Home“In La Dhul Jiifteeyo Maaha, Somaliland Waa Qaran, In La Kala Sheegto...

“In La Dhul Jiifteeyo Maaha, Somaliland Waa Qaran, In La Kala Sheegto Maaha, In Buuraha La Galana Maaha”Xaaji Cabdi-waraabe

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Hargeysa (SLpost)-Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe), oo ka mid ah hal-doorka Somaliland ee dhidibada u taagay nabadgelyada Somaliland, ayaa dilka taliyihii Booliska gobalka Saaxil ku tilmaamay dhacdadii ugu foosha xumayd ee soo marta Somaliland, waxaanu ku taliyay in nabadda la ilaaliyo.

1

Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe), oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale waxa uu Bulshada Somaliland kula dardaarmay inay ilaashadan Nabadgalyadooda, isagoo hogo tusaaleeyay dhibta iyo saxariirka loo soo maray hirgelinteeda,  “Marka hore Shacabka Somaliland iyo dhammaan Ciidamada dalka waan ka tacsiyadaynayaa Taliyahaas la dilay, ee gacanta ka gardarani dishay, ALLENA waxaan uga baryayaa inuu godka u nuuro, una naxariisto, weerarkan lagu dilay Taliyuhuna waxa uu ahaa weerar iyo dhacdo aad u fool xun, oo qaranimadeena iyo jiritaankeena dhib ku ah.” ayuu yidhi Xaajigu, isagoo intaas raaciyay “In la dhul jiifteeyo oo amaanka qaranka lagu ciyaaro maaha, si aanu dilkan oo kale u dhicina waa in Xukuumaddu dadaal dheeraad ah ka gashaa, Somaliland waa qaran, waa dal, in la kala sheegto maaha, in Buuraha la galo maaha, in dib loo noqdo oo dhibaatooyin Somaliland ka soo gudubtay lagu noqdo maaha, Qaran ayeynu nahay ee Qabiil iyo qudhun yaan lagu noqon, dhacdadan Taliyaha lagu dilayna waa dhacdo aan hore dalka uga dhicin ee ha la iska kaashado sidii loo qaboojin lahaa, oo Xukuumad, Goleyaal, Madax dhaqameed iyo Shacab ha la iska kaashado.”

Xaaji Cabdi Waraabe ayaa mar uu ka hadlaayey Nabadgelyada iyo culayskii loo soo maray hirgelinteeda, wuxuu yidhi “Cidna looga sheekayn maayo, loona sheegi maayo wixii dhiba ee ina soo maray, iyo sida ay sida aynu ku hirgelinay Nabadgalyada,ee Nabadaas aynu jidka dheer u soo galnay, yaan si yar oo fudud  lagu burburin,oo dadkani colaad iyo dagaalo ma qaadi karaane yaan lagaga ciyaarin nabadooda”

Xaaji Cabdi Waraabe ayaa mar uu la hadlaayey Xisbiyada ayaa  yidhi ‘Xisbiyada iyo Xukuumadda waxa aan kula dardaarmaya danta qaranka ha loo midoob, midna ha laga ahaado, oo wixii gef ku ah ee qaranimada wax yeelaya ha iska ilaaliyaan, Diiwaangelinta ha ka wada qayb qaataan,oo dadka ha ku wacyigeliyaan qaadashada Kaadhka Diiwaangelinta”.

Xaaji Cabdi Waraabe ayaa mar uu ka hadlaayey Diiwaangelinta waxa uu yidhi “Shacabka Somaliland waxa aan kula dardaarmayaa inay kaadhka Diiwaangelinta codeynta qaataan, si ay Doorashada ugu galaan, oo si wanaagsan ha u galaan, si ay Doorashadu hadhaw inoogu hagaagto, oo yaan la dhayalsan Diiwaangelinta.”

XigashO geeska

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories