HomeIran oo Maraakiib Dagaal u soo dirtay Xeebaha Yemen iyo Xuutiyiinta oo...

Iran oo Maraakiib Dagaal u soo dirtay Xeebaha Yemen iyo Xuutiyiinta oo horumar ka sameeyey Dagaalada Cadan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Yemen (SLpost)- Dowladda Iiraan, ayaa laba ka mid ah maraakiibteeda dagaalka u soo dirtay xeebaha dalka Yemen, iyadoo aan la aqoon ujeeddada dhabta ah ee maraakiibta Iiraan u yimaaddeen xeebaha dalkaas oo xulafada Isbahaysiga Sucuudigu Cuna-qabatayn saartay.

Maraakiibta ayaa lagu arkay Xeebaha Gacanka Cadmeed oo ay ku sugan yihiin maraakiib kale oo ay leeyihiin Xulafada Sucuudiga iyo kuwa Reer Galbeedka, waxaana walwal laga muujiyey in joogitaanka maraakiibta Iiraan uga sii daraan xaaladda cakiran ee dalka Yemen.

ssWarbaahinta dalka Iiran, ayaa tebisay in maraakiibtaasi Xeebaha Yemen loogu diray sidii ay uga hortagi lahaayen weerarrada maraakiibta ganacsi ee Iran kaga yimaadda kooxaha budhcad-baddeedda Somalida oo bishii hore gacanta ku dhigay laba markab oo dalka Iran laga leeyahay.

Haseyeeshee, warbaahinta waddamada Carabta, ayaa ujeeddada Maraakiibta Iiraan u yimaaddeen gacanka Cadmeed ku sheegay inay sii huriyaan xaaladda dalka Yemen.

Dalka Iran ayaa bishii March ee la soo dhaafay ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo duqeymaha xulafada Sacuudigu hormuudka ka yahay ku garaacayaan goobaha ay dalka Yemen kaga sugan yihiin maleeshiyaadka Xuuthiyiinta iyo ciidamada taabacsan madaxweynihii hore Cali Cabdalle Saalax oo ka garab-dagaalamaya.

Dhinaca kale, Maleeshiyaadka Xuutiyiinta, ayaa horumar ka sameeyey dagaallo culus oo maalmihii u dambeeyey ka socday magaalo-xeebeedda Cadan ee Koonfurta dalka Yemen, kaas oo u dhexeeya Ciidamo iyo malleeshiyo-beeleedyo taabacsan dowladda waddankaas.

Xuuthiyiinta Yemen, ayaa u muuqda kuwo ay ka go’an tahay inay si buuxdo ula wareegan gacan ku haynta Magaalada Cadan, iyadoo dhowr goor laga riixay, dibna ay ugu soo rogaal-celiyen.

Xuuthiyiinta ayaa dab qabadsiiyey tiro guryo ah, kaddib markii ay shalay dagaal qadhaadh kula wareegen Badhtamaha Magaalada Cadan, waxaanu dagaalku ku fiday darafyada kale ee magaalada oo ay ka dagaalamayan maleeshiyada Dowladda taageersan.

Duhurnimadii shalay, ayay diyaaradaha isbaheysiga Sucuudigu duqeymo culus ku garaacen fadhiisimo ay duleedyada Cadan ka sameysteen Xuuthiyiinta.

Duqeymaha dalalka isbaheysiga uu Sacuudiga hoggaamiyo ay ka wadaan dalka Yemen, ayaa galay maalintiisii 15-aad, iyadoo Xuuthiyiintu ay duqeymo culus ku soconayan, balse waxa muuqata inay maalinba maalinta ka sii dambaysa qabsanayaan dhul cusub.

Dagaallada ka socda magaalada Cadan, ayaa galaaftay nolosha dad tiradoodu ka badan 200 halka tiro ka badan 3000 qof dhaawacyo ka soo gaadheen.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories