Home"Inanta, inanka, taajirka iyo ku kasta oo dagaalkaas ka qayb qaata oo...

“Inanta, inanka, taajirka iyo ku kasta oo dagaalkaas ka qayb qaata oo fidno-wade ah, gacan dawladeed baanu ku qabanaynaa”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay Xiisadda Colaadeed ee ka taagan gobolka Sanaag gaar ahaan deegaanka Ceel-Afweyn oo uu ku tilmaamay arrin nasiib-darro ku ah qaranimada Somaliland, waxaanu ballan-qaaday inay xukuumad dhinaca tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo u hoggaansami weyda dowladnimada iyo kala-dambaynta Sharciga.

IMG_3666Madaxweynaha oo saaka khudbad ka jeediyey munaasibadda 18 May, waxa uu yidhi, “Waxa aad dhammaantiin ila dareensan tihiin in Qabyaaladda, Qaadka, Colaadaha beelaysan ee soo noq-noqday iyo is-aaminaad la’aanta shacabka ee meelaha qaarkood ka jirtaa ay tahay dhibaato xoog badan oo dalkeena hortaala, mustaqbalkiisana culays ku haysa.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Colaadda ka aloosan Gobolka Sanaag, waxa aan u arkaa nasiib daro. Waa dhiig ku daadanaya xaq daro, Dawladda waxa ka go’an inay ka qaaddo tallaabo dawladnimo oo ay soo xidh-xidho oo gacnata kusoo dhigto qof kasta oo nabad-diid ah. Waxaad og tihiin in Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo odayaashii Guurtidu ay bil fadhiyeen deegaankaas, waxana Ilaahay mahaddii ah in dhawaad konton qof oo hubaysan inay ciidanku hubkii ka dhigeen, una gudbiyeen Boorama, kuwa lasoo wadona waxa aanu u gudbin doonnaa Saylac, Inanta, inanka, taajirka iyo ku kasta oo dagaalkaas ka qayb qaata oo fidno-wade ah, gacan dawladeed baanu ku qabanaynaa, waana naga go’aan oo waanu isku raacsannahay. Dhammaanba waxgaradka Sanaag waxa aan ugu baaqayaa inay ka hawlgalaan daminta colaadda ay wax ma-garatada iyo dadka fidno-wadeyaasha ahi abuurayaan, waxa aan si gaar ahaan waxa aan si gaar ah baaq ugu jeedinayaa maayarka Ceerigaabo iyo odayaasheedu inay ka hawlgalaan waxyaabaha ilaa shalay ka dhacaya, waana arrin naxdin leh in magaalo weyn oo Ceerigaabo oo kale ah in wiilal yaryari qoryo lasoo galaan oo dad xabbado ku dhuftaan.”

.

 

Walaalayaal, waxa aan ugu baaqayaa dhammaan shacabka Somaliland in ay midoobaan, in ay is-aaminaan, in ay iskaashadaan. Waxa aynu ku weyno iskaashi iyo walaalnimo, lagu heli maayo kalifaad iyo jujuub.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories