HomeIngiriiska oo Digniin u jeediyey Dawladda Ethiopia

Ingiriiska oo Digniin u jeediyey Dawladda Ethiopia

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

London (SLpost)- Dawladda Ingiriiska, ayaa Itoobiya kala hadashay isla markaana u jeediysay inay dignoonaan dheeri ka yeeshaan faro-gelin lagu sameeyo xoriyadda iyo bad-baada nolosha hoggaamiyaha mucaaradka ugu tunka weyn Itoobiya oo dhawaan loo gacan-geliyey dalkaas, ka dib markii laga mastaafuriyey dalka Yemen.

Xoghayaha Gargaarka Caalamiga ee Ingiriiska Lynne Featherstone, ayaa xaqiijisay in xukuumadda Itoobiya loo soo gacan-geliyey guddoomiyahii mucaaradka Itoobiya, Andargachew Tsege oo haysata dhalasha dalka Ingiriiska, balse waxa uu ugu baaqay inay inaan lagu fulin xukun dil ah sannadkii hore lagu riday isaga oo dalka dibaddiisa ku maqan.

Andargachew-Tsigie-Xukuumada Ingiriiska waxa ay sheegtay in Mr. Tsege oo haysta dhalashada dalkooda sifo sharci-daro ah lagaga mustaafuriyey dalka Yemen oo looga gudbiyey Itoobiya.

“Waanu kala hadalay xukuumada Itoobiya, walaaca aanu ka qabno muwaadinka Ingiriiska Andargachew Tsege, ee sharci-darada looga soo mustaafuriyey dalka Yemen. Waxaan u sheegnay in loo ogolaado la kulanka, isla markaana naloo ballanqaado inaan xukunkii dilka lagu fulin,” sidaa waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda Ingiriiska.

“Ingiriisku waxay sidoo kale kala hadashay talaabada aan la aqbali Karin ee dalka Yemen ugu gacangeliyey hogaamiyahaa, iyaga oo iska indho-tiray shuruucdii Vienna ee ka hortegayey jidh-dilka,” ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska.

Kiiska Mr Andargachew ayaa la sheegay in xukuumadda Ingiriisku kala hadashay rayasal-wasaare Hailemariam Desalegn oo todobaadkan kulan ku dhex-maray magaalada Hargeysa, Xoghayaha Gar-gaarka Caalamiga ah ee Ingiriiska Lynne Featherstone, in kasta oo aan la shaacin natiijadii ka soo baxday wada-xaajoodka, balse waxa la sheegay in Ingiriisku ka codsaday ballanqaad ah in aanay dawladda Itoobiya ku fulin ninkaas xukun dil ah oo hore loogu xukumay.

Mr Andargachew ayaa xoghaye guud ka ahaa ururka Ginbot 7 oo loo sameeyey doorashooyinkii ka dhacay Itoobiya sannadkii 2007-kii ee khilaafka ka dhex-dhaliyey dalkaas oo sababay bannaan-baxyo lagu xidh-xidhay taageerayaal mucaaradka ka tirsan oo mudaharaadyo ay natiijada doorashada kaga soo horjeedaan ka sameeyey dalkaas, waxaanu hoggaamahani ka mid ahaa siyaasiyiin wakhtigaas xukunno dil ah lagu fuliyey, ka dib markii lagu eedeeyey inay wadeen talaabooyin lagu minjo-xaabinayo xukuumada Itoobiya.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories