Home'Intaan guriga Gaajo ugu Dhiman Lahayn Aniga Iyo Carruurtaydu, Karoonahu hanala tago...

‘Intaan guriga Gaajo ugu Dhiman Lahayn Aniga Iyo Carruurtaydu, Karoonahu hanala tago Hooyo!’

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Waxay sheekadeeda iiga bilowday “Subax kasta waan soo kalihi jiray si aan u dhamaystiro dheeli tirnaanta na qabsatay aniga iyo caruurtayda, ta ugu yari waa 5 jir ka ugu waynina waa 8 jir dhamaantoodna waa 4 caruura.

Laga bilaabo xiligii aabahood gacanta ka qaaday korintooda oo ahayd marku balwada yeeshay iyaguna ay fadhi baradka ahaayeen labada waa weyni, ilaa hada waxaan soo helo mooye waligood may cunin ceesh cid kale u soo dhididay.
Maxaan cunaa mooyaane , waxba ma yaalaan ma yaqaanaan ilahay uunbaana og sidaan ku soo helo anfaaciga dhuuntooda maraaya, haba noqoto xataa deyn imika qeybo ka mida laygu leeyahaye oo cid iga bixinaysa iyo ceel ii qodani toona aanay jirine.
Subax kasta waxaan kici jiray xiliga ay hurdada ugu wanaagsan ku jiraan, hooyooyinka ila midka ahi oo ah 3:00 habeenimo, waxaan diyaarin jiray cuntada ay cunayaan caruurta roon rooni si ay malcaamada u aadaan.

blankMarkaan ka kaco quraacda oo ku began xiliga salaada subax laga baxo ayaan gurigayga ka jarmaadi jiray intaan caruurta sii toosiyo, waxaanan subax walba sii lugayn jiray masaafo aad uga fog meesha aan deganahay, balse daalka lugta iyo culaayska alaabtaan wataa imay dhibi jirin waayo waxaa igaga xanuun kulul oo murugo igu haysa caruurtayda oo gaajoota isla markaasina jaarka looga soo dawariyo.
Waxaan hor fadhiistaa madarasad ku taala xaafada magaalada Hargeysa ka mida, waxaanan ku iibiyaa mususaace yar oo aan sidaas u badnayn,quraac basbaas,saambuuse,roodhi suugo yar la dhex mariyay,nacnac iyo waxoogaa iskiriina oo baco yar yar ku jira. Alxamdulilah lacag wanaagsan ayaa iga soo gasha waxaan habeen walba meesha kala hoydaa 50-kun ilaa 35-kun oo shillinka Somaliland ah, intaasa noo ah waxaanu maalinta dhan ee na soo waajahda kaga baxno, waxaan iibinayana kaga soo adeegto.

Waxaan gurigayga ku soo laabtaa, aniga oo cagaha biyo iga galeen hadana kuma fikiro inaan nasto oo aan seexdo , sababta oo ah ma jirto cid iga nasisa hawsha guriga xataa caruurtayda hablaha ku jiraa aad ayay u yar yaryahiin ta ugu weyni waa 7 jir oo may gaadhin wakhtigii cunto lagu halayn lahaa oo aan ka ahayn xaadh xaadhka guriga iyo weelasha oo ay ii xasho iyada oo la daala dhacaysa.
Waxaan dib u sameeyaa cashadooda ilaa aan gaadho in aan habeenada qaar aniga oo aan quraac hagaagsan cunin, xabad iskiriina iyo midh saambiise ahna ku qadeeyay maanta inaan ku dul gam’o cashadaan karinaayay sidaasina aan bilaa cunto ku noqdo hurdada iyo daalka I haya awgood.

Waxba uma arko cunta xumada oo waan xamaalanayaa, haday dumarka dhigay dhabanada iyo cagahooda dhalaaliyaan, daryeelkii naftayda dibada ayaan uga soo haajiray anigu oo iska daa inaan is daryeele waxaanan haleelin inaan timahayga garfeedh mariyo, wajigaygi casaana haaro iyo madow ay la socdaan gabow aanan dadeedi gaadhin ayaa qariyay.
Tani waa xaqiiqada noloshayda oo waxaan shaqaysto waxaan u shaqeeyaa sidaan maalinta lagu jiro ugaga bixi lahayn ani iyo caruurtaydu. Ma haystaan ubadkaygu aabo wanaagsan oo noloshooda damaanad qaada sida caruurta qeyrkood, balse waxaan nolosha ka riday geedka uu eryanaayo ee aan dheef naga soo gaadha jirin inuu isaga dhib u geysto mooyaane.

Ma qoomamaynaayo oo ilahaybaa igu arsaaqa 500 boqol ee shilling ee caruurta madarasadu mususaacaha igaga iibsadaan, si aan caruurtayda quutal daruuriga ugu iibiyo.
Anaga oo nimcadaasi ku jirna ayaa sidii caadada noo ahayd waxaan subaxii u soo jarmaaday madarasadii si aan shaqo maalmeedkaygii uga soo qabsado aniga oo daalkii iyo culayska alaabtaan sito iga muuqdaan,waxaan ka soo galay albaabkii goobta oo ku yaalay dhanka koonfureed kadibna waxaan arkay meeshii oo aan hal shaqsi dhex maraynin, iska daa in wax lagu dhex iibiyee xataa hadaad ku cusubtahay oo aad arki lahayd subaxaa waxaad is odhan lahayd meeshan waligeed iyo alaheed cid islaami may fadhisanin.

Ala naxdin waynaa markaad hawl aad ku soo talo gashay aad weydo, horaan u soo socday aniga oo ay iga dhaadhici laadahay in aan la joogin, kadibna waxaan eegay daaqadii caruurtu ka qayl qaylin jirtay markay galaasyadooda ku jiraan, mise iska daa inaad codka caruureed maqashee xataa dhawaaq xayawaan meesha kama yeedhaayo oo aan ka ahayn sanqadha ay samaynayaan daaqadaha iyo albaabada laydhu ruxaysaa.

 

WQ: Yacquub Siciid Kuuriya

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories