HomeIngiriiska oo Muwaadiniintiisa ka Daad-guraynaya Dalka Masar

Ingiriiska oo Muwaadiniintiisa ka Daad-guraynaya Dalka Masar

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Sharma Sheekkh(SLpost)- Diyaarado ayaa dib u daad gureyn doona dadka British ka ah ee dalxiiska u jooga magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar, sida lagaga dhawaaqay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Britain.

 

Shirkadaha diyaaradaha ee kala ah, Easyjet, Monarch, Thomson iyo British Airways dhammaan waxa ay daad guureyn doonaan rakaab wajihidoona baadhitaano dheeraad oo dhanka amniga ah. Rakaabka diyaaradahaasi raacaya waxaa loo ogolyahay oo keli ah alaabta gacanta ay ku sitaan, boorsooyiinka iyo alaabaha kale ee culusna diyaarado kale ayaa la saarayaa, sida Britain ay sheegtay.

 

Kumanaan British ah ayaa weli ku suganaa Sharma Sheekh, markii Britain ay ku dhawaaqeysay inay hakisay duullimaadyadii uga imaanaayay ama aadayay Masar. Dowladda ayaa go’aankaasi ku dhawaaqday arbacadii, kaddib markii ay soo bexeen warar sheegaya in diyaaradda Ruushka ee la soo riday bam uu saarnaa.

 

BBC-da ayaa ogaatay in baadhayaasha Britain ee raadinaya waxa sababay burburka diyaaradda rakaabka ee Ruushka ay aaminsan yihiin in uu ahaa bam la sii saaray diyaaradda ka hor inta aanay duulin.

 

Madaxweynaha Mareykanka, Barak Obama waxa uu dhankiisa sheegay in Mareykanka uu si dhab ah u qaadanaayo suuragalnimada ah in bam uu saarnaa diyaaradaasi.

 

Laakiin Masar waxa ay sheegeysaa in aan la gaadhin xilli go’aan la gaadho, aanay ahayd in Britain ay la wadaagaan wararkii ay hayeen saaxiibadooda.

Ra’iisul wasaare, David Cameron waxa uu sheegayaa inay “aad ugu badan tahay” in bam argagixiso uu sababay burburka diyaaradda oo ay ku dhinteen 224 qof oo la socotay.

 

Dalal dheeraad ah ayaana hadda ku soo biiray Britain, kuwaas oo xakameynaayaa safarada magaalada Sharma Sheekh.

 

 

Source- BBC

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories