HomeIngiriiska oo ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha Xal laga gaadho khilaafka Xuduudaha...

Ingiriiska oo ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha Xal laga gaadho khilaafka Xuduudaha ee ka dhex aloosan Somaliland iyo Somaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Somalilandpost NewsLondon (SLpost)- Xukuumada Ingiriiska ayaa xaqiijisay inay jiraan shirkado dalkeeda laga leeyahay oo dhinaca ammaanka kala shaqeeya hawlaha sahaminta shidaalka Somaliland.

Dawladda Ingiriisku waxa kale oo ay ka hadashay khilaaf dhinaca xuduudaha ah oo u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, gaar ahaan maamul-goboleedka Puntland, waxaanay dhiirigelisay in xalka arrintaas lagu dhammeeyo wada-xaajood dhexmara labada dhinac.

Sayeeda Warsi oo ka tirsan aqalka Odeyaasha dalkaa, una metesha xukuumadda arrimaha dibedda iyo dalalka Barwaaqo-sooranka, ayaa sheegtay inuu jiro khilaaf ka taagan xuduudaha ay wadaagaan Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland, isla markaana ay soo jeedinayaan in wada xaajood lagu dhameeyo.

Xildhibaan Lord Chidgey oo fadhi aqalka Odeyaasha Ingiriisku yeeshay  soo jeediyey wax ka weydiiyey haweenaydan su’aalo la xidhiidha aragtida dawladda Ingiriiska ee ku wejahan khilaafka Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland ee ku saabsan gobolada Sool iyo Sanaag, iyo haddii ay jirto talaabooyin ay u qaadday kordhinta wada-shaqeynta u dhexeysa Somaliland, waxa ay xildhibaanad Sayeeda Warsi ku jawaabtay, “ Somaliland iyo Puntland waxa jira khilaaf dhuleed la xidhiidha xuduudaha ay wadaagaan, oo shaqaaqo ka abuuray gobolada Sool iyo Sanaag, gaar ahaan, reeraha dega gobolada ee gacansaarka la leh Puntland.

Shaqaadaasi waxay xilliyada qaar caqabad ku noqdaan gaadhsiinta gargaarka horumarineed. Waxaan u soo jeedinaynaa wada xaajood iyo xilkasnimo dhamaan dhinacyada,” ayey tidhi Warsi.

Iyada oo ka hadlaysay nooca xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Xukuumadda Raysal-wasaare David Cameroon, waxa ay tidhi, “Ingiriisku xidhiidh dhow ayuu la wadaaga Somaliland, waxaanan si rasmi ah xafiis uga furanay Hargeysa 2012, si loo xoojiyo wada shaqeynta aan wadaagno.

Shirkii Brussels waxaan ku dhawaaqnay taageero aan kujirin sanduuqa horumarinta Somaliland oo gaadhaysay  shan milyan oo Gini (£5 Milyan), kana dhigaysa guud ahaan taageeradayada sanduuqa £25 milyan, taas oo loo qorsheeyey kobcinta kaabayaasha iyo dardargelinta adeegyada bulshada.

Guud ahaan, Ingiriisku waxay ugu yabooheen Somaliland taageero dhaqaale oo gaadhaysa  £95 milyan ilaa sannadka 2015. Waxaan sii wadi doonaa wada shaqeyntayada dhinacayada taageerada doorashooyinka iyo nidaamka dimoqraadiyada, dib-u-qaabaynta hay’adaha, iskaashiga amaanka ee ay ka mid tahay la-dagaalanka budhcad-badeedka iyo kobcinta hay’adaha garsoorka.

Xildhibaan Chidgey waxa kale oo uu haweenaydan weydiiyey su’aal u dhignayd, ‘Miyey jiraan shirkado dhinaca amaanka qaabilsan ee Ingiriiska oo hawlo ama talooyin ka bixiya sahaminta shidaal ee ka socota Somaliland? Hadday jiraan, xidhiidh noocee ah ayaa shirkadahaasi la leeyihiin wasaarada Arrimaha Dibeda (Ingiriiska)?

Waxaanay haweenaydani su’aashaas kaga jawaabtay, “Waanu la soconaa in tiro kooban oo shirkadaha amaanka ee gaarka loo leeyahay ee ka diiwaan-gashan halkan (Ingiriiska) ay ka shaqeynayeen ama xilligan kala shaqeeyaan Somaliland sugidda ammaanka shirkadaha sahaminta shidaalka.

Iyaga oo raacaya nidaamka degsan, waxaan u fududeynaa shirkadahaa warbixinaha kooban ee xaaladda ammaanka, digniinaha socdaallada iyo siyaasadda Ingiriiska ee la xidhiidha Somaliland.”

XIGASHO: Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories