HomeIngiriiska Oo Taageeray In Waddamada Derisku Safka Hore Ka Galaan Dhexdhexaadinta Somaliland Iyo...

Ingiriiska Oo Taageeray In Waddamada Derisku Safka Hore Ka Galaan Dhexdhexaadinta Somaliland Iyo Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ambassador Ben Fender SomalilandHargeysa (SLpost) Dawladda Ingiriiska oo wax laga waydiiyay in ay kor u qaaday xidhiidhka ay Somaliland la leedahay maaddaama oo ay dhawaan Somaliland yimaaddeen masuuliyiin sare oo wasiirka Gaashaandhigga UK ka mid yahay ayaa sheegtay in aanay waxba iska bedelin halka ay Somaliland ka taagnayd, islamarkaana ay arrinta Somaliland u daynayso dalalka la deriska ah iyo wada hadallada Muqdisho iyo Hargeysa.

 

Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland Danjire Ben Fender ayaa sheegay in khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya yahay arrin u taalla Hargeysa iyo Muqdisho, islamarkaana ay ka dhur-sugayaan wada hadallada iyo waxa ay ka yeelaan waddamada derisku.

 

Danjiraha cusub ee Ingiriiska oo telefishanka Goobjoog waraysi siinayay ayaa sheegay in aanay waxba iska bedelin mawqifka Ingiriiska ee ku aaddan Somaliland “Waxaan ogahay in aanay waxba iska bedellin mawqifkayaga Somaliland, Ingiriiskuna ma aqoonsana gooni isu taagga Somaliland ku dhawaaqday umana aragto dal madax bannaan,” Sidaas ayuu yidhi Danjire Fender.

 

Danjiraha cusub ayaa intaasi raaciyay in ay arrinta Somaliland iyo Somalia u daba fadhiisanayaan dalalka deriska, islamarkaana soo dhaweynayaan wada hadallo dhexmara madaxweyne Biixi iyo Farmaajo “Arrinta Somaliland waxay u taalla in ay go’aan ka gaadhan Soomaaliya iyo Somaliland mana aha mid u taalla Ingiriiska oo kale, run ahaantiina waa in ay door ku yeeshaan waddamada gobolku, islamarkaana ay aqoonsadaan natiijada ka soo baxda anaguna waxaanu soo dhaweynayna horumar kasta oo arrintan laga gaadho iyo weliba xidhiidh kasta oo dhexmara Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi,” Sidaas ayuu yidhi Danjire Ben Fender.

 

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa dhawaan markii ay kulmeen madaxweyne Muuse Biixi waxa uu daneeyay in uu door ku yeesho wada hadallada labada dhinac waxaana hore arrintan u danaynayay dawladda Jabuuti oo door bidaysay in kulanka Madaxweyne Biixi iyo Farmaajo lagu qabto Jabuuti haddii laga midho dhalliyo dadaallada lagu doonayo in la kulan-siiyo.

 

Geesta kale ururka ka shaqeeya xallinta khilaafaadka ee Center For Humantarian Dialogue ayaa ku hawlan dadaallo uu isugu soo dhaweynayo madaxweyne Biixi iyo Farmaajo waxaana la sheegay in uu kulan wada hadallada gogol xaadh u ah todobaadkan ku qabtay Nairobi kaas oo ay ka qayb galeen ururo bulsho oo Somaliland iyo Somalia ka kala socday kuwaas oo la doonayo in ay qayb ka qaataan gogol xaadhka iyo wacyigelinta bulshada ee suuro gelinta wada hadallada.

 

Dawladda Turkiga ayaa sidoo kale u xusul duuban sidii ay mar kale u hagi lahayd wada hadallada Hargeysa iyo Muqdisho. Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo dhawaan warbaahinta iyo dawladda Turkiga uga xog warramay arrimaha ka socda Geeska ayaa sheegay in ay muhiim gobolka u tahay haddii Turkigu dhammeeyo khilaafka Somaliland iyo Soomaaliya.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories