Home"In la soo bandhigo musuq-maasuq lagu kacay iyo hantida umadda oo la...

“In la soo bandhigo musuq-maasuq lagu kacay iyo hantida umadda oo la leexsaday, waa mid loo baahan yahay, laakiin…” – Ex-wasiir CADAMI

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan musuq-maasuqa iyo boobka hantida umadda ee lagu eedayey Xukuumaddii uu ka tirsanaa, xilli Guddida Ilaalinta Umadda ee Golaha Wakiiladu ay soo bandhigeen in masuuliyiin ka tirsan Xukuumaddii ay hore ay lunsadeen hantida umadda.

CADAMIWasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay Ciidamada Qaranka,oo uu tilmaamay inay sharaftooda,maamuskooda iyo karamoodada leeyihiin, waxaanu sheegay inay sharci iyo kala dambayn leeyihiin, loona baahan yahay in mar walba garabkooda la galo, oo aan laga hor iman.

Ugu horey wuxuu isagoo ka jawaabaya su’aal la weydiiyey oo la xidhiidha aragtidiisa ku wajaahan warbixinta Guddida Ilaalinta Hantida Umadda soo bandhigeen, waxa uu yidhi, “Qof kastaaba waa masuul, qof kastana wuxuu masuul ka yahay waxa la raaciyey, ama hadba xilka loo dhiibay, in la soo bandhigo musuq-maasuq lagu kacay, iyo hantida umadda oo la leexsaday, sifo sharci daro ahna loo isticmaalay, waa mid loo baahan yahay, laakiin muhiimada mar walba ah in la hayo  caddaymo iyo xaqiiqooyin lagu qanco, oo  daliil u ah hantida umadda ee la musuqay, iyo cidda musuqdayba,sharci baynu leenahay, sharcigaas waa loo siman yahay, Madaxweyne, Wasiir iyo Shacaba, sharciga ciddina kama weyna, cid kasta oo lagu helo daliil iyo caydamo ah musuq-maasuq iyo lunsi hantida umaddeed, wasiir ha ahaado, ama shacab ha ahaado, sharciga ayaa qabanaya, sharciguna saamixi maayo, anigu difaaci maayo cidda hantida umadda lunsatay, cidna farta ku fiiqi maayo, cidda ay ku cadaatana, daliilna loo helo odhan maayo saamaxa,”.

Wasiirkii hore ee Wasaraadda Gaashandhiga mar aanu wax ka weydiinay Wasaaraddii uu Wasiirka ka ahaa iyo musuq-maasuqa ayaa yidhi, “Wasaarad Maaliyadeed, Wasaarad Ganacsi, iyo Wasaarad Lacageed maan joogin, Wasaaradda Ciidanka ama Milatariga oo ah Wasaaradda Gaashandhiga ayaan joogay, muddadii aan Wasaaraddan joogayna,waa laga war qabaa heerka aan gaadhsiiyey, ha noqoto dhismaha, dhiirigalinta, dirayska iyo darajada Ciidamadda, imikana oo aan Wasaaraddii joogina, waxaan jecel ahay, in heerkii aan kaga tagay, heer ka wanaagsan in la gaadhsiiyo Ciidankeena Qaranka, waana la gaadhsiin doonaa, insha allaah, markaas qofku waxa waajib ah in xil kasta iyo meel kasta oo loo magaacabo uu waajibaadkiisa sida ugu daacadsan uga soo baxo, qabri, qiyaamo iyo xisaab ALLE ayaa inaga dambeeysa, ee anigu waajibaadkaygii iyo xilkii Wasiirnimo ee aan umadda u hayey si daacadnimo leh ayaan u gutay, in aan musuq ku kaco iska daaye, in aan anigu umaddayada maalkayaga iyo hantidayada u hore ayaan jecel ahay”.

Wasiirkii hore ee Gaashandhiga ayaa mar uu ka hadlaayey Ciidanka Qaranka ayaa yidhi “Ciidanka Qaranku, waa kuwaas hadh iyo habeenba heegaanka inoo ah, ee amaankeena ALLE sukadii sugaya, in la xaq-dhawro, oo la maamuso, oo la abaalmariyo, lana dhiirigaliyo ayey mudan yihiin, Xukuumadduna kolay dadaalkaas mar walba wey wadaa, ta kale waxa hubaal ah in Shacabku laftoodu iyana inay mar walba garabkooda taagan yihiin, markaas Ciidanka Qaranka oo qudha maaha, ee dhammaan Ciidamadda kale duwan ee dalka, waa in la xaq dhawraa, oo Askariga isagu karti iyo dadaal dheeraad ah sameeya, waa in si gaar ah loo maamuso, oo abaalmarin la siiya, si uu dhiirigelin u helo si uu  dadaal dheeraad ah u sii sameeyo, Askariga sharciga jabiyana, waxaan leeyahay,qaranimadana meel kaga dhaca, waa in sharciga loo maraa wuxuu mutaystay, maxa yeelay fidno, fawdo iyo in qarankan la isku dayo in wax yeelo suurtagal maaha, mana yeelayno, ee waa in qaranimadeena si wada jir ah u ilaashana.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories