Home"Inatii Xukuumadda Siilaanyo Joogtay, Haddii Guri La Iibiyay Ma Soo Helaysid" Wasiir...

“Inatii Xukuumadda Siilaanyo Joogtay, Haddii Guri La Iibiyay Ma Soo Helaysid” Wasiir Cali Mareexaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa sheegay in saska ay ka qaadeen xisbiga WADDANI saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabtu ka furanayaan  madaarka Berbera ay tahay arrintan mugdiga  rajadii ay xisbigaasi ka qabay inuu ku hanto talada dalka isla markaana  ay xoogaysanayso taageeradii bulshadda uu ka haystay xisbal-xaakimka KULMIYE.

index

Wasiirku waxa uu sheegay in cid kasta oo ka soo horjeedsata Saldhigga Millatari ee Berbera ay tahay cadawga Somaliland; “Saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabtu ka samaysanayo madaarka magaalada Berbera, baarlamaanka ayaa ansixiyay, duniduna way saameysaa, waxaana aan u arkaa saldhiggan in uu fursad u yahay Somaliland. waxaan ummada u caddaynayaa cid kasta oo   necbaa Somaliland ayaa ka qayliyay heshiiskan.  dawladda Imaaraadka iyo Soomaaliya waa kuwaas is qabtay ee safiirkoodii u yeedhay. waxa ay isku qabteenna waa saldhigga. dad kale oo Somaliland neceb oo qaylinayaana waa la arkayaa, shacabkuna badankiisu waa taageersan yahay saldhigaas,”ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan oo u waramay HCTV.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in meeqaamkii Somaliland uu kor u qaaday saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabtu ka samaysanayso madaarka magaalada Berbera, waxaannu yidhi; “Warbaahinta caalamka oo dhammi way ka hadleen, iyagoo magaca Somaliland kor u soo qaaday. Waxaynu   u baahannahay in aynu dunida dawladnimadeenna ka iibino oo caalamka u sheegno, wixii markab innoo yimaadaanna Imaaraadka ayaa ayay ka yimaadaan.

Markaa saldhigga millatari yaan laga dhigin in cirku soo dhacayo, werwerka xisbiga WADDANI ka haya saldhigaasi,  waxa weeye haddii ay isku xidhmaan dawlada KULMIYE iyo addduunku, waxa xoogaysanaya taageerada loo hayo xisbal-xaakimka.markaa  WADDANI waxay isleeyihiin si kale u dhiga oo waxay leeyihiin waddankii ayaa la liqayaa iyo  xuutiyiin ayaa ina laynaysa. waa arrimo siyaasadeed oo ay isleeyihiin sawir kale u sameeya, waana wax taariikhdu kala sheegi doonto. waxaa ka mid ah waxyaabaha aynu dhaafsanayno saldhigga Berbera iyo maalgalinta dekeda Berbera,  waxaa ku jira shaqaale reer Somaliland ah oo loo shaqo gaynayo Imaaraadka Carabta.”

“Intii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo joogtay haddii guri la iibiyay ma soo helaysid guri la iibiyay oo aan ku jirin misaaniyadda, dadkuna guryo la iibiyay ayay ka hadlaan, laakiin miisaaniyadda waxa ay ka kooban tahay dakhli iyo kharash. dakhliga waxa  ku qoran hantida la iibiyay kharashka ka soo xaroonaya.

kharashkana waxa ku qoran guryaha la iibiyay. waxa guryaha la dhisayo ayaa ka badan guryaha la iibiyay.”

 

Somalilandpost.net

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories