HomeIRAN oo u Hanjabtay Israa'iil ~ "Way ka Shallayn doontaa Weerarka Suuriya"

IRAN oo u Hanjabtay Israa’iil ~ “Way ka Shallayn doontaa Weerarka Suuriya”

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Dimishiq (SLpost)- Sarkaal Sare oo ka socda Dalka Iiraan oo booqasho ku jooga caasimadda Dalka Suuriya ee Dimishiq, ayaa ku Hanjabay Israa’iil inay ka Shalleyn doonto weerarkii gardarrada ahaa ee ay ku qaadday dalka Suuriya, isaga oo sheegay in Dunida Muslimku diyaar u tahay inay Difaacaan Shacabka reer Suuriya.

Siciid Jaliili oo ah Madaxa Golaha Bad-baadada Qaranka Iran oo maanta soo gabo-gabeeyey socdaal saddex maalmood qaatay oo dalkaas ku joogo, waxa uu sheegay in dawladdiisu taagerayso wada-hadal kasta oo bar-bilow u noqda xabbad joojin dhexmarta xukuumadda madaxweyne Bashar Assad iyo kooxaha ka soo horjeeda si loo gunaanado dagaalka Sokeeye ee Suuriya ee ka socda, haseyeeshee waxa uu shuruud ka dhigay in wada-hadal kasta oo labada dhinac dhexmara uu ku qabsoomo caasimadda Syria ee Dimishiq.

Saeed-JaliliJaliili oo maanta warbaahinta kula hadlay shir-jaraa’id oo u qabtay magaalada Dimishiq, waxa uu hanjabaad u jeediyey dawladda Yuhuudda.

“Sidii ay Israel uga shallayday gar-darradeedii ka dhashay dagaalladii 33-maalmood, 22-maalmood iyo Siddeeda maalmood, maanta waxa ay Sahnuuniyiintu ka shallaayn doonaan gar-darrada ay kula kacday Suuriya,” ayuu yidhi Jaliili oo tilmaamaya dagaaladii ay Israel la gashay Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan iyo ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas.

“Dunida Islaamku ogolaan mayso gar-darro lagula kaco Syria,” ayuu yidhi Jaliili, isaga oo intaas ku daray, “Suuriya waxa ay ku taala Jiidda hore ee Dunida Muslimka ee ku beegan maamulka Sahnuuniyadda.”

Si kastaba ha ahaatee, Saciid Jaliili muxuu sheegin sida ay Israel uga shallayn doonto weerarkeeda iyo weliba qaabka ay dunida Muslimku u difaacayso Suuriya.

Hanjabaadda Sarkaalkan ka tirsan hoggaamiyeyaasha sarsare ee dawladda Iiraan, ayaa ku soo beegmay maalmo ka dib markii Diyaaradaha Dagaalka ee Israel Duqayn u geysteen goob ku taala nawaaxiga caasimadda Dimishiq, iyaga oo bartilmaameedsanaya wax ay Maraykanku ku sheegeen Sawaariikhda Dhulka laga gano oo loo waday ururka  Xisbullah.

Dawladda Suuriya ayaa dhankeeda sheegtay in diyaaradaha Israel ay bartilmaameedsadeen xarunta Cilmi-baadhiseed oo Milatarigeedu leeyihiin, waxaanay nidar ku martay inay Ka aar-goosan doonaan, haseyeeshee ilaa imika wax ka jawaab ah kamay bixin.

Dalka Israel ayaa ilaa imika aan si toos ah u qiran inay diyaaradaheedu weerareen goobtaas in kasta oo shaki laga muujiyey ujeeddadii ay ka lahayd.

Brigadier-GeneralSidoo kale, Ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka-sida ee dalka IRAN, Sarreeye-guuto Masoud Jazayeri ayaa cambaareeyey weerarkan maalintii Arbacada ee todobaadkii hore lagu qaaday Xarun lagu farsameeyo Hubka Kiimikada ah, kaas oo la rumaysan yahay in diyaaradaha Israel Duqeyn u geysteen.

Brigadier-General Masoud Jazayeri oo shalay u warramay telefishanka dalkaas laga leeyahay ee Press Tv, waxa uu sheegay inay jawaab deg-deg heli doonto Israel.

“Jawaabta Suuriya ka bixiso gar-darradii kaga timi maamulka Sahnuuniyadda, waxa ay ku ridi doontaa Jaah-wareer,” ayuu yidhi Sarkaalkani, waxaanu intaas ku daray, “Maraykanka iyo Israel way ogyihiin in isku-fillaanshiyahay Qaranka Suuriya aanu dhammaan doonin.”

Muddadii 22-ka bilood ahayd ee dagaalka sokeeye ka socday Suuriya, hoggaamiyeyaasha dawladda Israel waxa ay in badan ku cel-celiyeen walaac ay ka qabaan in hubka dalkaasi  gacanta u galo ururka Xisbullah oo cadaawadi ka dhaxayso.

Israel waxa ay sannaddadii u dambeeyey ku eedaynaysay madaxweyne Assad iyo Iran inay dhinaca Milatariga ka taageeraan ururka Xisbullah oo sannadkii 2006 milatariga Israel la galay dagaal socday muddo bil ah.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories