HomeIngiriiska Oo Sanadkan Gudihiisa Dawlada Digniintii Shanaad Usoo Jeedisay muwaadiniinteeda Ku Sugan...

Ingiriiska Oo Sanadkan Gudihiisa Dawlada Digniintii Shanaad Usoo Jeedisay muwaadiniinteeda Ku Sugan Somaliland Iyo Somaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (Slpost.net)- Wasaaradda arimaha dibada iyo dalalka barwaaqo sooranka dalka ingiriiska ayaa uga digey muwaadiniintooda ku nool Somaliland iyo somaliya inay si dhakhso ah uga baxaan cabsi laga qabo in ay weeraro kusoo qaadan kooxaha xagjirka ah awged.

War-saxaafadeed ay kasoo saareen arrinatan ayaa lagu sheegay in laga cabsi qabo in kooxaha xagjirka ahi weeraro kusoo qadaan goobaha ay u badan dadka ajaanibka ah ee ku yaala Somaliland iyo somaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada iyo dalalka barwaaqo sooranka ee dalka ingiriiska ayaa ay ku sheegeen halista iyo cabsiga laga qabo in ay weeraro kala duwan kasoo qaadaan kooxaha xagjirka ahi goobaha ay ku badan yihiin dadka ajaanibka ahi ,iyaga oo xusay in dalka somaliya wakhtigan ay ku mashquulsan yihiin doorashooyinka madaxwaynaha iyo baarlamaanka dalkaas,waxaan ay dawlada ingiriisku uga digtay dhamaan muwaadiniintooda inay u safraan Somaliland iyo somaliya oo ay ka reebeen magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

Waxaana war-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada iyo dalalka barwaaqo sooranka dalka ingiriiska uu u dhignaa sida tan

“Waaxda arrimaha dibada iyo barwaaqo sooranka ee ingiriiska (Foreign and Commonwealth Office “FCO”) ayaa uga digaysa in gabi ahaanba loo safro dalalka somaliya iyo Somaliland marka laga reebo hargeysa iyo Berbera,taas oo xafiiska FCO ay ka digayso in labadaas magaalo lafteeda hadii aanay lagama maarmaan ahayna in aan loo safrin.

Muwaadin kaste oo ingiriiska ah oo ku sugan gudaha dalka somaliya waa inay ka baxaan kuwa qorshaynaya inay u safraan somaliyana waa inay u safrin,sidoo kalena muwaadiniinta ku sugan magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera hadii anay ahayn safar muhiim ah waa inay sida ugu dhakhsaha badan uga soo baxaan magaalooyinkaas ,waxa jira khatar darajadeedu aad u sarayso oo kasoo fool leh kooxaha xagjirka ah oo ay kamid yihiin afduub ay ka fulin doonto gudaha somaliya”.

Kooxaha argagaxisada ahi waxay hore hanjabaado ugu direen ajaanibka kasoo jeeda wadamada reer galbeedka iyo kuwa hawlo shaqo ka haya ururada samafalka ah ee reer galbeedku leeyihiin”.

Warsaxaafadeedkaan loogu digayo muwaadiniinta ingiriiska ee jooga Somaliland iyo somaliya in aanay u safrin somaliya iyo Somaliland ayaa noqonaya tii shanaad ee laga soo saaray muddo sanad gudihii ah wasaaradda arimaha dibada iyo dalalka barwaaqo sooranka ingiriiska.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories