HomeInay Gabiley shalayna Madaxwaynaha Somaliland,Muj. Axmed Siilaanyo KABO Nijaasa kala hor...

Inay Gabiley shalayna Madaxwaynaha Somaliland,Muj. Axmed Siilaanyo KABO Nijaasa kala hor tagto,maantana aay Xisbiyo aan laba gar daadin iyo durbaano madhan u mashxaraddo, waa kaaf iyo kala dheeri iga dheh

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Afeef : Weli geed intaan tegay, kama furin gar eexo ,kalmadda Xaqa ahna , cidna kalama leexdo

Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaanan Allaha weyn idiinka baryaya , inuu idinka yeelo kuwii if iyo aakhiraba liibaana,xaqana u hiiliya,baadilka iyo dulmigana ka fogaada.

Inta aanan si xarago leh u soo bandhigin dulucda qoraalkaygan,aan ku daah furo heestan macnaha weyn xanbaarsan , ee uu qaado Xasan Adan Samatar:

************************************************************

Ileyn Doqoni, qiiq kama kacdee,daaman keey meer meerisaa
docdeey kaa jirtaa bay,dhaxani kaa dishaayoo,
ma diirsado walaalkeed,intay duinda joogtee,
Doqoneey dabkaa be’

************************************************************

Ileyn Doqoni qiiq kama kacdee,daaman keey meer meerisaa
ma taqaano dawgoo,dabool baa ka saarane,
markay dalaq tidhaa bay,ilmada daadisaaye,
doqoneey,dabkaa ba’.

************************************************************

Akhriste,bal aan haddaba u deg dego halkaan u dan leeyahay iyo waxaan ka biyo diiday,ee aan rabo inaan ku saxo qalinkayga dhumucda leh,ee ka madhan fool xumada qabyaalada,shaqsi jeclyesiga iyo eexda.

Shalay bay ahayd markii Madaxweynaha Somaliland,Muj. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hogaaminayo,iyagoo maraya faras magaalaha magaalada Gabiley,KABO NIJAASA,lagala hor tegay.Dhacdadaasi oo ahayd mid aad u fool xun,oo xag diineed iyo mid dhaqan toona aynaan u lahayn.Haddiise Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo aad saluugteen,miyaanay ka qumaneyn ,in sidii rag yeeli jiray ,ee milgaha iyo sharafta lahayd,ee Somaliland ku caano maashay,inaad gole joog iyo miiska wada tashiga, dareenkiina ku soo ban dhigtaan…Anigoo ka duulayaa maah maahda Somaliyeed ee tidhaa:”Walaalkaa magtana ka bixi, markhaatigana ku fur,” waxay aniga ila tahay,inay taasi ahayd talo guracan , waxbana aydaan  kororsan , taariikh xumana aad la galbateen.

Hadaba,iyadoo taasi jirto,maxaa maantana keenay inaad Xisbiyo cusub , oo aan laba gar daadin iyo ballaan qaadayadii aad tidhaaheen hore ayaan ugu  hungoobney, iyo durbaanadan madhan, ugu  mashxaradaysaan , uguna sacabbo tumaysaan…….Waar ileyn , Doqoni xadhko lagu xidhayo,xusuladeey ku sidataa,ayaabaa hore loo yidhiye..Maxaase
idiin diiday , inaad idinku gacantiina Xisbiyo ku sameysataan,danta guud u walaalawdaan, gacmihiinana ku hagar baxdaan.

Yaan tawaadu iga idlaane  , aan soo af meero dulucda qoraalkaygan, oo ah:

Inay Gabiley shalayna Madaxwaynaha Somaliland,Muj.  Axmed Siilaanyo KABO Nijaasa kala hor tagto,maantana aay Xisbiyo aan laba gar daadin iyo durbaano madhan u mashxaraddo,waa kaaf iyo kala dheeri iga dheh

Waxaan dhammaantiinba idinku dhaafayaa, Somaliland Ha Noolaato  &  Long Live Somaliland

Reer Gabileyna waxaan ku sagootinayaa,Xasan adan Samatar, oo aan ka codsaday inuu heestii aan
ku wanqalay qoraalka ,u dhameys tiro….Sidee waaye Xasan,dabada u qabo hee !!!!

Eng.Mohamed Ali Muse
October 30,2011

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories