENinbaa laga hayay waa rafadkay rafanaysay, imika qoraalka nafla caaridka ee ay Somalia kasoo saartay kulanka Madaxweyne Muuse iyo Raysal Wasaare Dr. Abby, waa rafadkii u danbeeyay, waxaanay xejin kari waayeen miisaanka kulankani lahaa oo taaga waxay miciin bideen inay dacaayado raqiisa kadaba tuuraan si ay xaqiiqda dhabta uga jeediyaan indhaha shacabka Koonfurta ee masaakiinta ah ee darxumada iyo dagaaladu aafeeyeen. 
Hadaba, inta ay qoraal daba keena oo ka xumaansho walaaladood halka ay gaadheen ah ku mashquulayso Xamar, wax foojignaan iyo fiirodheer kaaga baahnayd hantida aad masuulka uga tahay umada somaliyeed ee hadhcad lagaala wareegay oo badii, dhulkii iyo khayraadkii indhahaaga oo shan ah Kenya qaadatay oo halkii lagaa sugayay inaad mawqif adag ka istaagto aad qoraal tabcaana oo tawaawac iyo habrasho ah kaga falcelisay. Maahmaah soomaaliyeed ayaa tidhaa, Doqontu 12 indhood bay leedahay oo 11 ayay walaalkeed ku eegtaa midna cadawgeeda, kolkaa somalia waxaan leeyahay indhaha kala wareeji oo iswaydaari waxbaa kaa qaldane. 
Takale, Liidasho ka wayni ma jirto markaad leedahay “Wadashaqeeya ayaa la yidhi” oo awal Somaliland iyo Somalia miyaanay wadashaqayn lahayn haday xag Amni iyo mid Ganacsi tahayba. Wadashaqaynta kale ee imika taagana waxa ugu horaysaa Wadahadaladii Somaliland iyo Somalia oo dib loo furo. Kolkaa jiritaanka qaranimada  Jamhuuriyada Somaliland waa Go,aan Shacbi mana ah mid mid ay wax yeelayso dacaayad iyo warar kuturi ku teen ah oo caruur ka cabsiis ah. 
Shacabka Somaliland waxaan leeyahay u midooba cadawgiina oo jaanis ha siinina. Meeqaamka sare ee lagu qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi waynu aragnaa qiimaha iyo qaranimadeena halka uu taagan yahay ee garab istaaga, oo cadawga shaashaynaya ka difaaca Qaranka waynu wada leenahaye. 
#JamhuuriyadaSomaliland.
#GoaanShacab
Wabilahi tawfiiq.
Qalinkii: Maxamed Gacayte 
Hargeysa/ Somaliland 
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories