HomeIngiriiska Oo Soomaaliya Ciidammo U Diraya

Ingiriiska Oo Soomaaliya Ciidammo U Diraya

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

London (SLpost)-Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron ayaa xalay ku dhawaaqay in boqolaal askari ay u dirayaan Bariga Afrika, si ay uga qeyb qaataan la dagaalanka xagjirnimada iyo caawinta Ciidamada Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey.

 

Mr Cameron ayaa sheegay in 70 xubnood oo ka tirsan Ciidamada Milateriga ay u dirayaan Soomaaliya, si ay uga caawiyaan Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in saddex boqol askari ay u dirayaan dalka ugu da’da yar Adduunka ee Koofurta Sudan, halkaasoo labadii sano ee u dambeeyay ay dagaalo sokeeye ka dhacayeen.

 

Saraakiisha Xafiiska Ra’iisul Wasaare Cameron ayaa sheegay in doorka ciidamadan aanay noqon doonin dagaalka dhulka ee safka hore, balse ay ku lug lahaan doonaan tababarka iyo taageerida xaga saadka ee Ciidamada Nabad ilaalinta iyo bixinta khibrad Injineernimo.

 

Mr Cameron ayaa difaacay qorshihiisa uu xalay ku dhawaaqay isagoo xusay in ka qayb qaadashada taageerida hawlaha nabad ilaalinta ay ammaan iyo xasilooni ku keeni karto Gobolka, isla markaana ugu dambeyn Britain ka dhigi karta mid ammaan ah, isla markaana hoos u dhigta qul qulka muhaajiriinta imaanaya Yurub.

 

Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa sidoo kale sheegay inay qaadan doonaan taxadar aad u weyn oo ku aadan sidii looga fikiri lahaa ammaanka iyo nabadgelyada Ciidamadan.

 

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Cameron ayaa maanta si rasmi ugu dhawaaqaya qorshihiisan, isagoo garab fadhiya Madaxweynaha Mareykanka Obama iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ee shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ka furmaya New York.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories