HomeIs-boqor ~ W/Q: Saddaam Xuseen Carab

Is-boqor ~ W/Q: Saddaam Xuseen Carab

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Saddam CarabNoocyada kala duwan ee aqoonta dunida maanta taal, mid wal oo ka mid ah bulshooyinku waxa ay u samaysteen derajooyin kala sarreeya.  Heerarkaas ay aqoontu u kala sarrayso ama u kala hoosayso si la mid ah bay dadkuna ugu kala sarreeyaan ama ugu kala hooseeyaan darajooyinkaas. Sideeda ba na derejada iyo derajayntu waa qodob muhiim u ah aadanaha, waayo waa furaha iyo bilawga dedaalka. Meel kasta oo dunida derjooyin ka jiraan waxa khasab ah in loollanna ka joogo waa haddii aqoon derjadu ku sal leedahay. Meesha loollan ka jiraa waa meel waxsoosaar iyo horumar badan laga filan karo. Sidaas darteed waxa aynu odhan karnaa hadba qiimaynta derejaynta bulsho waa halbeegga horumarka bulsho. Si ay taasi u jirtana bulsho kasta waxa ay u samaysataa xeerar iyo marinno kala haga oo kala hagaajiya.

Inta badan marka aanay bulsho lahayn shuruuc hagaagsan oo kala nidaamisa ama soohdimo sheegan oo qeexa heerarka aqoonta iyo khibradda qof ama qofaf, waxa luma halbeegga iyo darajadaynta dadka. Markaas ayey caanaha iyo biyuhu isdhexyaacaan. Waxa dabadeed ka soo baxa in qof waliba iskii isku boqro. In qofku kolba mansabka uu rabo uu xusho oo aanay cidina yur ka odhan. Markaa sidii bay noqotaa derejadu col jabay oo qofba qaniimada taagtii isku raro. Waa kolka caqliga fayow ee iscumaamadka ka xishoodaa uu dhinto.

Maanta waxa aad moodda bulshadeenna in dhaqankan isderajayntu awood xooggan isku ballaadhinayo oo isu egaysiinayo wax caadi ah. Waa sababtaas in ninka laba cisho farmasi dhex joogay ee xoqado xidha  loogu yeedho “Dhakhtar”, ka cashar sannad jaamacad ka bixinayey “Barafasoor”, ka afarray dhowr goor isku toostoosiya “Abwaan”, ka afar ama saddex qoraal qorana waa sababta loogu yeedho isna “Qoraa” iyo kuwo kale oo badan. Tanna waxa xoojiyey xeer iyo dabar la’aanta aan cidna hus la odhanayn iyo xishoodka oo malaha aad innoogu yaraaday.   Marka ay sidani dhacdo ee la waayo shuruudo dhab ah oo qeexaya, ama sharci run ah oo ilaalinaya darajooyinka bulshada waxa soo baxa uun laba xal. Waa midka horee in qofka damiirkiisu u noqdo sharci dabar iyo seeto uga ah isboqridda iyo ka labaad oo ah in qofku sidii aanu damiir ka xishoodsiiya lahayn isaga oo buuryoqab ah uu qoodh ka sheegto baarqabyada hortooda. Labada arrinna tan dambe ayaa innagu dhex baahaysa. Sidaas awgeed baa ninka Tobankii sano ee u dambeeyay qoraalka ku dhexjiray iyo qofka bishan sii qoyan qoraal mareeg ku daabacay ay labaduba u noqonayaan”Qoraa”! Sidaas awgeed ayaa ninka lixdankii ilaa maanta gabayayey iyo ka dorraad qaangaadhay labaduba u noqnayaan “Abwaanno” Sidaas awgeed ayuu ka aan dun irbad galin karin iyo ka aqoonta u leh labudu ba u ahaanayaan “Siyaasiyiin waawayn”, Sidaas awgeed ayuu caalimka diinta fasira iyo ka dorraad khamiiska qaatay labudaba u noqonayaan “Wadaaddo”  sidaas iyo sidaas buu qof kastaa kolka uu rabo u noqonayaa mansab kasta oo uu iska jecelyahay.

Runtii isderajaynta noocan ahi waxa ay dhabarjab ku tahay horumarka ummadda iyo dedaalka jiilkeeda. Haddii Dhakhtarnimo ay iga xigto in aan shaadhcad iyo xoqado cadcadd isa sudho, haddii uu saxafinnimo iga xigo uun  in aan laba qof waraysto, haddii wax walba ay iga xigto  inta aan isku sheegayaa saw hoog bulsho iyo hawobaaqsi ummadeed ma aha? Saw gaagixinta caqliyadii fikiri lahaa iyo curdandhadhinta horumarkii dedaalka lagu samayn lahaa ma keenayso?

Waxa yaab leh dad qaangaadh ah oo aqoon ku filan leh, oo haddana isboqraya. Xishoodkii, aqoontii iyo garaadkii halkee buu kolkan aaday?  Qof walba intiisa ayuu xil ka saaranyahay. Arrintan dhibaatadeeduna qofka bay ka bilaabantaa oo ay ku dhammaataa. Haddii aynaan ka hawlgelinna aynu iswada boqorro oo aynu ahaanno abwaan aan laaxinka iyo deelqaaf kala aqoon, siyaasi aan naftiisa maamuli karin oo ummad hoggaamiya, qoraa aan higgaadda iyo habdhigaalka qoraalka aqoon, dhakhtar aan kaneeco dawayn karayn, Injineer aan laba xabbo oo laban ah isa sudhi karin  iyo aynnu iska ahaanno magacyo buurbuur aan kildhi biyo ah sonkor ku dari karin.

Saddaam Xuseen Carab

saddamcarab@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories